Gumaysiga dhaqan (WQ: Xasan Daahir- Weedhsame)

Cudud ciidan iyo mid dhaqaaleba waa lagu qabsan karaa dad iyo dal aanad lahayn, balse laguma sii haysan karo ummad aan raali kaa ahayn. Haddaan labadaas lagu haysan karin,haddaa maxaa lagu sii haysan karaa ee lagu gumaysan karaa?

Gumaysiga dhaqan ayaa lagu haysan karaa oo saamaxaya inay weligood addoomo kuu ahaadaan, waase maxay Gumaysiga dhaqan? Miyaa gumaysigu xagga dhaqankana soo galaa?

Gumaysiga dhaqan waa marka ummadi ummad kale dusha kaga keento dhaqankeeda, iyadoo meesha ka saaraysa dhaqankoodii ay lahaayeen. Gumaysiga dhaqan waxa uu tirtiraa caadooyinka, hiddaha, diinta, afka iyo anshaxa ummadi leedahay, isla markaana waxa uu ummadda la gumaysto u qurxiyaa hab-nololeedka gumaystaha, ilaa aakhirka ay ku daydaan oo ay qabatimaan habka ay u nooshahay cidda gumaysataa.

Wax kasta oo ay leedahay ummadaasi ayaa looga dhigaa wax liita oo aan habboonayn. Tusaale ahaan, dharkay ay xidhaan, afka ay ku hadlaan, cuntadooda, caadooyinkooda, diintooda, anshaxa iyo akhlaaqdooda ayaa dhammaan dacar loo mariyaa. Wax kasta oo ay kaga duwan yihiin ciddaa ku soo duushay ee gumaysanaysa ayaa duuf iyo dib-u-dhac loogu sheegaa. Wax la wacnaan jiray ayaa weyd laga dhigaa, wax la xumaan jirayna waafi ayaa looga dhigaa.

Waxay qawadaan habkii ay u noolaan jireen, waxaanay qaayibaan habka ay u nool yihiin dadka gumaystaa. Waxay yasaan oo yaraystaan afkii ay hadaaqa ku barteen, arligii ay ku noolaan jireen, aqoontii ay lahaan jireen, waxaanay jeclaystaan afka ay ku hadlaan dadka gumaystaa, aradkooda iyo afkaartooda inteeda xun iyo inteeda san ba.

Gumaysiga noocan ahi waa mid maskaxda iyo miyirka dadka la gumaysanayo lagu taabo, waana heerka ugu halista badan ee ummad la gaadhsiiyo. Waa heer ummadaasi ay aaminto inay wax liita tahay iyagoo cidda gumaysanaysa u aragta inay ka sarrayso iyaguna ay ka hooseeyaan.

Marka ummadda la gumaysanayaa ay aaminto, inay ummadda gumaysanaysaa ka fiican tahay, ka firfircoon tahay, ka maskax fayowdahay, ka fiiro dheer tahay kana farsamo badan tahay, way fududahay in weligood la haysan karo.

Ninka maskaxdaada maamula ayaa midigtaadana maamula.