12 Arriimood oo keeni kara in wax Akhriskaagu Yaraado Qaybtii 8aad (WQ: Mubarak Hadi)

Sababta 10-aad ee keeni karta in wax akhriskaagu yaraado waxa weeye, in diirad-saaryadaadu (focus) qaybsan tahay.

Waxaynnu nool nahay xilli dhugmadeenna (attention) iyo diirad-saaryadeenna (focus) dunidoo dhammi weerar ku tahay. Malaayiinta ganacsi ee jira, ee balaayiinta doollar iideh-da ku bixiya, waxa ay gadanayaan waa dhugmadaada (attention). Malaayiinta qof ee intaa faysbuugga, tuwitarka, inistagaraamka,  yuutiyuubka iyo qaybaha kale ee sooshal miidhiyaha intaa wax soo galinayaa waxay ku tartamayaan waa dhugmadaada. Maxaad wax u akhrin la’dahay baad is leedahay ama aad danahaaga u qabsan la’dahay, laakiin ma ogide waxaad ku dhex jirtaa caalam cid waliba danaheeda kuugu yeedhanayso, marar badanna aad ba u fulinayso adigoon ka war hayn.

Xal: Haddaad doonayso in aad wax akhriska iyo danahaaga kaleba usoo jeesato, isku day inaad iska yarayso isticmaalka baraha bulshada. Sanadkii dhowr bilood iska xidh, haddaadan samaynayn karin, bishii toddobaad ka maqnow, haddaadan yeeli karayn, toddobaadkii maalin ka maqnow, taana haddaadan samaynayn, baraha bulshada ha gelin gelinka hore ee maalintaada. Xilligaa hore wakhtigaaga geli waxyaabaha mudnaanta koowaad kuu leh.

Qodobka 11-aad ee keeni kara in wax akhriskaagu yaraado waxa weeye, wax akhrisku in aanu kuugu jirin liiska waxyaabaha waawayn ee mudnaanta kuu leh (priority).

Tayada nolosheennu waxay in badan ku xidhan tahay waxyaabaha aynu mudnaanta koowaad siinno iyo sida waadixa ah ee ay innoogu muuqdaan. Akhrisku haddaanu kuugu jirin waxyaabaha aad mudnaanta koowaad siiso, wuxu ku biirayaa liiska walxaha xigaalka ah (secondary), markaana si kastoo aad u jeceshahay in aad samayso, meel dhow kaaga muuqan maayo, waayo kama mid ah waxyaabaha waawayn ee miiska kuu saaran.

Xal: Haddaad doonayso inaad gurato midhaha wax akhriska, ku dar waxyaabaha mudnaanta koowaad kuu leh. Ku dar waxyaabaha ay tahay markuu waagu kuu baryo, in aanu gabbalku kuu dhicin adigoon samayn.

Sababta 12-aad ee iyana keenta in wax akhrisku kugu adkaado waxa weeye, Hadafka aad wax akhriska ka leedahay ma xoogaysna. Waxa dhici karaysa inaad marar badan maqashay faa’iidooyin badan oo uu wax akhrisku leeyahay, laakiin aanad marnaba ka fekerin oo aadan is waydiin faa’iidada uu ADIGU kuu leeyahay. Haddaanay kuu muuqan wax akhrisku, waxa uu noloshaada ku soo biirin karo iyo sida uu kuu hormarin karo, waxa yaraanaysa inaad xamaasad u hesho culayska hore ee wax akhriska, una dul-qaadato.

Xal: Meel cidlo ah oo deggan intaad mar fadhiisato, isku day inaad meel ku qorto 15 sababood oo uu wax akhrisku ADIGA muhiim kuugu yahay. Hadda maan odhan 15 sababood oo uu muhiim u yahay! Waxaad qortaa 15 sababood oo uu adiga muhiim kuugu yahay iyo waxa uu noloshaada ku soo kordhinayo. Marka aad 15-kaa sababood qorayso ama aad ka fekerayso, hubi in ay sababahaasi yihiin kuwo ku dareen-godliyay. Marka kasta oo uu dareen la socdo sababta aad wax u rabto, waa mar kasta uu ay sababtaasi xoogaysan tahay, mar kastoo ay sababta xoogaysatana, waxa fududaanaysa in aad caqabadaha kaa hor imaanaya aad u dul-qaadato.

DHAMMAAD!

Sii wadaag (Share) 🙂

Qore: Mubarak Hadi.

Y O U T U B E: https://www.youtube.com/user/5486147/videos…

I N S T A G R A M: https://www.instagram.com/mubaarak_hadi/