10 Dumar Ah Oo Ay Tahay Inaad Ka Fogaato Ama Aanad Guursan (WQ: C.raxmaan Hayaan)

Qoraalkan kooban waxaan ugu talo galay inaan ku soo bandhigo fahan ku saabsan noocyada dumarka ee aan nolol lala wadaagi Karin amma ugu yaraan ayadaan xidhiidh wadaagi Karin. Waa wax iska jira in banii aadanku kala shakhsiyad duwan yahay, haddana qof kastaa waa uu heli karaa qofkiisa sida uu doono ha ku helee.  Hase ahaatee waa uun bidhaamin ku saabsan qofku inuu sii ogaado calaamadaha qofka aanu la jaan qaadi Karin hadhow haddii ay nolol wadaagaan, maadaama oo uu isagu is garanayo dabeecaddiisa iyo cidda uu la socon karo.

  1. Gabadha Kalsoonida Xun

Xidhiidh tolomoon oo aad caafimaad qaba si aad u yeelato waxaad qadarin iyo qiimayn u muujisaa haweenayda nafteeda garanaysa, hase ahaatee gabadha kalsoonideedu liidataa marwalba waxay kaaga baahantahay inaad u ishaarto waxa saxda ah, inaad u sheegto inay qurux badantahay, inay tahay naag laga yaabay, inaad dareensiiso inay dumarka wax dheer tahay, inaad… inaad.. inaad marwalba raalli galiso,  inaad marwalba wax u keento, ,  inaad marwalba wanaaggeeda ka sheekayso inaad iyada uun ku jeeddo haddi kale danbigaagu waxa uu noqonayaa iima soo jeeddid. Xaalkeedu waxa weeyaan inay marwalba wax kaa sii siddo, ama ammaan amma alaab, illaa marka danbe ay khaati kaa dhigto illayn qof meeli madhan tahay ma raalli galin kartide.

Xataa waxa soo gali karta inay kalsooni darro awgeed marwalba niyadda ku gashato inaad la guursanayso ama haddii ay xidhiidh uun tahay inaad mid kale ka doorbidayso, tallaabo kasta oo aad qaaddo inay ka dhex aragto inaad haweenay kale raadinayso oo aanad iyada ku qanacsanayn, aakhirkana taasi waxay keensanaysaa inaad kala fogaataan ama is furtaanba.  Haweenayda noocaas ahi maaha mid aad nolol iyo guur la wadaagi karto, taa baddalkeeda isku day inaad ku qanciso inay kalsoonideeda dhisto oo dadku la wada mid yihiin cid wax dheerina aanay jirin, iyadna waxyaabo kale kaga fiicnaan karto dumar badan. Ma lihi marnaba haweenaydaasi isma baddali karto, balse wakhtigaa ay sidaa tahay maaha qoftii kugu habboonayd.

  1. Gabadha Aan Soo Jeedin

Waa haweenay inaad xidhiidh toos ah yeelataan aan diyaar u ahayn, inkasta oo ay guur kaa aqbasho haddana aan marnaba laabta kuu sii daynin. Waa inan doonaysa inay nolosheeda gaar ah iska sii wadato adiguna aad dhaqaale ahaan ka caawiso ama dhaqaale waabay iska haysataaye, waxay u baahantahay inay iskaga kaa gudubto su’aalaha badan ee laga weydiiyo guurkeeda iyo inay nin leedahay maadaama oo ay wakhtigii guurka taagantahay ama dhaaftay. Haddaba yaanay taasi ku hodin waayo marnaba qalbigeedii ma haysid, reer dhisma iyo guur toos ah oo aad nin iyo naag isku noqotaanna niyad uma hayso ,waayo waxa marwalba kala weyn waxaasoo dhan nolosheedii gaar ahayd ee ay meel walba iska maraysay, ama iska shaqaysanaysay, sidaa daraaddeed marnaba ma doonayso inaad ka carsha carshayso waddadaa ay ku socoto, waxa kaliya ee ku kallifay inay xidhiidhka kaa aqbasho ama guurku waa asxaabteedii oo la wada guursaday mid kastaana reer ay ku faraxsantahay heshay iyo su’aalihii laga weydiinayay mustaqbalkeeda oo ku batay, waana hubaal inay mar uun la soo bixi doonto wajigeeda dhabta ah oo imman kara marka aad mid, laba ama saddex caarruur ah aad ka dhasho.

  1. WAX MA DHIGATO

Waa haweenay aan lacagta soo gasho in yar hayn Karin oo aad mooddo inay faraha kaga gubanayso. Wax kasta oo ay aragto waxay doonaysaa inay iibsato mana xakamayn karto kharashaadkeeda. Haddii ay adiga kula socoto oo aad wax u soo iibinayso waxa suurtagal ah inay deyn qoorta kuu soo galiso. Qofta aan kharashkeeda maarayn karine, shucuurteedana ma xakamayn karto. Sidaa daraaddeed waxa lama huraan ah inay haweenay kastaa taqaanno siday u maamuli lahayd kharashka ka baxaya. Qofka dumarka ahi waa ay iibsan kartaa shay ay jamatay oo ay suuqa ku soo aragtay sida kabo qurux badan,  balse waxaan meesha ku jirin inay wax kasta oo ay aragto iska iibsato bilaa micne waliba iyada oo aan duruufteeda eegayn ama xaalkeedu yahay maalin kasta wax iibso. Ma sheegin hadday is baddali karto muddo kadib taasi oo suurtagal ah.  Runtii dumarka oo dhammi ma aha sidaa aynu sheegnay waxa jira dumar badan oo si fiican u maamula kharashaadkooda.

  1. Hillaac Muuq Dheer

Waa gabadh Ilaahay qurux u dhaliyay ragoo dhammina indhaha la wada raaco, balse wax aan quruxdaa ahayn oo uga hooseeya aanu jirin. Waxay u badan tahay in eegmadaa raggu eegayaan hodday, sidaa daraaddeed ma qadariso ragga, ixtiraamna uma hayso. Waxa suurtagal ah in aad muddo sheeko la wadaagto. Inkasta oo ay jiri karaan dumar qurux badan isla markaana caqli u saaxiib ah haddana dumarka quruxda badan waxa jira qalad ay ragga inta badani ka aaminsan yiihiin kaas oo ah haddii gabadhaasi aanay kuu soo jeedin oo aad muddo daba socoto marka danbe waad baddali kartaa oo waa dumar uun, balse waxa xaqiiq ah in aan qofna la baddali Karin. Haddii aad baddasho na oo ay guur ama xidhiidh kaa aqbashana waxa hubaal ah in aanay marnaba kuu noqonayn qof nafsaddeedu ku danayso, waayo waa qof aad qasabtay. Dumarkuna sidoodaba kama helaan ninka daba socda, waxay ka jecelyihiin ninka aad dareen badan siin.   Maadaama oo guurkaagaasi yahay gacan ku rimis ma sii waarayo sababta oo ah waxay isu aragtaa in haddii aad kala tagtaan ragoo dhammi guurkeeda u baratami doonaan. Waa tii maah maahda soomalidu ahayd,

saddex way ku hodaan

  1. Hillaac basari
  2. Hadh arooryaad iyo
  3. Hogol xagaa

 

  1. Kuu Sheekayso Kaa Sheekayso

Waa gabadh doonayso inay meel walba oo la joogo iyadu hadasho, dabeecad ahaanna u samaysan qof hadal badan, marwalbana ka warramaysa  nafteeda oo iyadu iska sheekaynaysa, aniga, aniga, aniga…..

Waxay doonaysaa inay abuurto jawi qosol qosol ah, si ay taa u samaysana waa inay dad badan xamataa. Sidaa saaxiibbadeed, dadka ay ay wada shaqeeyaan iyo cid kasta oo ay wax dhex maraan, waxa ay kaaga sheekaynaysaa siraha aadka u khatarta ah ee saaxiibbaddeed uga sheekaysay sida waxa dhex mara ninkeeda IWM.  Haddaba waxaad ogaataa gabadha sidaa kuugu warramaysa ee kuu sheegaysa wax walba oo ku saabsan saaxiibteeda ay isugu dhowyihiin , inay sidoo kale adiga sirahaaga oo dhan u sheegto saaxiibteed. Halkaana waxaad ku noqotay nin qaawan oo aan gurigiisu wax sir ah lahayn.

  1. Indho Taag

Waa gabadh mar kasta niyad jabsan, mar kaliya hadal wanaagan oo yididiilo leh kuma hadasho. Waxay isku haysataa inay dharka ugu liita gashan tahay, guriga ugu liita ku jirto, fool xuntahay si kasta oo ay u qurux badantahay. Marwalba naagta ay soo aragto iyo dharka ay ku soo aragto ayay jamataa oo niyad jab hor leh ku sii abuura. Haddii maanta ay guri booqato asxaabteeda ah alaabtii ay ku soo aragtay sida gogoshii, fadhiyadii, hurdadii iyo alaabtii kale ayaanay dhowr habeen ka seexan iyada oo barbardhigaysa fadhiyada iyo hurdada iyo gogosha iyada u yaalla. Waa haweenay aan marnaba ku qancayn waxa Ilaahay siiyay iyada iyo saygeeda.  Waa ruux marwalba shakisan oo haddii aad yar habsaanto markiiba soo dhiganaysa inaad dumar kale ku maqantahay, waxaanay albaabka kaa furaysaa iyada oo cadhaysan.  Maah maah saddex lay ah baa ahayd. Saddex lama guursado

Indho taag.. waa gabadh dadka kale waxay hasytaan uun eegaysa oo marnaba aan ku qanacsanayn waxa Ilaahy siiyay

Af taag:  waa gabadh mar walba cadhoonaysa oo waxay tabanayso aan la garanayn

Lug taag: waa gabadh ninkeeda hurdada kaga danbaysa.

  1. Gabadh xafladeed( xafladaha shidda)

Waa haweenay xaflad kasta taagan. Wakhtigeeda oo dhan waxay ku bixisaa xafladdii hore ka sheekaynteeda, iyo ta soo socota u diyaar garowgeeda. Xaflad aroos, xaflad qalin jabin, xaflad meher midna ma jecla inay ka maqnaato. Asxaabteeda oo dhammi way ku xisaabtamaan tii xaflad dhiganaysaa, waayo ka maqnaan mayso. Kharashkeeda oo dhan waxay ku bixisaa inay xaflad walba dharkii u danbeeyay ku tagto, waayo waxay jeceshahay inay ugu muuq dheeraato. Muhiimaddeeda koowaad ee nolosha iyo farxaddeeduba  waa inay xaflad joogto. Haweentaasi sinaba diyaar uguma aha inay degto oo reer yeelato.

  1. Gabadha Is Baddalka Badan

Waa haweenay hadal keeda iyo ficilkeedu aanay is lahayn, hadalkii aad ku kala tagteenna aanad ugu immanayn iyo wixii aad ku heshiiseen. Waxay marwalba is hor keentaa mala awaal iyo shaki maskaxdeeda ku samaysay, tusaale ahaan waxay maskaxda ku sawiraynaysaa adigoo naago kale la socda, kadibna way aaminaysaa. Laakiin naagta ku doonaysaa wax bay ku weyddiisaa oo iska hubsataa kumana degdegto inay wax iska dhaadhiciso.

  1. Haweenta Aan Diyaarka Ahayn.

Ha isku dayin waligaa inaad gabadh aan ku doonayn amma kuu soo jeedin oo aan diyaar ahayn aad soo jeediso. Qofka dumarka ahi waa inay iyadu ku oggoshahay inay kula hadasho. Waxa laga yaabaa inuu xidhiidh ka soo xumaaday ama nin ay nolol ama sheeko la wadaagtay si xun ula soo dhaqmay, sidaa daraaddeedna ay u baahan tahay waqti ay ka soo kabato niyad jabkaa.  Haweenayda noocaas oo kale ah wakhti ha ku lumin inaad sii daba socoto oo aad guur ka rajayso, waayo waxay la tacaalaysaa duruufeheeda gaarka ah, iyada uun baana xallin karta ee maaha mid aad adigu wax ka qaban karto. Guurkuna sidiisaba waa laba niyadood oo isku soo jeeda oo is oggol, haddii ay midi sii jeeddo guur ma jiro.

  1. Gabadha Xuquuqda Dumarka U Doodda

Waxay aaminsantahay inay leedahay awood aan caadi ahayn oo ay dabci ahaan u dhalatay inay wax hoggaamiso, dumarkana ka badbaadiso ragga, maskaxdeedana waxa marwalba ku jira raggu inay yihiin cadowga dumarka, nin uma baahnid, nin la’aanna nolol fiican baad ku noolaan kartaa.

Haweenayda noocaas ahi ragga wax qadarin ah uma hayso, wax kasta oo afkooda ka soo baxana waxay u tarjumataa inay ula jeedaan sidii dumarka loo liidi lahaa, waxay soo celcelisaa erayada ragga inta xumi ku hadlaan kadibna ragoo dhan bay dusha ka saartaa, waligeedna ma soo qaadato hadallada ragga inta wanaagsan ee macquulka ahi yidhaahdaan. Iyada iyo habalaha ay saaxiibka yihiin waxay marwalba ka sheekaystaan ragga hablaha xumeeya iyo dhaqammadooda iyo in inan rag oo dhammi isku wada mid yahay. Erayada ay isticmaalaan waxa ka mid ah,  Waligaa nin ha aaminin, aniga ka I guursada ii talin maayee waa inaan markayga taliyaa oo uu I dhagaystaa IWM. Haweenayda noocaas oo kale ah ma wada yeelan kartaan qoys, u baahan is dhagaysi, is qaddarin, wax wada lahaansho, isku dulqaadasho iyo is xaal ogaaansho.

 

C/raxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com

Hargeysa.