Qiimaha Nafaqo Iyo Caafimaad Ee Galleyda

Barnaamijka Caafimaadka ee Wargeyska Dawan todobaadkan qormadeena labaad waxa aynu ku eegi doonaa qiimaha nafaqo iyo Caafimaad ee ay Galleydu u leedahay caafimaadka qofka.

Qormadan labaad waxa aynu wax badan kaga ogaan doonaa Galleyda iyo faa’iidooyinka caafimaad ee ay inoo leedahay iyo qiimaha ay agteena ka joogto.

Waxa aynu qormadan isku dul taagi doonaa faa’iidad ay u leedahay dheefshiidka qofka iyo sida ay wax uga tarto, sidoo kale waxa aynu kaga bogan doonaa qormadan labaad sida ay Galleydu wax uga tarto dhiig yarid, xanuunada Maqaarka, Caafimaadka Lafaha iyo guud ahaan faa’iidooyinkeeda kale ee ay inoo leedahay.

Haddaba Galleyda waa badarka saddexaad ee aduunka loogu beerasho badan yahay kadib qamadiga iyo bariiska. Galleydu waa cunno maalmeedka dad badan oo dunida ku nool.

Galleydu waxay kulansatay nafaqo kala duwan, waxaa laga helaa barootiin, faybar, fitamiin C, fitamiin B1, folate, magnesium, potassium, zinc, xadiid, copper iyo manganese.

Faaidooyinka Caafimaad ee galleyda:

Caafimaadka dheefshiidka:

Galleydu waa il qani ku ah fiber oo u fiican dheefshiidka. Waxay la dagaallantaa calool istaagga, iyo baabasiirka, waxayna ka hortagtaa kansarka mindhicirrada ku dhaca.

Waxaa ku badan kalooriska (calories):

Haddii miisaanka ilmahaaga uu hooseeyo cunnada ugu dar galley. 100-kii garaam oo galley ah waxaa ku jira 342 oo kalooris ah, si darteed si dhakhso ayay u kobcisaa miisaanka.

Caafimaadka lafaha:

Galleyda waxaa ku badan macdanaha magnesium, iron, copper iyo phosphorus kuwaas oo u wanaagsan caafimaadka lafaha. Macdanahaani waxay lafaha ka ilaaliyaan burburka iyo inay duqoobaan.

Caafimaadka maqaarka:

Galleydu waxay qani ku tahay maadooyin sunsaarista kuwaas oo ilaaliya muuqaalka dhalinyaronimo ee maqaarka. Marka laga soo tago joogtaynta cunista galleyda, saliideedana waa la marsadaa dubka, waxayna hodan ku tahay maado la yiraahdo “Linoleic acid” oo maqaarka waxtar u leh.

Ka hortagga dhiig yarida:

Dhiig yari waa tirada unugyada dhiigga cas-cas oo ka yar sidii caadiga ahayd. Unugyada dhiigga cas-cas waxay ogisjiinta u xanbaaraan qaybaha jirka oo dhan. Galleyda waxaa laga helaa xadiid, fitamiin B iyo folic acid oo ka hortagga dhiig yarida.

Xakamaynta kolestaroolka:

Galleyda waxaa laga helaa maadooyinka fitamiin C, “carotenoids” iyo “bioflavonoids” kuwaas oo uroon caafimaadka wadnaha iyagoo xakameeya heerka kolestaroolka xun, islamarkaanaa kordhiya qulqulka dhiigga ee jirka.

Caafimaadka uurka:

Galleydu waxay muhiim u tahay hooyada uurka leh, maxaa yeelay waxay ka helaysaa maadada “Folic acid” oo hooyooyinka lagula dardaarmo inay cunaan markay uurka leeyihiin, waxayna muhiim u tahay korriimada uurjiifka, waxay ka ilaalisaa inuu ku dhasho miisaan yari iyo cillado kale. Si fiican u mayr galleyda, sidoo kale la tasho dhakhtarkaaga haddii aad isku aragto gacmaha iyo cagaha oo ku barara.

Ka hortagga kansarka:

Galleyda waxaa ku badan maadooyinka sunsaarista kuwaas oo xanniba shaqada xididada xorta ah (free radicals ee sababa cudurka kansarka. Waxaa kaloo galleyda ku jira maadooyinka “phenolic” iyo “ferulic acid” oo yareeya cabbirka burooyinka kansarka naasaha iyo kansarka beerka.

Caafimaad wadnaha:

Galleyda waxaa ku jira walxo la yiraahdo “phenolic phytochemicals” oo la dagaallama dhiig karka caafimaadka wadnahana xoojiya. Cunista galleydu waxay hoos u dhiigtaa halista cudurrada wadne qabadka iyo dhan-qallalka (stroke)

Xanuunka kala-goysyada:

Dadka waa wayn ee da’da ah ee ka cawda xanuunka kala-goysyada waxaa lagu taliyaa in si joogto ah loo siiyo galleyda maadaama ay xambaarsan tahay magnesium, iron, fitamiin B iyo barootiin.

Caafimaadka aragga:

Galleyda waxaa ku jirta maaddo la dhaho “beta-carotene” oo indhaha faa’ido ugu jirto oo kordhisa awoodda aragga. Maadadan Jirku wuxuu u bedelaa fitamiin A oo kordhiya awoodda aragga.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com