Haddii ciidanka nabadgelyadu igu qabsadaan liisan laโaan ma yaabeen, laakiin meel kale ayay iila kaceen mar aanu is af dhaafnay. Askari taraafi ah oo la jiidhay maalin Khamiis ah 3dii Jeneweri 2019ka ayaa la ii qabsaday maalin Jimce ah 4tii Jen 2019ka, weliba isaga ayaa isu dhigay gaadhi socda oo askar ka firxanaya.
Judhiiba waxa la ii muujiyay cadaawad iyo naxli hore. Dil lagu hanjabo, qabyaalad, aflegaaddo, kiis judhaba boolisku iska xumo iyo wanjal baan arkay.
Saldhigga Axmed-Dhagax oo la ii diiday booqasho iyo maydhasho ayaa la igu riday. Dukhaan iyo kaneecaannu derisnay, dhaxantii baan ku daadduumay. Dirxi ayay suuliyadu lahaayeen, annaga oo cagaagan ayaannu geli jirnay.
Walaw aan ku adkaystay in maxkamadda lagu kala baxo… Haddana wada-hadal odayaal galeen ayaan ku soo baxay. Dhacdada waxan ku faahfaahiyay buugga Waayahahaygii Xabsiga ee dhawaan soo baxaya insha Allah.
Baaqyo farabadan oo bulshada damiirka nooli faafiyeen isla habeenka la i arjumay ayay xasuusta Facebook soo celisay.