Adduun Araga Abby Ahmed (WQ: Axamed nuur guruje)

Abby Ahmed wuxuu wataa Aduun aragiisa siyaasadeed ee uu kaga duwan yahay madaxdii isagga ka horaysay ee Ethiopia , Aduun aragaas ayaana qorqoraya hilimadda uu u marayo ajandayaashiisa hogaamineed , hassa yeeshee waxa ku xayndaaban oo uu ku dul ciyaarayaa duruufo badan oo ay ka mid tahay siyaasadda arrimaha dabadeed ee Itoobiya , oo ah mid qoran oo qeexan , isla markaana ah ta hagta tubta guud ee hogaaminta Itoobiya.

Dhinaca kale Abby Ahmed , wuxuu toshay Suudhka Odoynimo ee mandaqada geska Afrika , kasoo aan shaqaynaynin in muddo ah , isla markaana doorkiisu noqday mid aan firfircoonayn Ka dib Dhicistii Xayle Salaase , maxaa yeelay Xukunkii dhergiga ee shuucigga ahaa iyo Maamulkii Males ee ka danbeeyeyba waxa raadeeyey dagaaladii mandaqaa ka socday iyo xurgufihii ka dhex oogmay wadamadda deriska.

Hadaba mudadii koobnayd ee Abby xukunka hayay wuxuu qaaday dariiqo u muuqata in uu ku soo noolaynayo saamayntii Itoobiya ku lahaan jirtay Mandaqadan , waxaanu ku guulaystay ilaa hadda in uu dhameeyo murankii xaga dhulka ee u dhaxeeyey Ereteriya iyo Ethiopia , waxa kale oo uu ka hawl-galay xalinta khilaafaadkii u dhaxeeyey wadamada jaarka iyo wadankiisa.

Intaa ka dib , Mr Abby waxa isu salaxday fursad wayn oo ah hanashadda shahaadada Caalamigga ah ee laggu bixiyo arrimaha Nabadda loona yaqaano Nobel Peace Price , taasoo damac wayni ka hayo in uu sanadkan ku guulaysto , hasa yeeshee waxa jira sadex arrin oo isku wadistooda iyo kala ilaalintoodu shaqo badan uga baahan tahay Mr Abby , sidaa darted hanaanka uu wax u dhiraandhirinayaa waa mid qunyar socod ah oo is dhawris badani ka muuqato.

Sadexdaa qodob ee Abby isku wadaana waxay kala yihiin.

1- Feejigadda habsami u socodka hawlaha gudaha ee wadankiisa oo ku jirra waqti xaasaasi ah oo kala guura , oo maraya meel aad u xaasaasi ah , oo ah barta ay culimadda siyaasaddu ugu yeedhaan xariiqda aan khaladka ogolayn
( The point of no error ) .

2- Raacista iyo dhawrista Axdiga siyaasadda dabadeed ee Etoobiya ( Ethiopian Foreign policy ) kasoo ah , Axdiga Afrika ugu dada wayn , isla markaana aan waxba laga badalin 60 kii sanadood ee ugu danbeeyey marka lagga taggo meelo yaryar oo kooban .

3– Iyo dadaalkiisa hanashada Abaal marinta caalamiga ah ee Nabadda ( Peace Nobel Price ) taasoo uu rabo in uu ku mutaysto dadaaladiisa uu ugu jirro xalinta khilaafyada iyo soo afjarida colaadaha Geeska Afrika .

Arrimahaas oo dhamina waa kuwo is wada laanqayraynaya oo is wada jaraya , sidda uu uga gudbaana waxay ku xidhan tahay qadarka Alle ka sokow , xeeladaha iyo Tabaha uu isticmaalo wiilka yar ee Nasiibka badani iyo sidda waqtigu ula shaqeeyo dadaalkiisa .