70 guurada beesha yurub iyo heerarkii uu soo maray (WQ: Rashiid Odowaa)

Muddo 70 sano laga joogo 1950kii ayuu  wasiirkii arrimaha dibadda ee Faransiiska Robert Schuman u soo jeediyay dhawaa qii la magac baxay (schuman Declaration ) oo ahaa Shirkadda dhuxul dhagaxda iyo birta ee Reer Yurub ECC halkaas ayuu ka soo bilaabmay magaca maanta loo yaqaan Midowga yurub ama EU.oo urur ka shaqeya arrimaha Siyaasadda iyo dhaqaalaha.

“Yurub maalin keliya laguma dhisi karo,ama hal qorshe oo keliya waxase lagu dhisi karaa in la waajaho caqabado shub ah oo adag si loo sameeyo yurub midaysan oo isku tashatta,si loo helo waddamada yurub oo midoba waa in la nadiifiya oo la caafimaadiyaa waddamada faransiiska iyo jarmalka wixi soo kala maray oo halkaas laga anbo qaadaa” waa hadalkii uu ka dhex akhriyay madaxda Yurub.

Dhawaaqasi wuxu keenay inay isu yimaaddan 28 xubnood oo ka kala socotta waddamada Yurub kuwas oo ka arrinsanaya sidii ay dadkoodu ugu naaloon lahaayeen Nabad iyo horumar loona sii anba qaadi lahaa nabadda Adduunka.markiiba waxay ku dhaqa qeen sidii loo dhisi lahaa burburkii ka yimid dagaalkii labaad ee Adduunka iyo in la dhiso hab wada shaqayn iyo wax is dhaafsi xagga dhaqaalaha ah.iyo in xuduudaha laga dhex saaro oo isu socodku furnaado.sida ku cad heshiiskii (Schenchen ee lagu kala saxexday Brusells)

Intaas ka sokow haddana caqabadaha jira waxa ka mid ahaa In la isku hayo waddamo tiradoodu intaas legtahay waxay ahayd mushkiladda 70 sano taagnayd,Culaysyada dhaqaalaha,dadka soo galaytiga ah ah,shaqo la’aanta iyo waddamada sanka taagaya ee inay ka baxaan rabay aakhirkiina ka baxay sida UK oo kale iyaguna waxay ahayeen waxyabaha caqabadda ku ah.

Mushkilallad ugu way nee imika taalla ayaa ah aafada caabuqa Covid 19 oo ka dhigtay yurub in xuduudaha la kala xidho,taas oo aan waligeed dhicin 70 ka sano ee uu jiray Ururkan.waxa ay sannad guuradoodan ka dhigaysaa tii ugu madoobayd abid.

 

GUULIHII IYO WAAYIHII UU SOO MARAY

Guulaha uu gaadhay Ururkani way badanyihin sida waxay aad uga shaqeeyeen Nolosha muwaadinintooda iyo siday isugu soo dhowaan lahaayeen xagga is dhexgalka si is fahamku u kordho oo laga dheeraado wax kasta oo abuuri kara carqalad.

Tixgelinta aadminmo,xuquuqda asaasiga ah ee Aadmiga,xorriya dda iyo dimoqradiyadda,sinanshaha iyo u hoggansanaanta shar ciga ah  ayaa ah waxyaabaha lagu majeerto ee Ururkani horuma rka ka gaadhay.

Intaas ka sokow EU lafteeda ayaa ku guulaysatay Nobel peace prise iyadoo loogu abaal mariyay sida ay guddida Nopel peace cadeeyeen”lixdankii sano ee u danbeeyay waxyaabaha ay ka qabteen Nabadda iyo dib u heshiisiinta,dimoqradiyadda iyo xuquuqda aadamaha”.

Guusha ugu wayn ee ay xaqiijiyeen EU ayaa ah xorriyadda isu socodka Yurub gudeheeda iyo suuqa xorta ah taas oo damaana d qaadday in 500 milion oo qof ay siday doonaan u mushaxaan Yurub dhexdeeda oo ay ku noolan karaan,wax ku baran karaan kana shaqaysan karaan meesha ay doonaan.waxay kaloo ay horumar ka gaadheen ilaalinta deegaanka oo ay ka sameeyeen shuruuc lagaga hortago xaalufinta,waxyabaha kal ee ay gaadhe n ee ay u arkaan guusha waxa ka mid ah dilka qisaasta oo ay joojiyeen sanadkii 1983kii.

QOLYAHA MIDIGTA FOG

Caqabadaha EU ka hor yimid waxa ka mid ah Dadka u janjedha xagga midigta fog ama la odhan karo dadka waddaniyaddu madax martay sida xisbiyada AFD ee jarmalka, sida xisbiga VOX ee spain,VICTOR orban oo Hungary ah,iyo LE PEN oo Faransiiska ah xisbiyadani waa kuwo imika soo jiidanaya codadka yurub sababtuna waxay tahay waxay u arkaan in isu socodka iyo xadadka furan ee yurub ay yihiin kuwo dadka soo galowga ah iyo qoxoontigu sbabta u ah, taas oo suurto gal ah inay xukunka faraha ku dhigaan taas waxay ka hor imanaysaa mabaa diida Beesha Yurub ee EU.waxayna keeni kartaa in waddamo hor lihi ka baxaan Ururka.

BREXIT

Madaxxanunka ugu wayn ee beesha Yurub waxa uu dhacay markii ingriisku ka baxay yurub (British+Exit=Brexit) ka dib markii parlamanka ingiisku u codeeyeen inay yurub ka baxaan arrintan oo walaac ku abuurtay waddamo badan oo Yurub ah keenina karta in janbigu u furmo yurub oo ay kala tagaan.

Taas oo Siyaasiyiin badan oo Ingriis ahi ay ku doodayaan sababt a ay uga tageen Yurub inay tahay “inay iyagu maanta ay u jihay n doonaan si madax banana siyaasadda waddankooda”

Si kastaba ha ahaatee Hadda waxa ku hadhy EU 27 waddan waxa  xusid mudan EU waxay xidhiidh la leedahay Somaliland oo ka caawiyaan dhinacyo badan oo ay ka mid tahay doorash ooyinku.

 

Tixraac

https://www.schengenvisainfo.com/news/european-union-celebrates-its-70th-anniversary-amid-an-existential-crisis/

 

Rashiid odowaa

khadarsalaan@gmail.com

063-4101213