“King Nero, the Great Emperor of Rome, was playing GUITAR when the city of Rome was burning. 70% of the city was destroyed by fire.”
Madaxtooyadda Somaliland waxa xalay ka socday casuumad iyo qoob ka ciyaar, iyadoo dad iyo duunyaba lagu hoobtay Bariga Somaliland.
Xildhibaan Ayaanle oo kasoo baxay Gobolka Awdal, ayaa xaflad lagu maamuusayay Kulmiye kusoo biiray Kulmiye si jees jees ah ugu faanay:
“Money talks –lacag ayaanu isticmaalayna.“.
Xildhibaan Nac-Nac oo kasoo baxay Maroodi-jeex, ayaa ciyaartoydii Gobolka Hawd ku casuumay hilib geel, subag iyo sixin.
Suldaan Yusuf Xiiray, Af-hayeenka Salaadiinta Galbeedka Somaliland, ayaa Marwo Sam-Sam ku miisay amaan siday ugu gurmatay Gobolka Gabilay oo roobab ka curteen.
Guddomiye Muuse Biixi, ayaan weli ka hadal abaaraha ka jira bariga Somaliland ee uu codkooda doonaayo.
Maga-fayaasha Jabuuti ee ciyaarsiiya siyaasadda Somaliland ayaan weli jawaan bariisa ugu yaboohin dadka ku tabaalaysan Bariga Somaliland.
Guud ahaan Caasimadda Hargeysa ayaa ku jirta jawi ciyaareed, casuumado isdaba-jooga ah, soo dhawayn Xildhibaano kaftan iyo Burco badisay .Wuxuu yidhi Abwaan Laab Salaax:“
Waqtiagoo mar gudhan baa,
Mar godlada barwaaqo,
Waa giraan Aduunyadu,
Hadba gelinba caynee.
Adigoo gargaar bidey,
Ruuxa gacan ku sin kara,
Abaal maanta uu gabey,
Berri yaanu kuu gelin.
Waxaan ugu baaqayaa Reer Galbeedka Somaliland, Madaxtooyadda iyo Maga-faayasha Jabuuti in ay joojiyaan durbaanka iyo damaashaadka ay ku jiraan, deg-degna ugu gurmudadaan dadka iyo duunyada ku tabaalaysan Bariga Somaliland.
Wa bilaahi Towfiiq.
Drs. Hoodo Yusuf, London, Uk.