Jiho Laaanta Jaamacaddaha (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Dhammaan jaamacaddaha ka hanaqaaday Soomaalilaan, waxa ay ka siman yihiin in aanay dan iyo muraad toona la lahayn inay isku eegaan xirfadaha ay bixinayaan waxa ay suuqa ka goaynayaan. Waxa sida Ayaxa loo soo daayaa arday tiro badan oo la soo baray xirfaddo aan baahi loo qaban oo ardayda dabar ku noqonaysa, aakhirkana keenaysa inuu tahriibo ama ka niyad jabo markii shaqo ku waayo wixii uu mudada badan soo baranayey. Jaamacadduhu kama fal-celiyaan baahiyaha suuqa yaalla, ee u baahan xirfado loo soo barto si ay ardaydu markiiba shaqo uga helaan. Inay jaamacaduhu imika bilaabaan inay isku dheellitiraan baahida suuqa taalla iyo aqoonta ay ardayda barayaan waa bilow fiican. Cir-bixiyeyaashu waxa ay yidhaaheen, dayax gacmeedku, ku dhawaad 80% shiidaalkiisu wuxuu isticmaalaa daqiiqadaha ugu horeeya ee safarkiisa, halka 20% uu ku dhammaysto inta ka hadhay muddada uu sahanka ku jiro. Wax waliba billowgiisu wuu adag tahay.

Kulliyadaha iyo Suuqeyntooda.

Rayi ururin ay samaysay mareegta Weedhsan.net oo ay ka qaaday 150 arday oo dhammaystay jaamacaddaha dalka, oo ka qalin jebiyey kulliyadaha Caafimaadka, Sayniska, Beeraha iyo Waxbarashadda ayaa lagu ogaaday inay 83.7% ay shaqeeyaan. Halka ardayda ka qalin jebisay ganacsigu aanay haba yaraateen wax shaqo ah haynin. Sababta aanay ardayda bartay ganacsigu shaqo markaba uga helayn suuqa waxa ugu wacan laba arrimood oo kala ah, Kow, in suuqyada ay ka buuxaan tirada ardaydii hore uga soo qalin jebisay kulliyadu oo uu ka xidhan yahay suuqu. Laba, in aqoonta lagu barto kulliyada ganacsigu aanu la jaan qaadayn waaqaca ganacsiga Soomaalilaan. Sababtoo ah ardayda ayaa la baraa wax aan khusaynin ganacsiga yaalla dalka ay ku nool yihiin. Ardayga la baro cilmi gaar ahi maaha wax ka shaqaynaya casrigan aynu ku jirno. Aragtidaasina waxa ay noqonatay mid gabbalkeedu dhacay, waa in ardayga la baraa maaddooyin kala duwan si ay u kordho fursada uu hadhow shaqo ku helayo. Dhawaan ayuu nin aanu saaxiibo nahay cosdi shaqo u qortay boos lagu soo xayeysiiyey wargaysada, kaasi oo ahaa xisaabiye. Dabadeed wuxuu weydiiyey masuulkii codsiyada qabanayey bal inta codsi ee soo gaadhay. Wuxuu u sheegay inay shaqada soo dalbadeen 400 oo qof. Hadda waa hal boos, waad garan kartaa inay sida ciidda u tuulmeen dadka bartay xirfadaha suuqa ku batay.

Ardayda Iyo Jaamacaddaha

Ardayda ka soo baxda dugsiyada kala duwan ee dalku, waxa ay jaamacaddaha soo galeen iyaga oo dhego xidhan oo aan xittaa fikir ka haysan waxa ay baranayaan iyo siday suuqa shaqo uga bannaan tahay. Qorshe laaan ka jirta dhinaca manhajka jaamacadaha dalka oo aan ka jawaabeyn baahida shaqo ee suuqa taalla iyo waxa la baranayo. Jaamacadduhuna malaha waax ardayda kala talisa waxa ay baranayaan iyo inay hibadooda tahay. ย Bal horta hibada aynu isla garano. Hibada (gift) qeexid: Hibadu waa awood shaqsiyadeed oo dhalasho ah, waxa ay ka mid tahay abuurka Ilaahay. Hibadu maaha barasho iyo dadaal qofeed, balse ย waa abuur ilaahay, oo qof kale aanu samayn karin. Hibada waxaan ugu jeedaa wuxuu qofku ku fiican yahay. Adduunka ma jirto qof aan shay hibo u lahayni, balse waxa fiican in qofka la darso markuu yar yahay, bal shaygu hibada u leeyahay iyo ka aanu u lahayn. Sidee lagu ogaan karaa Hibada? Hibadu way qarsoontahay waxaana fiican in la soo shaac-saaro.

Carruurta iskuulada dhiganaysa waxa ogaan kara macalinka waxbaraya, waxa kale oo ogaan kara waalidiinta carruurta dhalay, iyagoo isha ku haynaya markay guriga joogaan waxa ay jecel yihiin inay qabtaa. Markaa carruurtu shayga ay ugu jecel yihiin inay bartaan ama qabtaan ayay hibo u leeyihiin. qofku markuu weynaado wuu is-qiimayn karaa, bal wuxuu ku fiican yahay iyo waxaanu ku fiicnayn. Xilliga ugu mudan in la ogaadaa waa markay bulshada soo foodsaarto arrin adag oo ka samata-bixinteeda loo baahan yahay. Marka xallinta arrintaasi la bilaabo ayuu qofkii la soo baxaa hibadi ilaahay siiyay, ka dib wuxuu ogaanayaa inuu ku fiican yahay xallinta, oo aanu hore isugu ogayn. Dadka badankoodu waxa ay dhintaan iyaga oo aan is aqoonin waxa ay ku fiican yihiin iyo wax aanay ku fiicnayn.

Madax bannaanida Jaamacaddaha

Haddii ay iyagu garan waayeen isku dheellitira waxa aad ardayda baraysaan iyo baahida shaqo ee suuqa taalla, waxa ay ahayd inay dawladdu culays saarto shaqadaa ay ka soo bixi waayeen. Dabcan dawladu waxa ay tixgelisay in aan jaamacaddaha lagu faragelin aqoonta ay ummadda u hayaan, way se garan waayeen kaalintoodii mudnayn inay ka soo dhalaalaan. Wakhtiyadii dawladihii kacaankii lugooyo ย iyo kuwii ka horreeyey, waxa dhici jirtay inay dawladu jaan-goyso xirfadaha suuqyada looga baahan yahay. Hasayeeshee dadka aqoonta jaamacadaha ku xeel-dheer ayaa arrintaasi ka horyimid oo ku sifeeyey xakameyn aan loo baahnayn, oo dadka xorriyada lagaga qaadayo. Waxa ay tusaale u soo qaateen haddii qof ay hibadiisu tahay inuu barto beeraha, hasayeeshee ay xidhan tahay in beeraha la barto sannadahan oo ay suuqa ku bateen. Waxa dhici karta inuu qofkaasi khasaaro oo ay dantu ku kelifto inuu barto wax aanu jeclayn.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com