12 Arriimood oo keeni kara in wax Akhriskaagu Yaraado Qaybtii 7aad (WQ: Mubarak Hadi)

Xaaladaha kale ee keena in wax akhriskaagu yaraado waxa ka mida, inaad wax akhriska la sugayso goor iyo goob habboon.

Noloshu sideedaba hawli kama dhamaato, oo ma qabyo beesho. Markaad hawl iska riddaba mid kalaa kugu soo af yeelanaysa. Taa macnaheedu waxa weeye, haddaad tidhaahdo waxaan wax akhriska la sugayaa wakhti aan firaaqo hayo, waxaad ogaataa in wax akrhiskaaguna uu marti u noqonayo xaaladaha nololeed ee ay filashadooda iyo saadaalintooduba adag tahay, sidaasna waxaa kaaga tagaya bilo, sanado iyo cumri.

Dadka wax akhriya, badidoodu, ama xilli go’an bay maalintooda u qoondeeyaan in ay wax akhriyaan ama kansho (Faraaqo/chance) kasta oo ay helaan, wax bay akhriyaan. Taa macnaheedu waxa weeye, maaha dad suga xilliga ay kansho helayaan. Mana aha dad is yidhaahda wax akhri markaad maktabadda gasho ama aad xeebta tagto ama aad geedkii laydha wacnaa hoos fadhiisato. Goob wal oo ay joogaan iyo kansho kasta oo ay helaan wax bay akhriyaan.

Xal: Haddaad doonayso inaad akhriyaa noqoto, misna aad tahay qof mashquulkiisu badan yahay, isku day in had iyo jeer buug kaa ag dhow yahay. Boorsada iskuulka dhex gasho, gaadhiga dhex dhigo, xafiiska la tag, kabadhka/armaajada qolka saaro, isku hareeree buug. Kolkaad biririf heshaba, isha mari, Ilaahow maad labo sadar akhrisid e.

La soco qaybta 8-aad.

Sii wadaag (Share) 🙂

Qore: Mubarak Hadi

Y O U T U B E: https://www.youtube.com/user/5486147/videos
I N S T A G R A M: https://www.instagram.com/mubaarak_hadi/