7 Qalad oo ay ragu sameeyaan ayaa dhaawaca caafimaadkooda Q.1aad (WQ: Kamaal Axmed Cali)

Raggu waxa ay sameeyaan qaladaad khatar ku ah caafimaadkooda oo ay ka mid tahay in aanay waqti u goynin ama go’aan ku dhiirasho oo dhab ah ku qaabilin waxyaabaha ay ogyihiin in uu caafimaadkooda wax ka tarayo. Tusaale ahaan ninku isaga oo doonaya in uu miisaanka iska rido, ayaa haddana aanu joojinayn cuntooyinka uu ogyahay in ay miisaanka kordhiyaan.

Sida ay sheegayso warbixin arrintan la xidhiidha oo lagu daabacay shabakadda ‘WebMD’ qaladaadka kale ee ay raggu sameeyaan waxaa ka mid ah in ay ka warwareegaan u tegista dhakhtarka, oo mar kasta oo ay tahay in ay tagaan, ay la yimaaddaan cudur daarro kala duwan oo ay kaga joogayaan.
Qormadan waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah qaladaadka ay raggu ku kacaan ee ay warbixintu sheegtay in ay khatar ku tahay caafimaadkooda.

KAMA FEEJIGNAADAAN WADNE XANUUNKA

Raggu inta badan kama fikiraan muhiimadda caafimaad ee wadnahooda. Cilmibaadhis dhowaan la sameeyey ayaa daahfurtay in ninku marka uu da’ yaryahay ay tahay marka ay ugu badan tahay khatarta ah in uu wadne xanuun ku dhaco.
Nin kasta waxaa la gudboon in aanu ku kadsoomin da’ yaraanta, si joogto ahna uu ula socdo caafimaadka wadnihiisa.

WAXA AY DHAYALSADAAN KHATARTA CAAFIMAAD EE KHUURADU

Khuurada oo inta badan ragga ku badani waxa ay keentaa Khalkhal ku dhaca habsami u neefsiga qofka, waxaana dhacda in inta uu hurdo ay neeftu ka kala googo’do, oo ilbidhiqsiyo yar inta ay maqnaato ay haddana u furanto.
Cilmibaadhisaha la sameeyey waxa ay muujinayaan in ragga khuuriyaa ay kala badh qabaan mushkilad aanay isku ogeyn ama aanay dan ka gelin, oo ah in neeftu habeenkii ka googo’do.
Waxa kale oo ay khuuradu xidhiidh la leedahay xanuunnada wadnaha ku dhaca iyo dhiigkarka.

KIRIIMADA MAQAARKA KA ILAALIYA FALLAADHAHA QORRAXDA

Ragga qaar ayaa caadaysta marka ay tegeyaan bannaanada meelaha qorraxda leh iyo xeebaha in ay marsadaan kiriimada qorraxda jidhka ka ilaaliya, laakiin aan waqtiyada kale la isticmaalin.
Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in caafimaad ahaan ay fiican tahay in raggu ay joogteeyaan isticmaalka kiriimada maqaarka ka ilaaliya fallaadhaha qorraxda. Waxa ay si gaar ah ugu talinayaan kiriimada ay ku jirto maadadda SPF 30 ama mid ka sii sarraysa, si ay uga ilaaliso kansarka maqaarka ku dhaca.

DAN KAMA GALAAN WAXYAABAHA KU SOO KORDHA!

Raggu inta badan kama fikiraan xaaladaha hadba ku soo kordhay. Tusaale ahaan ma dhaadaan tirada inta jeer ee ay maalintii suuliga kaadi u tegeyaan. Si kasta oo ay isugu arkaan kaadidooda oo inta dabiiciga ahayd ka kordhay ama ka yaraatay kama fikiraan in ay dhakhtar la tashadaan.

Haddii uu ninku uu maalintii 8 jeer ama ka badan kaadi u tago suuliga, ama habeenkii laba jeer wax ka badan suuliga ugu kaco kaadi, waxa ay u dhowdahay in ay jirto xaalad caafimaad, oo ay ka mid tahay qanjidhka ragga ee ‘Prostate’ ka oo intii dabiiciga ahayd ka weynaaday ama ay kaadi haystu qabto mid ka mid ah xanuunnada loo yaqaanno (OAB) oo keena in kaadi haystu ay qabato shaqo ka badan teeda dabiiciga ah.

Waxa kale oo ay kaadi badnaantu calaamad u noqon kartaa xaalado kansar.
Nin kasta oo isku arka in kaadidiisu ay intii dabiiciga u ahayd ka badatay, waxaa waajib ku ah in uu dhaqso dhakhtar ugu tago.

LA SOCO…