Soomalidu waxa ay xornimada qaadatay iyadoon, diyaar u ahayn in ay hanan karto nidaamka dowladnimo iyo hab-raaciisa wana sababaha keenay in markiiba ay Soomalidu u fahanto dowladnimada in ay tahay hab-dhaqankii beeralayda ama xoolo dhaqatada, oo ahaa mid ay bulshadu isku tiirsanayd hab-qabaalil ah si ay isku gaashan-buuraystaan.
Bilowgiiba Soomalidu waxa ay soomartay Jamhuuriyad Soomaliya sannadihii u dhexeeyay 1960 ilaa 1969 iyo Jamhuuriyada Dimuquraadiga Soomaliya sannadihii 1969 ilaa 1991 oo ah xiligii la riday Dawladii kacaanka ee Soomaliya.
Intii ay jirtay dawladii Rayidka ahayd, waxaa jiray musuq-maasuq, nin jeclaysi iyo qarabo-kiil, wana arinta keentay in doorashadii dhacday 1969, ay tartamaan 1002 oo musharax iyagoo ka kala tirsan ilaa 62 xisbi, waxana ay arintu xiligaa u muuqal eekayd in ay qabyaladu xadhkaha goosatay oo aan loomaro helayn, inkastoo niddaamkaa doorasho lagu doortay laba madaxwayne oo xilka kula kalawareegay hab-nabbdoon.
Waxase, wax walba is-badaley markii la dilay madaxwayne Abdirashiid Ali Sharmarke AUN, oo waxa taladii dalka la wareegey milatarigii dalka oo af-ganbi aanu dhiig ku daadan ku qabsaday dalka dhammaantii, hadaba sannadihii hore kacaanku waxa uu ku talaabsaday horumar la taaban karo, sida dhisida waddooyinka isku xidha gobolada, dhaqalaha, awooda bulshada si looga maarmo ku tiirsanaanta dibada, arinta se, ugu mudani waxa ay ahayd qoridii Af-Soomaliga ee sannadkii 1972 iyo ololihii Akhriska iyo Qoraalka Af-Soomaliga ee sannadihii 1973 ilaa 1974, xiliyadaa dhaqalaha dalku sadex meeloodow laba meelood waxa u ku tiirsanaa xoolaha nool, beeraha iyo kalluumaysiga.
Nasiib daro, hadana waxa ay arimhu is-badaleen markii isla kacaankii sameeyey arimhaa wanagsan oo dhan, uu qaaday tallabooyin aan haboonayn oo ah in uu bilaabo musuq-maasuq, nin jeclaysi, qaraabo-kiil, laynta iyo baro-kicinta bulsho aan waxba intooda badani galabsan.
Soddon sannadood kadib, maxaa horumar lataaban karo la gaadhay, haddii se, kacaankii lagu riday dhibaato ayaad samaysay, halku maanta dalku marayaa, maxa se, is-badalay mar haddii wali la maro inta badan wadooyinkii u dhisay kacaanku, oo ay jiraan in dhulkii kacaanku qor-sheeyay in dawlada loogu adeego intooda badan xaraash galeen, badh-koodana dad shacabi daganyihiin, mar haddii qaabaynta inta badan magaalooyinku yihiin sidii, oo aan loo samayn qaab cusub oo la jaan-qaadi kara soddon sano ka dib, marka laga tago dhismayaal la dhisay oo bilicdoodii ay qarinayaan wado xumo iyo iyadoo anay jirin meel baabuurta la dhigto, walina adeegyada aas-aasiga ah dhammaantood ay bulshadu la daala dhacayso oo aan lahayn cid udamanad qada.
Haddii shallay ay ahayd, cid uun baa manfaca dawladnimo leh maanta waa sidee xalada dalku, wixii khaldamay ma lasaxay mise wali waxa jira qaraabo-kiil-kii, nin jeclaysigii, cadalad-daradii iyo u kala dhawanshaha hadba aqalka dalka looga arimiyo, oo aad moodo in geel reer leeyahay lagu maalayo.
Mar haddii soddon sanno, dabadeed cashuurta la qaado anay bulshada wax ba dib ugu soo noqonayn, oo dhammaan adeega bulshadu yahay mid ay iyagu bahidooda dabooshaan.
Ilaa iyo inta la fahmayo in niddaamka dawaladnimo uu ย yahay, wadaag u dhexeeya ummada meeshaas wada dagan oo logu adeego sinnaan iyo cadaalad, waxa la lumin doona soddomeeyo sanno oo kale iyadoon lagadhin meesha loobahanyahay.
Qore: Caynaan Farax Caynaan.