Af-gudhiye: Shumuc ka damay Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta Q.2aad (1962 – 2018) (WQ: Cabdirisaaq Saalax)

 

Waxaan kugu idhi warmooge

Wadaad baa reerka joogga

Wadeeco ka faalinaaya

Waddaran raadkeed guraaya

Wardigu waaxyaha hilbeysan

Indhaha wuu ku weeciyaaye

Ayaan Waclalaaf ku sheegan

Wankeyga Cadoow ha naaxin! 

  • Af-Gudhiye, Wankeyga Cadoow ha Naaxin; 1988

Waxa aan ka cudur-daarayaa in aan la habsaamay qaybtii labaad ee qormadeenan xuska ah ee Abwaankeenii Ilaahay Naxariistii Janno ha ka waraabiyee Axmed Siciid Diiriye “af-Gudhiye”. Mar labaad aynu u ducayno in uu Ilaahay jannooyinkiisa tan ugu mudan ku casuumo.

Af-gudhiye awal hore dhegaha ayaan kala saaxiib ahaa oo heesihiisa caanka ah ee ay kooxda deegaan qaadaan ayaan aad u dhegeysan jiray. Nasiibse maan lahaynoo, waxa aanu is barannay goor ay xaaladdiisu iska jilicsanayd. Sannadkii 2016-kii dhexdiisii ayaan habeen habeennada ka mid ah u soo mir kacay in aan xaaladdiisa wax ka qoro. Goor dambe oo habeenimo aniga oo warka fiirsanaya, ayaa sidii aan majaraha (rimoodhka) u rogayay waxaa mid ka mid ah Telefishanada ka soo baxay Abwaanka oo uu gurigiisa ku booqday mid ka mid ah masuuliyiinta dalka u sarreeya. Sawirkaas iyo wixii dhex marayba isaga iyo masuulka, waan ka gam’i waayay. Run haddaan u hadlo, ma aqaan goorta aan qalinka haabtay ee aan dareeriyay maqaal dhan “Ku Quuso Qudhaanjo: Af-gudhiye, Abwaan Aan Abaalkii uu Lahaa La Marin”.

Maalintii dambe ayaan gurigiisa ku booqday. Isaga oo markaa iska xanuunsan, oo tabaalaysan. Waxa aan is waydiiyay waxa aan u qaban karo. Waxaa igu soo dhacday in aan suugaantiisa weeleeyo, oo inta uu nool yahay buug u iibsama qoriddiisa aan ka caawiyo. Si ay isna wax ugu tarto; magac ahaan iyo manfac ahaan, oo uu baahida yaboohda uga maarmo; suugaantiisuna u noqoto mid weelaysan oo si cilmiyaysan buug qurux badan oo la akhrisan karo dadku uga raacan karaan. Isna sharaf iyo faa’iido ayay u ahaan lahayd, dadka maanta raadinaya suugaantiisii, isaga iyo in badan oo la mid ahiba ay badideeda la hoydeenna raadcadeeda uga baaqsadaan.

Nasiib darro buuggaasi ma soo bixin, arimo farsamo iyo duruufo jiray aawadeed. Wax yar haddii aan ka qabtayba, si deg deg ah ayaan Hindiya ugu baxay. Haddii aan soo laabtayna, isagii ayaa i waydaartay oo Hindiya loo qaaday.  Hawshaasi waa mid wali joogta, cid kasta oo ururinta Abwaanka waxa aan jeclaan lahaa in aanu si uun isku haleelno.

Haddii aynu shaqsiyaddii abwaanka iyo suugaantiisaba wax kaga noqono, af-Gudhiye waxa uu ahaa nin dhaqanka Soomaaliga aad u yaqaan. Nin suugaanta u abtiriya. Afka Soomaaligana ah Diiwaan uu hadhsado. Nin yaqaan godadka suugaanta iyo sida ay u kala saamayn badan yihiin. Intii aan suugaantiisa  darsanayay, waxyaabaha aadka iiga yaabiyay ee uu abwaanku gaarka ku ahaa waxaa ka mid ahaa; in godka ugu badan ee uu maansooyinkiisa iyo heesihiisa ugu shilis uu ku abyay uu ugu wayn yahay godka “Hobeeya, Hobeeya”. Waa godka ay hooyadu ubadka ugu heesto (Hobeeya, Hobeeya, Hobeeya… Af-yare Wiilkay samoowah… )

Haddii aan waydiiyay sababta uu godkaa ku jeclaaday, waxaa iga yaabisay jawaabta uu i siiyay:

“Inta badan maansooyinkayga, [iyo heesaha qaarkood], gaar ahaan kuwa bulshada la hadlaya, waxa aan adeegsadaa godkaa. Sababtuna waxa ay tahay, wacdi iyo wax la isku sheego, waxaa ugu qiimo badan, runtana ugu dhaw ka ay hooyadu ilmeheeda siiso. Anna waxa aan jecelahay in aan halkeeda isa soo taago”

Waxa aad halkaa ka garan kartaa Af-gudhiye halka uu bulshada u taagnaa, Waxa uu bulshada u ahaa iyo sida lexo-jeclada leh ee uu waxsheeggooda ugu dirnaa. Waxa aynu odhan karnaa, Af-gudhiye – iyo in badan oo la mid ahiba – waxa ay bulshada u joogaan halka uu waalikdu ubadka u taagan yahay!

Maansooyinkiisa ugu caansan ee uu godkaa ka abyay waxaa ka mid ah maansooyinka; ‘Baruurtu Wadkaaga Weeyi (Wanka Cad)’ ‘Oday Biiqay’ (Wuxuu yidhi Inan Ragoo wah!’ iyo qaar kale oo badan.

Waxyaabaha uu xaq-u-dirirka intiisa badan kaga duwanaa waxaa ka mid ahaa; af-Gudhiye waxa uu ahaa nin ka maansooda mawaadiic bahdiisa maansooleydu inta badan aanay iskuba hawlin. Tusaale ahaan, suugaanleydu cidda ugu badan ee ay warmaha ku fiiqaan waa cidda hadba majaraha ummadda haysa – siyaasiyiinta iyo maamulka hadba jooga. Isagu waa uu ka duwanaa. Waa ninka qudha ee bulshada loo adeegayo iyagana koobka dhaliisha markooda dhansiiyay.

Gabay aad u layaab badan oo uu u bixiyay ‘Xog-warran’ ayuu ku darsay dabeecadaha iska hor imanaya ee ay bulshadu markooda ku siyaasadayso siyaasiyiinta. Waa cilmi dhan “school of thought” oo la yidhaa ‘Cilmiga Siyaasaddaynta Siyaasiyiinta. Waxa uu leeyahay, ‘Bulshadu markii ay siyaasiyiinta la joogaanna indho ayay ku eegaan; markii ay ka maqan yihiinna indho kale oo aan kuwii ahayn ayay mar kale ku daawadaan’. Wuxuu yidhi isaga oo u waramaya siyaasigii;

Nin xil qaaday eed qaadye, Kaan aayaha u xulanayoow,

een Xamilkay saarnoow, dadkii xadhiga kuu dhiibtay

 

waxay kugu xantaan xigtiyo inaad, xayn yar korisaaye

inaanad gaar cidna u xaninin, bay kugu xariiraane

 

Xun-xun iyo waxay ku xantaan, gaalo daba xiine

Xaafidul qur’aan diiniyay, kugu xariiraane

 

Ma xisaabtamay ku xantaan, xaalka jira mooge

Xeegada nin aad ula socday, kugu xariiraane

 

Bilaash xayte waxay kugu, xaalka jira mooge

Xawaaraha nin dheeraynayay, kugu xariiraane

 

Kursi xoog waxay kugu xantaan, sheegtay xubin wayne

Nin dadkiisu taashka u xidhay, kugu xariiraane

 

Xabaan nololiyay kugu xantaan, xaaqay aadmiga’eh

Xabad nugule xamasta u tudhay kugu xariiraane

 

Xulad ololiyay kugu xantaan, xaabo baas shidaye

Nabad ku xamdi xooraan nacay, kugu xariiraane

 

Xagliye iyo waxa ay kugu xantaa dhan u janjeedhaaye

In aad eexa xaashaa ka tahay kugu xariiraane

 

Xintame iyo waxay kugu xantaan reer u gogol xaadhe

Nin xiskii qabiil laga xalay kugu xariiraane

 

Xod-xodtiyo waxay kugu xantaan, xamar u sii jeede

Nin xaggaaba daymoonin bay kugu xariiraane

 

Kacaankii waxay kugu xantaan xididadiisiiye

Xisbigaa ninkii dumiyay bay kugu xariiraane

 

Nin xanaaq dhaw bay kugu xantaan oon xamilin deeqe

Nin xoriyatal qawlka ogol bay kugu xariiraane

 

Waxba yaan xujiyo yaab warramin boogo xadantayne

xaqiiqadana ka sheekayn haddey niman xali hakayne

xog ogaalna waayaha u noqon eedda xaabsadaye

xumaan iyo samaan tii u rabo labada xaaloodba

xag kastaba masuulka u xorow xiisad baa shidane

maxaa xala xarraantoo bulshadu waa xakama goyse…

Imisa goor baad is leedahay abwaanku adiga ayuu kaa dhex sanqadhay. Imisa sifo oo aad ku dhaqantay buu sheegay? Waan hubaa haddii aad xayndaabkaa uu ka hadlayo mar uun cagaha galisay, in uu si uun sawirkaasi uu meel kaaga eekaanayo.

Markale ayuu heesay. Waxa uu hal hees ku soo gudbiyay adduunyada khayrkii oo dhan laga guuray ee sharkii loo biyayaystay. Isaga oo naftiisa la hadlaya, ayuu haddana nafeheena oo dhan sifeeyey. Wuxuu yidhi.

Adduunyadan rubucu hadhay

Inteedii badnayd la rogay

Run iyo rays iyo deegaan

Danteeda ka reebanee

Ratiga loo qalay runta ah

Markaan raadcee is idhi

Talaa tidhi ha i rogrogin

Run baa car i sheeg i tidhi

Samaa yidhi ha i rajayn

Xaq baa ha i raadin yidhi

Balaa tidhi ii riyaaq

Been baa tidhi ani i raac

Tuug baa yidhi ila rafiiq

Xalaal baa tidhi i riiq

Xaraan baa tidhi i ruug

Rishwaa tidhi ha iga tagin!

Beydkani waxa uu ka mid yahay heestii ‘Aduunyadan Rubucu Hadhay’ Heestani waa mid ka mid ah heesaha calculus ee ay qaaddo fanaanadda waynn ee Nimco Jaamac Migil, codka la yaabka lehna waxaa u sameeyey, sida lagu doodo, ninka ugu cod-samaynta badan Mullaxaniinta Soomaalida Cabdiraxmaan Cali Xirsi.

Abwaanka mawduucyada adag, sida; Siyaasadda, Nolosha, Dhaqanka, Waxsheegga, iwm oo qudh ahi ma ahayn ardaa dhigiisa. Waxa uu ahaa, sidoo kale, xiddigiye galay hawada mucaashaqiinta oo baalasha ku kala fidsaday. Waxa uu abyay tulud heeso ah oo caan baxay oo caashaq gaamuray ku xaradhaaminaya, qaarkoodna aanay isaga laf ahaantiisa dhanna u dhaafsanayn.

Waa inoo toddobaadka dambe iyo qaybo ka mid ah suugaantiisa kalgacalka iyo dhaqanka.

La Soco…

Halkan hoose ka akhriso qormadii koowaad: 

Af-gudhiye: Shumuc ka damay Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta (1962 – 2018)

Abdirasak Salah

Abdirasaksalah@gmail.com

+252634466677

Mogadishu, Somalia