Qiimaynta Wasaaradda Caafimaadka ee Mashruuca Better-live

Qormdeena kowaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa shirka qiimaynta sadex billodlaha ah ee mashruuc better-live kaasi oo ka shaaqeeya qaar ka mid ah gobollada dalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa furay shirkan, waxa aynu qormadan koowaad ku ogaan doonaa waxyaabah ugu muhiimsan ee lagaga wada hadlay shirkan, iyo mashruucan waxyaabaha looga dan leeyahay.

Sidoo kale Qormadan koowaad EE Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan waxa aynu ku faaqidi doonaa Hay’adaha iyo wadamada kala shaqeeya wasaaradda Caafimaadka Somaliland mashruucani iyo meelaha ay ka taageeraan.

Haddaba Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa maanta furay shirka saddex biloodlaha ah ee qiimaynta mashruuca better-live oo ay taageerto, hay’adda FCDO isla markaana ka socda Goboladda Togdheer, Daadmadheedh, Awdal iyo Selel.

Furitaanka shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin sarsare oo ka socota, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Isu’duwayaasha uu mashruucani ka shaqaynayo goboladooda, saraakiil ka socota hay’adaha mashruucan wasaaradda Caafimaadka kala shaqaynaya ee UNICEF, Save the children iyo Mercy U.S.A.

Shirkan ayaa intii uu socday waxa lagu lafo-guray waxyaabihii ka hirgalay saddexdii bilood ee lasoo dhaafay iyo wixii caqabado ahaa ee lala kulmay saddexdii bilood ee u dambeeyey ee uu socday mashruucani, waxaana laysku af-gartay in kor loo sii qaado adeegyada caafimaad ee ka socda xarumaha uu mashruucan taageerayo.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa uga mahadceliyay dhammaan masuuliyiinta kasoo qayb-gashay shirkan, isagoo xusay in shirarka noocan oo kale ahi ay muhiim u yihiin guul ka gaadhista mashruucan iyo in uu u socdo sidii loogu talo galay.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com