Cabitaanka Biyuhu Wakhtiyo Ay Mamnuuca Tahay!

Dad badan ayaa marka ay cuntada qaadanayaan aad u isticmaala biyaha , laakiin waxa la ogaaday arintaasi inay leedahay waxyeelo dhinaca caafimaadka ah. Waxayn dhakhaatiirta cuntada soo jeediyeen in wakhtiga cuntada aan biyaha la cabin. Dhakhaatiirta cuntada ayaa cadeeyay in loo baahan yahay in qofku biyaha cabo nus saac ka hor inta aanu cuntada adag qaadanin. Waxa kale oo ay soo bandhigeen dhibaatooyinka ka dhasha biyaha lagu dhex cabo wakhtiga cuntada la cunayo, kuwaasi oo ay ku soo koobeen:

Dheecaanada burburiya cuntada ee caloosha ka yimaadda, oo door weyn ka ciyaara cuntada la qaadanayo ayay hoos u dhigaan isla markaana yareeyaan biyaha la cabo wakhtiga cuntada, taasi oo marka biyaha la cabo, calooshu ay hesho amarada ah in la joojiyo soo saarista dheecaanadaasi raashinka burburiya.

Cabitaanka biyuhu wakhtiga cuntada waxay keenaan in jidhka khalkhal ka galo qiyaasta cuntada uu baahan yahay.

Cabitaanka biyaha ee wakhtiga cuntada wuxu yareeya Acid oo caawisa dheefshiidka, iyagoo yareeya dheecaanada Ansimat oo falgal la samaysa.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com