Sideen u qaabilnaa Ramadaan, bishii khayrka iyo qur’aanka Q.3aad (WQ: Axmed Cali Kaahin)

Adoonka wanaagsani wuxuu ku qaabilaa, toobad saafiya, go’aan adag, ka gacan qabsashada khayrka, iyo ku camirid camalo suuban, Allaale baan ka tuugaynaa in cibaado suuban inagu gargaaro. Waxaan halkan kusoo gudbindoonaa, barnaamij rag iyo dumara, oo bisha Ramadaana. Aan isku dayno in aan ka faaiidaysano, saacad kasta oo saacadaha ramadaanta ah, wixii faaiido iyo intifaaca aakhiro iyo aduun inoo leh.

  1. DUHURKA               الظهر
  2. Aadaanka masaajidka tag, wakhtigaasina ducadaa la aqbalaaye ducayso oo tuko 2 rakcadood ee ka horeeya 4 kadambeeya salaada duhur .قال ابن مسعود رضي الله عنه : ( إن رسول الله علمنا سنن الهدى وإن من سنن الهدى الصلاة في المسجد الذي يؤذن فيه ) رواه مسلم

 

  1. Jidhkaagu xaqbuu kugu leeyahay, nasasho qaado. وإن لبدنك عليك حقاً

CASARKA          لعصرا

  • ku dadaalno in masaajidka hore u tagno, sunayaashana tukano.  قال النبي صلى الله عليه وسلم : ( رحم الله امرءاً صلى قبل العصر أربعاً ) رواه أبو داود والترمذي
  • Dhagayso wacdi, haddii Masaajidka ka socod, ajar wayn baan ku kujira. : قال النبي صلى الله عليه وسلم ( من غدا إلى المسجد لا يريد إلا أن يتعلم خيراً أو يعلمه الناس كان له كأجر حاج تاماً حجته ) رواه الطبران
  • In aan fadhiga masaajidka, barano khayr badan baa ku jira. : قال النبي صلى الله عليه وسلم ( من غدا إلى المسجد لا يريد إلا أن يتعلم خيراً أو يعلمه الناس كان له كأجر حاج تاماً حجته ) رواه الطبران
  • In aad wayso qaadato, masajidkana tagtaa, waa booqde rabbi, martidana xaqeedu waa in la karaameeyaa. : قال النبي صلى الله عليه وسلم ( من توضأ في بيته فأحسن الوضوء ثم أتى المسجد فهو زائر الله وحق على الموزر أن يكرم الزائر ) رواه الطبراني بإسناد جيد .

 

Lasoco Qaybta Qaybtii 4aad…