Abaartii Dabadheer, waxaynu haysanay Dawlad uu Madaxweyne-ku-Xigeenkeedu ahaa General Ismaaciil Cali Abokor, maantana Q1aad (Xuseen Maxamed Maxamuud “Xuseen-lucky”)

1974-kii dhulweynihii Soomaaliya waxaa ku habsatay Abaar geed-ma-reebt0 ahayd oo lagu magacaabi jiray Dabadheer, taasoo, galaafatay nolosha dad iyo duunyo tira badnayd. Gobolka Togdheer, waxa uu ka mid ahaa Dhulkii ay Abaartu sida daran u garaacday waagaas, xiligaas waxa  Badhasab ka ahaa nin lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Daahir, kaasoo si weyn u xiisayn jiray cayaarta kubbadda Kolayga ee gabdhaha, dadka reer  Burco-na ay arrintaas darteed ugu bixiyeen naanaysta ah Khadraa ku riday.

Mas’uulkaasi wuxuu ku guuldaraystay inuu ogaado wixii ay abaartu ku haysay dadkii uu badhasaabka u ahaa, isagoo, Burco iska fadhiyay, xili dad iyo Duunyaba lagu madhay dhulkii taladiisa iyo xukunkiisa hoos imanayay.   Arintan darted waxaa Muqdisho uga soo duulay wefti heer qaran ahaa, oo uu Hogaaminayay Madaxweyne Ku xigeenkii sadexaad ee jamhuuriyadii Dimoqoraadiga ahayd ee Soomaaliya Generaal Ismaaciil Cali Abokor, isagoo, Isla markiibana magaaladda Burco usii dhaafay deegaanadii miyiga ee ay abaarta ba’ani ka jirtay ee Gobolkaas Togdheer Hoos tegayay si uu xogogaal ugu noqday wixii halkaas ka jiray.  iyadoo, uu halka ku arkay sawir ka gedisan, kana halis  badnaa sida uu malaynay.

Sida ay Taariikhdu xusto, Sadex talaabo oo aad muhiim u ahaa ayaa uu markiiba qaatay oo sidan  kala ahaa:- 1. inuu bahdasaabkii Gobolkaas Togdheer haystay xilkii ka tiriyay, kuna amray in muddo 24 saacadood gudahood ah oo Xamar iskaga xaadiriyo.2.  inuu shir jar’aaid qabtay, kuna dhawaaqo Abaartii darayd ee halkaas ka jirtay, isagoo wadamadii dunida ee Soomaaliya saaxiibka la ahaa ugu baaqay inay kaalmooyin degdeg ah lasoo gaadhaan dadka ay aafaysay abaartu, kuwaasoo, iyaguna isla markiiba jawaab degdeg ah soo bixiyay,3.  iyo  isku duwida hawlgalo gudaha ahaa oo dadkaas loogu samaynayay xeryo si ku meel gaadh ah loogu daryeelo, halkasoo markii danbena laga sii qaaday, dib-u-dejina  loogu sameeyay deegaano ku yaalay dhinacii Koonfureed ee Soomaaliya oo iyagu xiligaas aan abaartu haleelin. Gobolka Sanaag iyo Qaybo ka mid ah Gobolka Saaxil ayaa iyaguna ka mid ahaa dhulkii abaartu qabsatay ee Gurmadka lagu eekeysiiyay.

Dadaalkaas uu hormuudka ka ahaa Generaal Ismaaciil Cali Abokor, oo ahaa mid ka turjumayay dareen dawladnimo, iyo garasho ku aadanayd in dadkaas Dhibaataysani  ay ahaayeen kuwii uu madaxda iyo dawladdaba ku ahaa aya sababay in ay amarka alle ku badbaadaan dad badan oo Soomaaliyeedi, kuwaasoo, maanata ay qaarkood yihiin Rukumo  muhiimo ah oo aynu umad ahaan ku dhaadano.

 

La Soco Qormada 2aad  iyo Berito.

 

Qalinkii: Xuseen Maxamed Maxamuud “Xuseen-lucky”)

Burco,

Email, husseinlucky@hotmail.com