31 kii May, 1988: Maalintii Bustaanka-yagii loo bedelay xero Milatari iyaddoo aan ogolaansho lana waydiin (WQ: Aadan Yuusuf Aw-Xasan)

Markii Hargeisa SNM soo gashay ee degaalku bilaabmay, waxaa guriggii iyo beertayaddii aanu dhex deganayn ( Xaraf Janno) oo 5Km dhinaca galbeed kaga beegan taliska guud ee ciidanka oo ah halkii dagaalku ka dhacay nagu soo food saaray culays badan oo inta badan Hooyo Illaahay ha unaxariistee ay lakulantay. Culayska koowaad ayaa ahaa in geeri iyo nolol aanay ogayn waxa ay ku suganyihiin saddexdii ugu weynaa caruurteedda oo hawsha socotay ee halganka qayb firfircoon kaga jiray. Waa culayska labaade waxaa mar qudha beerta idiin muuqata loo badalay xero ciidan waxaa soo degay ciidan sidda hooyo iisheegtay ka yimid dhinaca galbeedka. Waxay saldhig ka dhigteen goob khudradi ku taalay oo aan xataa hoos loo eegin. Maadaama aabo illaahay ha unaxariistee uu talaabay sidoo kale sadexddii qoyska ugu weynaa kasii horeeyeen oo jihaadayaan, waxaa isku soo hadhay hooyo iyo intii qoyska caruurta aadka uyaryar ahayd. Hooyo illaahay ha unaxariisatee waa u badheedhay in ay waydiiso sababta beerta loo baabiiyay, sidaan ka soo xigtay waa cudur daarteen, sababtana ciidankaasi faqashta ahaa waxay ku sheegeen in ay laba ujeedo beertan ku doorteen:

1) in biyaha ceelka sawirka ka muuqda ka cabaan iyo

2) in beertu leedahay goobo dhufays noqon kara oo gabiyo ah iyo in ay waqooyi kaga beegnayd Sh. Cumar Yusuf oo ay doonayeen in dhaqdhaqaaqa ย SNM ay halkaas kala socdaan taas oo stratiijiyad dagaal u ahayd. Waxay nagu khasbeen in aan beerta ka guurno, waxaanu a uguurnay inta aan yaraadee xasuusto beerta iyo guriga reer Isxal Yusuf oo dooxa dhinaca kale ee waqooyi nagaga beegnaa!!. Hooyo raximo hulaah waxay sheegtay in faqashtaas beerta soo degtay waydiiyeen in cid ay dhashay ku jirto dagaalka socda, waxay usheegtay in aanay jirin iyadoo ka faa’iidaynaysa in Allaah inoo baneeyay in aad naftaadda badbaadiso oo runta khatarta ku galin karta ka weecato, balse haddana hooyo si hoose waxay ugu celcelinaysay ( warsan iyo weedhsan).

Welwelka ugu weyna muu ahayn culayska ciidan ee bustaankii ubadalay xero ciidan balse wuxuu ahaa waxaa caruurteeddii mujaahidiinta ahaa ku sugnaayeen maalintaas. Nasiib wanaag hal mid uunbaa dhaawacyo uu jabbniin culusi kujiro soo gaadhay, sidda uu sheegay taliyihiisu wuxuu ahaa amarka dagaalkana uu ka qaadanayay Maxamed Cilmi Galaan. Mujaahid Axmed Yusuf Maanta isaga oo xor ah waa Gudoomiyaha deegaanka Xaraf.

Gurigga dergedda ah ee muuqdaa waa kii qoyska oo mujaahidiintu ku jiraan ku dhasheen. Waxaan waa maalmo khayr lehe illaahay naxariistii janno u waydiinayaa Maxamuud Yuusuf oo waajibkiisii halgan sifiican ugutay dadkiiisu in ay xoriyad ku noolaadaana ka doorbiday in uu sii noolaado. Siddoo kale illaahay ha unaxariisto labaddii waalid oo geeriyooday halganka ka bacdi.

 

Somaliland hawaarto!!!