Aan kursiga mar uun ku fadhiisto (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Waxaan ka fikiraayay sidii aan caruurtayda xiraf u bari lahaa, markaas ayaa maqaalkan igu soo dhacay.

Run ahaantii dadkeenu waa dad karti badan, maskax badan, laakiin mushkilad ayaa haysata waxa ay laayihiin cid hagta, dhibaatada dadkeena haysataa waa taa, waxa ay laayihiin hogamiyayaal daacad u ah.

Hadaba waxa aan is waydiiyay, dadka caynkaa u kartida badan, maskaxda badan maxay dhalinteedu u tahriibaysaa, ee ay u hagi waayeen.

Hadii aynu miyigii ku yara noqono dadkeenu xoolo dhaqato ayay u badnaayeen, qofku marka uu xoolo dhaqato yahayna waa xor, Illaahay mooyaan eh cidkale waxba kama sugo, waxaa tusaale kuugu filan sheekadii ina xagaa dheere dhex martay gumaysigii ingiriis. Hadaba markii miyiga la joogay waxaa foqoro loo yaqaanay reerka aan xoolo lahayn.

Hadaba imika magaalooyin ayaynu u badanay, magaaladii maxaa yaal, horta sida ay dadka wax garadka ihi ku sifeeyaan, waxay yidhaahdeen magaalooyinku waa xerooyin qaxooti, hadii aad u fiirsato magaaladu waxba ma soo saarto, laakiin wax walba dibada ayay uga yimaadaan ama tuulooyinka ku hareeraysan, sida caanah, waxa la quuto oo dhan, waxa la xidho, waxa wax lagu dhiso oo dhan, iwm.

Hadaba mar hadii magaaladii noqotay xero qaxooti, dadkii ku noolaa maxaa la gudboon, dee dadkii magaaladu waa inay bartaan sidii ay u ugaadhsanlahaayeen, mar hadii ay xero ku jiraan, hadaba halkii aad qofka wax ka siin lahayd, waxa ka haboon inaad barto xirfad uu ku ugaadhsado, si uu xor u noqdo.

Hadaba hadal iyo guntii dhalinteenu waxay isu miidaamisaa, waynu ognahay school ka waxa lagu barto, ninkii dhalinta ahaa marka uu secondry soo dhameeyo ama waxan jaamacado lagu sheego, waynu ognahay in aanay suuqa ka shaqayn, inankii dhalinta ahaa markaa waa inu is miidamiyaa.

Hadaba waalidka waxa la gudboon caruurtooda inay baraan xiraf ay ku shaqaystaan, oo uu ku ugaadhsado, xirfadu waa dhaqaalihii magaalada, halka ay xoolaha miyigu ka ahaa dhaqaalihii miyiga.

Waynu ognahay hogaamiyayaal u daacad ihi inayna jirin eh, waa calooshii la ciyaar miidhan eh, hadaladooda waxa ka mid ah, aan kursiga mar uun ku fadhiisto.

Hadal iyo guntii qofka magaalo ku nool ee aan xirfad lahayn waa faqiir, sidii qofka miyiga ku nool een xoolo lahayn faqiirka u ahaa, qof faqiir ahna waa inu dawarsadaa, ama kabo qaad noqdo, illayn wuu baahanyahay eh, ama shaxaad ugu yeedh dawarsiga oo.

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com