Talooyin Caafimaad Jidhka Iyo Naftaba U Fiican Oo Uu Bixiyey Dhakhtar 105 Sano Jir Ahi By Samiir –

  • Hawlgab ha gelin inta aad caafimaad qabto

Inkasta oo ay dadka adduunku caadaysteen in marka ay da’ cayiman gaadhaan hawlgab noqdaan, wixii ay hore u soo shaqaysteen iyo bisilka la siiyana ku noolaadaan, haddana waxa uu Dr. Shigeaki Hinohara aaminsan yahay in ay taasi tahay tallaabo naftada caafimaadkeeda dhaawici karta.

Waxa uu ku talinayaa in inta aad ogtahay in aad shaqadaada si fiican u qabsan karto, kuna guulaysan karto ka midho dhalinteda, isla markaana aad jeceshay qabashada shaqadaada, in aanay jirin sabab kugu kallifta in aad hawlgab gasho, si kasta oo ay da’daadu u weyntahay.

Jadwal hawleed yeelo

Waxaa ugu daran nolosha in aad soo toosto adiga oo aan geranayn hawlaha rasmiga ah ee uu kuu yaalla ama sida ay u kala mudan yihiin iyo halka ay tahay in aad ka bilowdo. Samayso qorshe maalinleh ah oo aad ku kala garato waajibaadka shaqo ee kuu yaala, adiga oo u horreysiinaya kuwa ay tahay in aad dhaqso u gudato.

Marka aad qorshe samaysanayso waa in aad maskaxda ku hayso natiijada ay tahay in aad hawshaas ku gaadho, si aad u garato in hawshaa qabashadeeda aad ku guulaysatay iyo in kale.

Maal jacaylku waa cimri degdeg

Dadka badankoodu kuma raalli noqdaan maalka ay hayaan iyo hantidooda, mar kasta lacag urursi iyo in hayntoodu ay korodho ayaa u ah bartilmaameed.  Arrintaasi waxa ay keentaa dhibaato ah in qofku aanu weligiina nafta ka raalli noqon iyo in aanu dhadhamo farxadeed helin.

Baro in dhaqaalaha hadba inta ku soo gasha aad ka samaysan karto nolol aad ku raalli noqoto kuna raaxaysan karto. Ha ka fikirin in aad maal badan hesho ee ka fikir in maalka aad hayso maamulkiisa aad barato.

Adba hibo waad leedahay

Qof kastaa hibo Alle geliyey ayaa ku jirta, waa dhab in dadka qaar ay hibadaasi si fudud uga soo muuqato, laakiin ogow kuwo badanna iyaga ayaa hibada ku jirta soo saari kara ee. Qof kastaa qof kale waa uu ak duwan yahay, naftaada u sheeg in ay nooc gaar ah ka tahay nafaha kale ee ku xeeran. Ku dadaal in aad barato waxa aad hibo u leedahay, kana shaqee in aad soo saarto.

Laakiin macnuhu ma’aha in aanad dadka kale ku tiirsanaan, waayo waxaa hubaal ah in aad mar kasta u baahan tahay cid dhammaystirta nusqaanta kugu jirta, kuguna hanuunisa jidka guusha.

 

Bandhige@gmail.com