12 dheefood oo aqriska laga helo (WQ: Maxamed Cumar Dhagax)

 

Hordhac:

Aqrisku waa haloosi ama toobiye goor kasta kuu furan, kaabana naftaada, buuxiyana waqtigaagii cidlada kaaga lumi lahaa, wuxuu sidoo kale kugu kaalmaynayaa in mar kasta naftaadu ay ahaato mid ku jirta xaalad deganaansho iyo farxad huwan.

Sidoo kale aqrisku wuxuu koriyaa Maskaxdaada iyo garashadaada isagoo quudin fiican siiya, wuxuu jeebka kuu geliyaa dheef iyo dhalaal nololeed, wuxuuna kugu sugaa inaad gaadho cidhif ka sareeya bar tilmaameedka toganaha ah ee bulshada kale joogto. Aqrisku waa tubta ugu wanaagsan ee aad ku balaadhin karto aqoontaada kagana bixi karto mugdigii nololeed ee jahligu lahaa.

Sidaynu wada ogsoonahay maskaxda aadamuhu waa mashiin ama weel aan lahayn bar uu ku buuxsamo, sida aad mar kasta u qaadato war oo aanuu u keenin in maskaxdaadu buuxsanto aqriskuna buuxin maayo ee sii fidiyaa, hadaba aqrisku wuxuu carin ku sameeyaa maankaaga iyo garaadkaaga, wuxuu sidoo kale naftaada iyo damiirkaaga ka soo weeciyaa fekerada tabanaha ah isagoo u soo duwa fekerada toganaha ah.

Qodobada dheefaha ee aqriska:

Dheefta 1aad:

Aqrisku wuxuu maskaxdaada ka saaraa dhibaatooyinka badan ee noloshu leedahay:

Hadaba markaan ku leeyahay aqrisku wuxuu maskaxdaada ka saaraa dhibaatooyinka; waxaan uga gol leeyahay waxaad helaysaa fursado badan oo aad ku xalin karto dhibaabaha ku hor hoganaaya jeer kasta. Sidoo kale aqrisku wuxuu ku siinayaa cidhifyo badan oo aad ka fekerto si aad u xaliso dhibtaada, tan macnaheedu waa waxaad helaysaa nooca dhibaato eek u haysa kuwo la mid ah oo ka dhacay qaaradaha caalamka ee kala duwan, sababtoo ah aqriska waxaad ka baranaysaa dhaqamo aad u kala duwan oo ay leeyihiin dadyowga ku dhaqan arligan.

Dheefta 2aad:

Aqrisku wuxuu quudiyaa jamashooyinka maanka iyo boholyowga:

Maskaxda Aadamuhu waxay ka saraysa dhamaan waxa Arliga Kambiyuutar yaala, hadaba waxaad ka dheregsan tahay in Kambiyuutar kastaa uu u baahan yahay xog cusub waagii dhashaba si uu u kaydiyo; markaa maankaagu miyaanuu isaguna u baahnayn subaxdii dhalataba wax cusub oo ay hesho si ay u noqoto mid iyadu is casriyeysa dharaar kasta, ogsoonow hadii aad maskaxdaada quudin weydo waxay la mid tahay weel qashin oo meel iska yaala!

Dheefta 3aad:

Aqrisku wuxuu kobciyaa tayadaada sheeko wadaag:

Hadaba aqriste markaan ku leeyahay aqrisku wuxuu kobciyaa tayadaada sheeko wadaag waxaan uga gol leeyahay waxaad tahay qof ka ogaal badan intii uu hore wax u ogaa amaba dadka aad sheeko wadaagta tihiin, taasina waxay ku taraysaa inaad waagii beryaba aad ogtahay wax cusub oo aan asxaabtaadu ogaal u lahayn. Markaas cidda ogaal badan iyo cidda ogaal yar waxaa mar walba sareeya cidda ogaal badan; ogaalkaas badani hadaba waa kobcin maskaxeed oo aad heshay.

Tusaale:

Hadda ka soo qaad kob yar oo gurigiina ku hor taala oo subax kasta ay geedaheedu qawlayaan oo ay ku soo kordhayaan man iyo ubax cusub ama yeelanaysaa fiil ka cusub kii hore iyo kob aan intaaba helin oo ku taalla deriskaaga miyaanay ahayn tigaadi iyadaa laacda oo dadka iyo duunyaduba aanay taada ku soo hiranayn iyagoo soo waydaaranaaya tii aad deriska ahaydeen.

Sidaas si lamid ah ayaa sheekadaada iyo tan asxaabta kale u kala qaayibsanaanayaan oo u kala qaalisanaanayaan.

Dheefta 4aad:

Aqrisku wuxuu fidiyaa mala-awaalkaaga:

Markaad aqris badan samayso waxaad ogtahay xogo aad u badan kuwaasoo kugu taageera inaad arin, shay, duunyo ama dadba aad ka bixin karto mala-awaal ka balaadhan cidda aan wax aqriyin. Mala-awaalku haybad iyo hibo lays dheeryahay, kolkaasi waxaad hibadaas ku hanan kartaa inaad ka mid noqoto dadka aqristayaasha ah.

Dheefta 5aad: Aqrisku wuxuu ku siiyaa neecawda xeel dheerayaasha hal-abuurka:

Helitaanka neecawda xeel dheerayaasha hal-abuurka ku tegay waa dheef aan sinaba u fududayn, hadaba maxaa kuu diiday inaad hesho neecawdaas? Maxay tahay sababta qof kalena u helayaa adiguna aanaad u helayn? Ma fariidnimaa mise waa doqoniimo inaad naftaada u diido wax wacan oo weliba aad heli karto?

Dheefta 6aad: Aqrisku wuxuu kugu darayaa guulaystayaasha iyo hogaamiyayaasha arliga:

Guusha iyo gobanimadu waa hanti lays dheer yahay oo qof ba in ka haysto dadku waxay guusha u kala gaadhaan hadba inta dulqaadkaagu le’eg yahay, hadii aad dulqaad yar tahay way adkaanaysaa inaad guul midho dhal ah gaadho. Hogaamintuna waaba hadba inta ogaal haysato iyo inta aad dulqaad leedahay; sidoo kale hogaamintu waxay ka mid tahay guulaha la gaadho, mana jirto wado kale waxaad ahaan midkood in lagu hogaamiyo ama in aad wax hogaamiso. Hadaba ma waxaad ogoshahay in weligaa lagu hogaamiyo mise waxaad rabtaa in aad markaaga wax hogaamiso. Warcelinta adigaa iska leh balse ogsoonow dhamaan hogaamiyayaasha arligu waa wada aqristayaal sidoo kale guulaystayaashu waa wada aqristayaal iyaguna.

Dheefta 7aad: Akhrisku wuxuu cariyaa hal-abuurka:

Aqrisku wuxuu kugu taageeraa oo kaa dhigaa mid qiimo badan leh ahna indheergarad xeel fog u leh wax badan, maadaama aqoonta la helo inteeda badan lagu hanto hadba inta aqriskaagu le’eg yahay, sidoo kale aqrisku wuxuu qof wax aqriya ku cariyaa inuu ahaado mid isaga laftigiisu leh hal-abuur dadka kale la wadaagaan oo uu u soo bandhigo. Marka wax aqrido waxaad ka fekertaa dhinac aanaad markii hore waxba ka raadin jirin, markaa aqriste isku day inaad aqriskaaga badiso si aad u hesho dhinacyo badan oo aad hal abuur cusub uga dhaliso.

Dheefta 8aad: aqrisku wuxuu kordhiyaa caafimaadkaaga maskaxeed iyo garaadkaba:

In la dabiibo ama la daweeyo jidhka waxaa ka qiimo badan in la daweeyo garaadka iyo garashada qof kastaa uu gaarka u leeyahay, taasi macnaheedu waa in aqrisku quudiyo maskaxdaada, kolkaasi aqriste ma rabtaa in aad maalin dhaaxaba aad quudiso maskaxdaada oo aad daajiso kob geedo fiican oo cosob leh ku yaalaan.

La soco qormada 2aad