Iiraan waxay tijaabisay gantaallaha riddada dheer, waxayna ku dooday in aanay ku xad-gubin heshiiska nukliyeerka

 

Xukuumadda Iiraan ayaa ku doodday in aanay haba yaraatee ku xad-gudbin heshiiskii ay la gashay dunida reer-galbeedka ee Golaha Ammaankuna ansixiyey kaas oo khuseeyey xakamaynta nukliyeerkii uu dalkaasi samaysanayey.

Warkan waxa sheegay Wasiirka Dibedda ee Iiraan Javad Zarif kadib markii af-hayeenka Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyaa uu sheegay in Maraykanku ka war helay in ay xukuumadda Iiraan tijaabisay gantaallaha riddada dheer.

Wasiir Javad Zarif wuxu sheegay in mashruuca gantaallahani aanu ka mid ahayn qoddobadii heshiiskii ay Iiraan la gaadhay quwadaha adduunka ee ku saabsanaa xakamaynta hubka nukliyeerka ah kaas oo ay Iiraan muddo ku hawlanayd tayayntiisa.

Wasiir Zarif wuxu kaloo sheegay in Iiraan ay gantaallahan u adeegsanayso in ay waddankeeda ku difaacdo laakiin aan loogu talo galin in ay xambaaraan madaxyada nukliyeerka ah.

Sida ilo xogogaal ahi tibaaxeen gantaalkani wuxu qarxay kadib markii uu jaray masaafo 1,010 kiiloomitir ah oo badda dhexdeeda ah iyadoo laga riday Bariga Iiraan.

Gantaallo caynkan ah oo ay Iiraan tijaabiso waxa ugu dambeeyey bishii July ee sannadkii ina dhaafay.

Bishii June 2015-kii ayaa quwadaha adduunka iyo Iiraan heshiis taariikhi ah gaadheen kaas oo lagu xakeemeyey tayaynta nukliyeerka Iiraan beddelkeedana Iiraan lagaga qaaday cumo-qabatayntii dhaqaalaha ee muddada dheer saarnayd.

Toddobaadkan waxa xumaaday heshiiskii u dhexeeyey Iiraan iyo Maraykanka kadib markii uu madaxweynaha cusub ee Maraykanku Iiraan ku daray liiska waddamo toddoba ah oo uu dalkaas ka mabnuucay in ay cagaha soo galiyaan muddo saddex bilood ah. Iiraan ayaa iyaduna kaga aar-goosatay in ay muwaadiniinta Maraykanka ka mabnuucday in ay dalkeeda yimaadaan.

Bandhige@gmail.com