FARIIN KU SOCOTA BULSHADA GOBOLKA MAROODI-JEEX.

Marka hore waxa aan halkan salaan diiran hawada u marinayaa guud ahaan bulshadayda qiimaha badan ee reer Somaliland, gaar ahaana bulshada ku dhaqan Gobolka Maroodi-Jeex. Saaxibayaal, anigoo ah Cabdilaahi Xaaxi Xaaji Cabdilaahi. Sida aad ka warqabtaan, waxa aan dhawaan iclaamiyey in aan u taagnahay Musharaxnimada Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland, ee doorashada la filaayo in ay dalka ka qabsoonto sanadka 2026ka, Hadii Allaha awooda lihi ogolaado.

Haddaba, waxa aan mar labaad halkan ku bayaaminayaa in aan u taagnahay oo aan u sharaxnahay Doorashada soo socota ee Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada barakaysan ee Somaliland, haddii Alle idmo.

Haddaba, waxa aan bulshadayda cod-dheer ugu sheegayaa; in aan ahay nin dhalinyaro ah oo ganacsade ah, isla markaasina aan u socon inuu xilka maal iyo magac midna ka tabcado, balse u socdo sidii uu bulshadiisa wax ugu qaban-lahaa, ee nidaamka Siyaasadeed ee dalkana wax looga bedeli lahaa, isla-markaana bulshada loo tusi lahaa awooda ay leeyihiin dhalinyarada dalka ee ay ku dul maamulayaan odayaal daโ€™ ah iyo kuwo aan aqoon ku filan u lahayn hoggaaminta dalka iyo xilka iyo xasaanada bulshadu u dooratay.

Gabagabadii waxa aan Xukuumada cusub iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka usoo jeedinayaa inay si wada-jira uga shaqeeyaan sidii ay doorashooyinka isku lamaan ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada, ay sida ugu haboon ugu qaban lahaayeen waqtigii u qoondaysnaa, islamarkaasina inta ka hadhsan waqtiga doorashadana ay uga shaqayn lahaayeen sidii loo dhamaystiri lahaa dhamaan caqabadaha ku dayran qabashada doorashada.

ย 

Allaa Mahad leh

ย 

ย 

Musharax Cabdilaahi Xaaxi Xaaji Cabdilaahi

Hargeysa/Somaliland

Bandhige@gmail.com