๐‘ฉ๐’‚๐’ ๐‘ผ ๐’‡๐’Š๐’Š๐’“๐’”๐’…W/Q:(Dr-Abdikarim D Hassan)

๐‘ฉ๐’‚๐’ ๐‘ผ ๐’‡๐’Š๐’Š๐’“๐’”๐’

Laba bilood ayaa u buuxsamay dilka waxshinimada ah ee Yuhuudu ka wado Qaza. Hadii aad la socoto sida khubarada dagaalka iyo taariikhyahanku waxa uga qoreen, dilka iyo burburka Qaza ku dhacay waa kii ugu xumaa ee la xasuusan yahay ugu yaraan labadii qarni ee tagay. Wargeysyada Loss Angles times iyo The Atlantic oo labaduba si balaadhan uga faalooday ayaa qoray in aanay jirin magaalo Yurub ah oo sidaa u dad badan oo burbur iyo xasuuq intaa leegi ku dhacay, mudo sidaa u kooban intii uu socday dagaalkii labaad ee aduunku.

Sida ay sheegtay hay’ada dhakhtarada aan xuduuda lahay, ๐‘ดรฉ๐’…๐’†๐’„๐’Š๐’๐’” ๐‘บ๐’‚๐’๐’” ๐‘ญ๐’“๐’๐’๐’•๐’Šรจ๐’“๐’†๐’”, caruurta Qaza waxa loo laynayaa tiro aan waligeed dagaal hore loogu arag, dagaalkii labaad ee aduunkana ku dhehoo. Ilaa hada 20,540 qof ayay Israel ku dishay Qaza, 9000 ayaa caruur ah, 5000 oo dumar ah iyo in kabadan 2860 oo dad da’ ah ayaa la dilay. 7000 ayaa la la’yahay oo la filayaa raq doodu ku hoos jirto tobanaanka kun ee guri ee duqaynta lagu dumiyay. Dhaawaca ayaa maraya 54,000, waxaana la filayaa in kala badh ay yeeshaan laxaad la’aan daa’im ah.

Sida ๐‘ถ๐’‡๐’‡๐’Š๐’„๐’† ๐’‡๐’๐’“ ๐’•๐’‰๐’† ๐‘ช๐’๐’๐’“๐’…๐’Š๐’๐’‚๐’•๐’Š๐’๐’ ๐’๐’‡ ๐‘ฏ๐’–๐’Ž๐’‚๐’๐’Š๐’•๐’‚๐’“๐’Š๐’‚๐’ ๐‘จ๐’‡๐’‡๐’‚๐’Š๐’“๐’” (๐‘ถ๐‘ช๐‘ฏ๐‘จ) ay sheegayso, ugu yaraan 180 dumar ah ayaa maalin kasta ku umula QAZA iyadoo boqolkiiba 70% nimaadkii caafimaadku burburay. In ka badan 80,000 oo dumar uur leh ayaa iyaguna halis ugu jira dhimasho sababta oo ah waxa go’ay dhamaan dawooyinkii lagu badbaadin lahaa hooyada umusha ah.

Waxa cirka isku shareeray tirada hooyooyinka uu ku dhacayo caabuqa dhalmada kadib Postpartum infection waayo waxa aan jirin biyo nadiif ah, dawooyinka lagu la tacaalo caabuqa isla markaana waxa jirta nafaqo daro baahsan oo ka dhalatay cunaqabataynta Israel iyo Masar ku hayaan marinka Qaza. War bixin ay soo saartay CARE International ayaa waxay leedahay dhamaan labada milyan iyo badhka ku nool Qaza waxay u baahan yihiin gurmad degdeg ah> Waxa muuqda astamihii macaluul baahsan iyo fuuq bax keeni karta in tobanaan kun u dhintaan cunto la’aan, biyo la’aan, nadaafad darro, iyo xanuunada faafa oo ay weheliso sunta tobanaanka kun ee tan ee hubka lagu garaacado magaalada aduunka ugu saxmad badan. 36 cusbitaal oo ay Qaza lahayd, 9 (sagaal) ayaa ku shaqaynaya kala badh awoodoodii; iyaguna waxay buuxaan 219%

Intani waa xusuusin uun, laakiin musiibada bani’aadamnimo, muslinnimo ee falastiiniyiinta Qaza haysata ma aha wax qoraal lagu sawiri karo amaba loo heli karo ereyo ku filan oo lagu cabiro. Sidaas oo ay tahay ayay dhabar adaygayaan, sharaftooda, dhulkooda iyo diintoodana difaacayaan. Waxa inala gudboon in aynaan ducada ka ilaawin, ka hadalkoodana ka daalin.

 

 

Qore:Dr-Abdikarim D Hassan Bandhige@gmail.com