Wax ka baro taariikhda Koobka Qaramada Afrika ee ka socda Gaaboon. Q:2aad. W/Q Maxamed Jaamac Meygaag (Action)

5. Burkino Faso
Dalka Burkino Faso wuxuu ka soo qeyb galay Tartanka Qaramada Afrika (10 Jeer)
1978, 1996, 1998, 2000, 2002, 2004, 2010, 2012, 2013, 2015.
-Tartanka Qaramada Afrika heerka ugu sarreya ee ay ka gaadhay wuxuu ahaa waxay timi Ciyaarta kama dambaysta ah sanadkii 2013ka
– Laacibka ugu caansan ee xulkan Burkino Faso waa Ciyaartoyga (Bernard Traoré) oo u ka tirsan kooxda Chelsea ee Waddanka Ingiriiska laakiin imika amaah ugu maqan kooxda reer Holand ee Ajax ugana ciyaara weerarka

6. Cameroon:
Xulka Qaranka ee Cameroon wuxuu ka soo qeyb galay Tartanka Qaramada Afrika 18 jeer
-1970, 1972, 1982, 1984, 1986, 1988, 1990, 1992, 1996, 1998, 2000, 2002, 2004, 2006, 2008, 2010, 2015
– Xulka Qaranka Cameroon waxay tartankan Qaramada Afrika ku guulaysatay 4 jeer
1984, 1988, 2000, 2002.
-Laacibka ugu caansan ee Xulka Qaranka Cameroon waa Benjamin Moukandjo oo weerarka uga ciyaara kooxda Lorient ee ka dhisan Dalka Faransiiska

7. DR Congo
Xulka Qaranka ee DR Congo waxay tartankan Qaramada Afrika ka soo qeyb-galeen 17 jeer
-1965, 1968, 1970, 1972, 1974, 1976, 1988, 1992, 1994, 1996, 1998, 2000, 2002, 2004, 2006, 2013, 2015.
Xulka Qaranka DR Congo waxay ku guulaysteen Koobka Qaramada Africa 2 jeer
1968, 1874

8. Ghana
Xulka Kubadda Cagta ee Ghana waxay tartankan Koobtaka Qaramada Afrika ka soo qeyb galeen 20 jeer
-1963, 1965, 1968, 1970, 1978, 1980, 1982, 1984, 1992, 1994, 1996, 1998, 2000, 2002, 2006, 2008, 2010, 2012, 2013, 2015.
-Xulka Qaranka ee Ghana wuxuu tartankan Kubadda Cagta ee Qaramada Afrika ku guulaystay 4 jeer
-1963, 1965, 1978, 1982.
– Laacibka ugu caansan ee Xulka Kubadda Cagta ee Qaranka Ghana waa (Andrea Ayew oo weerarka uga ciyaara Naadiga West Ham United ee ka dhisan dalka Ingiriiska

La soco….

Waxaa Turjumay: Maxamed Jaamac Meygaag
Waxaan ka soo xigtay: hihi2.com