15 qodob oo ninku ka fisho xaaskiisa marka laga yimaad quruxda (Waxa qortay: Ina Siciid)

 

Sida ay haweenkuba arrimo door ah uga fishaan raggooda, ayaa ragguna xaasaskooda filashooyin badan ka qabaan. Qodobada halkan lagu soo koobay waa filashooyinka ugu muhiimsan ee la ogaaday in raggu ay xaasaskooda ka qabaan. Haddii aad tahay gabadh danaynaysa xaajigeeda, waa kuu muhiim in aad akhrisato oo ogaato.

  1. Kalgalcal badan: Ninku wuxu fishaa in ay xaasku ahaato mid kalgacal badan oo mar walba waji furan iyo dhoola caddayn lehย iyadoo ay dhab ka tahay oo aan iska yeelyeelayn.
  2. Dhagaysi iyo ahamiyad-siin: Ninku wuxu fishaa in ay xaasku had iyo jeer si fiican u dhagaysato oo aanay hadalka ka kala jarin isla markaana dareensiiso in ay ahmiyad siinayso. Wuxu sidoo kale fishaa in ay rumaysato wax kasta oo uu yidhaa.
  3. Cafis badan: Ninku wuxu jecel yahay in ay xaasku noqoto qof dabeecad furan oo samaxaad badan si uu gurigu u noqdo mid jawigiisu deggan yahay, wuxuna neceb yahay is-xisaabinta iyo is-xakamaynta badan.
  4. Maarayn: Ninku wuxu fishaa in ay xaasku si fiican u maarayn karto gurigeeda iyo hawlaha la xidhiidha oo dhan. Isagu wuxu isku arkaa in uu yahay hoggaamiyaha reerka, iyadana wuxu u arkaa maareeyaha qoyska.
  5. Farxad-gelin: Ninku wuxu ugu neceb yahay marka uu guriga soo galo in uu arko xaaskiisii oo afka buuraysa wajigeeduna xidhan yahay. Taas ka soo horjeedkeeda, wuxu fishaa in ay gabadhu ahaato qof dhoola-caddeynaysa oo jawigii uu dibedda kala yimid wax ka bedeli karta.
  6. Qaddarin:ย Ninku wuxu fishaa in mudnaan la siiyo, taladiisa la qaato, la qaddariyo wax walbana isaga laga hor mariyo. Taas macnaheedu maaha in ay haweenaydu iska yeelyeelsho wax aan dabiici ahayn laakiin waa in ay dhab ka tahay gabadha in ay ilaalinayso jawiga degenaansho ee xaajigeeda dareensiisana qaddarinta ay u hayso.
  7. Naf-hurid:ย Haweenka qaar baa naftooda oo kaliya ku mashquula iskana ilaawa sidii ay u raali gelin lahaayeen xaajigooda. Waxa uu ninku fishaa in xaaskiisu ay nafteeda isaga u hannayso, waxyaabo badana hurto, maskaxeeduna ay isaga ka fikirto in ka badan inta ay nafteeda ka fikirayso.
  8. Qanacsanaan: In ay noqoto gabadh qanacsan, saluuggu ku yar yahay, dhinaca wanaagsanna mar walba wax ka eegta.ย Raggu ma jecla in xaasaskoodu ay isku dhereriyaan nolosha qoysaska kale ama in iyaga la barbar dhigo ragga dhiggooda ah eeย ka magaca weyn, ka dhaqaalaha badan amaba ka mansabka sarreeya.
  9. Wax-wada-cun:ย Inta badan bulshadeenu waxay xiiseeyaan in ragga gooni wax loo siiyo. Taas rag badani ma jeclaystaan oo waxay ka doorbidaan in ay reerkooda wax la cunaan. Daraasad ku samee xaajigaaga, haddii aad ogaato in uu jecel yahay in aad wax la cunto, miiska cuntada ha ka maqnaan adiga ha kaa dhigto muraayad uu isku daawado.
  10. Cunto-karin fiican:ย Ninku wuxu fishaa in xaaskiisu ahaato mid cuntada si wacan u karin taqaan fikrado cusubna ku soo kordhin karta miiska marka ay muddo soo wareegtaba.
  11. Nadaafad iyo lebis qurxoon:ย Sida aynu ognahay hooyadu inta badan waxay mashquul ku tahay daryeelka carruurta, daryeelka guriga iyo cunto-karinta. Iyadoo shaqooyinkaasi aanay meesha ka baxayn ayaa haddana ninku wuxu jecel yahay in uu arko xaaskiisii oo nuuraysa, si wacan u lebisan nadaafadina ka muuqato. Taasi waxay dareensiisaa in ay mar walba isaga raaligelintiisa diyaar u tahay waxayna kordhinaysaa doonista uu iyada u qabo.
  12. Samir iyo dhabar-adayg: Ninku wuxu jecel yahay in xaaskiisu ahaato qof dhabar-adayg leh, caqli badan, isla markaana kala dabbaalan karta arrimaha adag ee noloshiisa la soo gudboonaada. Ma jecla in ay markaaba ka niyadjabto duruufaha adag ee qoyska ama isaga soo waajaha.
  13. Isku kalsoon: Ninku wuxu jecel yahay in xaaskiisuย ay kalsooni isku qabto, ku kalsoon tahay muuqaalkeeda iyo ficilladeeda, degenaan leedahay, wuxuuna sidaas ku dareemaa xasilooni iyo degenaansho.
  14. Hooyo wanaagsan: Si kasta oo ninku u yahay mid mashquul badan ama aan wakhti ku filan la qaadan carruurtiisa, xataa haddii uu yahay nin dayaca qoyskiisu ku badan yahay, haddana wuxu fishaaย in xaaskiisu noqoto hooyo u roon carruurtiisa aadna uga war haysa daryeelkooda.
  15. Haweenayda guulaysata:ย Ragga in badan oo ka mid ahi way ka xiiso-gooyaan haweenayda ay u arkaan in aanay qaban karin wax ka baxsan shaqooyinka aas aasiga ah ama qofka meel kaliya isku xidha. Waxay jecel yihiin in ay arkaan in ay tahay qof hal-abuur leh oo arrimo kala duwan ku guuleysan karta taas oo ninka ku keenta in uu xaaskiisa u hanweynaado.

Suurtogal maaha in aad waxaas oo sifooyin ah yeelato oo dadku marnaba ma dhammaystrina laakiin isku day in aad inta ugu badan lahaato. Haddii kale ha ka caban in lagula guursado ama lagaa hayaamo.

By: Ina Siciid

ย Hargeysa

Bandhige@gmail.com