Faa’iidada uu kuu leeyahay looska oo aad maalin walba cunto…

Saynisyahannada ayaa ogaaday in dadka da’da dhexe iyo waayeellada cuna gacan buuxda oo loos ah maalin walba ay arki karaan isbeddel caafimaad oo ku yimaada.

Waxay sheegeen in boqolkiiba 17 uu hoos u dhigayo isku buuqa.

Dadka maalin walba cuna 30 garaam oo los ah — noocyadiisa walnuts, almonds, Brazil nuts, cashews, hazelnuts, iyo pistachios – ayaa la ogaaday inaysan qabin xanuunka qulubka.

Baarayaasha ayaa u maleynaya in maaddooyinka suntan ka ilaaliya jirka eek u jira looska ay saameyn wanaagsan ku leeyihiin caafimaadka maskaxdeenna.

Daraasadda laga sameeyay arrintan ayaa xogteeda laga soo qaatay kala bar milyan qof oo u dhashay dalka Britain kuwaasoo sanado la baarayay.

Daraasaddan ayaa lagu daabacay joornaalka Clinical Nutrition.

“Loosku wuxuu u fiican yahya xasaasiyadda ilmaha”

In carruurta yaryar – ee ay da’doodu u dhaxeyso afar iyo lix bilood – la siiyo looska shiidan ayaa si aad ah u yareyn karta xasaasiyadda, sida ay sheegeen saynisyahannada.

Baaritaan la sameeyay bishii March ee sanadkan ayaa lagu sheegay in looska shiidan oo la siiyo ilmaha ay yareneyso 77% xasaasiyadda.

Waxay sheegeen in talada dowladda ee ah inaan carruurta la siin cunno adag ilaa ya ka gaarayaan lix bilood, ay tahay in la beddelo.

Khubarrada ayaa ka digay in carruurtu ay ku margan karaan looska oo sidiisa ah haddii la siiyo kuwa ka yar da’da shanta sano.

Talada waaxda caafimaadka ee Ingiriiska, NHS, ayaa ah in looska la jejebiyo amaba la shiido, markaasna la siin karo marka ay carruurto gaaraan lix bilood.

Ilmaha ayaa diyaar u ah in la siiyo cunno haddii:

haddii ah fadhiga isku celin karaan, iyagoo madaxdooda si qumman u ceshanaya

inan si fiican u maamuli karaan indhahooda, gacmaha iyo afka ayna eegi karaan cunnadooda, ay soo qabsan karaan afkana gashan karaan

ay liqi karaan cunto, beddelkii ay soo tufi lahaayeen

Maaddooyinka sunta ka hortaga ee ku jira dufanta omega-3 ee laga helo nooc looska ka mid ah oo lagu magacaabo walnuts ayaa sare u qaadi kara xusuusta iyo hab fekerka.Dhanka kale, loosku wuxuu leeyahay dufan caafimaad leh iyo saliido ay u baahan tahay maskaxdeenna si ay si hagaagsan ugu shaqeyso, iyo sidoo kale fitamiinno iyo macdan sida tan selenium eel aga helo looska nooca Brazil nuts.Saynisyahannada ayaa ku talinya in maalintii la cuni karo ilaa 1/4 koob.Waxaa looskan lagu dari karaa waxyaabaha kale ee aa cunno amaba sidooda ayaa loo cuni karaa.

 

Xigasho:BBC-da

Bandhige@gmail.com