Waxa aan ahay gabadh dhallinyaro ah, isla markaas uu qaan gaadhay, in kastoo sida aan jeclaa aanan lasoo korin Aabahay iyo Hooyaday, haddana waxa aan kusoo koray nolol aan aan dhibaato lahayn, waxaana isoo korisay Edaday macaan, madaama aniga reerkayagu uu ahaa reer miyi.
Waxbarashada waxa aan ka gaadhay heer ilaa dugsi sare ,waxa aan ka mid ahaa ardayda, rag iyo dumar kuwa ugu fahmada iyo dadaalka fiican dhinaca waxbarashada, akhlaaqdana waxa aan ahaa aniga oo aan isfaaninayn gabadha ugu horaysay ee ardaydu ay majeerato (kudayato).
Madamaa aan wali ku jiro heerkaygii waxbarasho isla markana aan jeclahay kuna haminaayo in aan ilaa heer jamacadeed ka gaadho, miyirkayga iyo maskaxdayda toona kuma jirto hami iyo hilaw guur habeena kumaan seexan.
Aroor arooryaha ka mid ah, ayaa aniga ii Iskuulkaygii kusii socda, ayaa waxa si lama filaana jug ii gaadhsiiyay gaadhi si qaldan wadada usoo galay, isla markiiba waxa aan ku dhacay dhulka hoose ee laamayda, waan naxay lakiin dhaawac badan ma qabo.
Sida u caadada ah dadka Somalida iyo sharcidarada wadankeena ka jirta,waxa si degdeg ah markiiba ii qaaday oo ila cararay ninkii gadhiga jugta i gaadhsiiyay wadaha ka ahaa, waxa kaliya oo aan ku miyir saday aniga oo aala goob caafimaad oo dhakhtar ah.
Waxa aan markiiba ku qayliyay ha la ii doono eedaday,balse laygama diidin ee Eedaday waxa loo diray talafoon,kadibna iyada oo barooranaysa ayay albaabka iiga soo gashay, waxa ay kulmeen ninkii wadaha ka ahaa gaadhiga dhibta ii gaystay.
Hadal iyo dhamaan muddo yar oo aan dhakhtarkii ku jiray ka bacdi waa aan ka baxay,Ilahay mahadii wax dhibaato ah oo wayn oo isoo gadhayna ma jiro,marka laga tago waxoogaa buusbuus ah oo suxulaydayda ka muuqda.
Ninkii gadhiga dhibta ii gaystay waday, ma uusan ahayn nin xun, sidaas waxa aan u leeyahay intii aan ku jiray dhakhtarka iyo ka gadaalba, waxa uu ahaa nin si fiican iiga warhaya inaa dhaqaleeya oo wixii aan u baahdo iyo wax anan u baahanba isiiya.
Dhibtii iyo dhaawicii yaraa ee gaadhiga si dhakhso ah ayaan uga bogsaday, waxa aan halkii kasii watay waxbarashadaydii waxooga intii aan dhawaca ahaa iga kala go’day, balse hadana ninkii dhawaca lama filaanka ah ii gaystay ma uusan noqon nin markaan bogsaday aanu kala dhamaanay ina ilaabay, balse waxa uu noqday nin xidhiidhkiisu aniga iyo Edaydayba uu nagu badan yahay.
Halkii wiigba waxa uu noo yimadaa ugu yaraan laba jeer, isla sidoo kale Telaafoonkiisu waa mid aan aniga iyo Edaydayba aan naga kala go’in, waana xasuus gaar ii ah oo waxa uu ahaa ninkii u horeeyay ee talafoonka gacanta ee Mobaylka ii iibiyay ama ii gada qofba sida uu u yaqaano.
Ma ihi hablaha yaryar ee raga lacagta ka qaata, waayo waxa aan oga ahay in ninkasta oo aad wax ka qaadataa uu doonaayo isna in uu wax kaa qaato, waxanan aaminsan ahay oo iga dhaadhacsan, ragu waxyaabaha yaryar ee ay dumarka siiyaan in aanay ahayn Illaahay dartii, balse ay tahay dabin iyo dibin daabyo qarsoon.
Nasiib darro ama nasiib wanaag midka ay doonto ku macneeyoo, waxa uu ninkii isaga ahaa uu Edayday ka codsaday in uu i guursado, maadaama aniga iyo Edaydayba uu wakhtigii yaraa ee aan dhibaatada aan ku jiray uu noola dhaqmay si sharaf iyo karaamo ay ku jirto,eedayday waxa ay noqotay mid ka ogolaata codsigaasi guurdoonka,walaw ay ku xujasay in aan anigu go’aanka leeyahay.
Sida aan horay idiinku soo sheegay, waxa aan ahaa gabadh jecel in wakhtigeeda dhallinyara nimada ay ku qadato,waxbarasho ilaa heer jamacadeed, ilaa haddana wax iska kay badalay ma jiro.
Waxaa habeen habeenada ka mid ay Edaday igula kaftan tay:
“Haddii maanta uu jiri lahaa nin kusoo dadab fadhiiska, guurna kaa doona eedoy maxaad yeeli lahayd.”
Edaday markii ay kalmadaasi kaftanka ah igu soo tuurtay, wacad Illaahay waxa markiiba maskaxdayda kusoo dhacday:
“Armaa ninkii dhaawaca xun iyo dhaymadii fiicnayd kuu gaystay halkudhigani dhinaciisa uu ka socdaa.”
Waan qoslay, sidii gabadh xishoota lagu yaqaanayna labada Indhood ayaan isdaba dhigay, dhabankana waan qabsaday sidii wax yaabay, ilayn waaban yaabee, aniga oo aan wali wax jawaaba aan celin, ayaa Edaday maadaama ay tahay qof iga wayn igana waaya aragsan, waxa ay si kaftana ii tidhi:
“Edo kac shaah-yar iisoo shub khayr ayay ku danbayne.”
Mugdi igama jiro in reerka uu wareer kusoo qaaday, ninkii dhibtii aan ogaa iyo dheeftii wada socday ay ka timi ,waan kacay waxanan Eedo u doonay shaahii, balse intii aan Koobka shaha soo karinaayay ayaa sacado noqotay,waayo waxa aan ka fikiraya ,waxa soo socda ee ka danbeeyay hadalada iyo halku dhigyadan kaftanka ah.
Isla sheekadii, aniga iyo eedaday halkii muddo ayaamo ah kamanaan qaadin, midha waxa aan is idhi eedadaa fariinta intii ay haysay amma loo soo tabiyay waa ay kuu sheegtay, ayaamo ka bacdi ayaa hadana eedaday waxa ay kaftankii iigu dartay hadalo iyo amaano ay u jeedinayso ninkii dhibta iyo dheefta wada socda noo gaystay.
Waa aan jeclaan lahaa in aan ninkaasi amaantiisa ka qayb qaato,waayo waxa aan ogahay in aduunka qaladkastaa uu dhaco,balse hadana qofka kugu qaldama waxa lagu gartaa wanagiisa sida uu marka danbe kuu wanaajiyo.
Waxaa ii diiday amaanta ninkaasi waxa a an ka shakisanay in ay eedaday ii duur xulayso in aan ninkaasi guursan lahaa iyo in kale, taas awadeed ayaa waxa aan shekadaa kaga baxay, Edo ninkaasi igadaa waa ninkii gaadhiga i jiidh’siiyee.
Maalmihii danbe eedaday waxba igamay qarin waxa ay ii sheegtay in ninkii isaga ahaa, uu damac guur iga galay,waxanay igu boorisay, in iyadu rayigeeda in ay jeclaan lahayd in aan ninkaasi guursado, walaw aan yarahay waxbarashana aan dhigto.
Arintaasi waxoogaa waa ay igu adkaatay, balse hadana aniga oo aan wax badan ka fiirsan ayaa taladii Edaday shuruud la’aan ku aqbalay in aan ninkaasi guursado,Edaydayna waxa ay ii sheegtay in ay isugu kaaya ducaynayso.
la soco qaybta labaad:-
Wabilaahi tawfiiq.
WQ: Khadar Ibraahim Aar