AHAANSHAHA SOOMAALIDDU   CALAN  MA  LEEYAHAY ?

                           

Ka sokow in la wadda yahay banii’aadam , bulsho walbaa waxay leedahay ahaanshiyo “ identity “ u gaar ah, lagu qeexo, kuna tilmaamantahay, kagana duwantahay bulshooyinka kale.

Bulshooyinka inta badan waxa loo qaybiyaa laba qaybood.

1: Bulsho is-leh: “ homogeneous society dhaqan ahaan, diin ahaan iyo af-ahaanba, taas oo inta badan meesha ka saarta suurta galnimadda ah in uu yimaado kala duwanaansho dhinaca ahaanshaha ah, isla markaana noqon karra dad dal iyo dawlad wadaagba ah.

2: Bulsho aan is-lahayn “ heterogeneous society bulshooyinka nuucan ahi waxay inta badan ku kala duwanaadaan dhaqan ahaan, diin ahaan, amaba af-ahaan midkood. Waxaase kulmin karra  dal iyo dawlad wadaag inay noqdaan ay xukumaan heshiis bulsho “ constitution “ ay heshiis ku yihiin.

Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka is-leh isla markaana aynan jiriin wax ay ku kala duwanyihiin, sidaas ay tahay hadana dadka sooomaalidu marka ay timaado dawladnimadda waxay u kala qaybsamaan shan qaybood, sadex xornimo buuxda haysta iyo labadii kale oo wali ka mid ah Ethiopia iyo Kenya.

Arrintani maaha mid u gaara dadka soomaalida, balse waa mid ay kala sinayd wadamadii dunida sadexaad ee gumaystuhu kala qoqobay. Dhibaatooyinkii ka dhashayna ay wali taaganyihiin.

Bixitaankii gumaystuhu waxay sobobtay in ay aad u xoogaystaan fikradihii qawmiga ahaa ee ay gadh-wadeenka ka ahaayeen dhaq-dhaqaayadii gobonimo doonka u dagaalamaayay, ujeedooyinkii fikradahan ka dambeeyay waxaa ugu waawaynaa sidii loo tir-tiri lahaa raadadkii uu gumaystuhu ka tagay, taas ooy ka mid ahayd sidii dib loogu midayn lahaa bulshooyinkii kolka hore is-lahaa sida soomaalida iyo carabta, hal dawladna ay u wada noqon lahaayeen, iyagoo qaarkood garabsanaaya midawgii soofiyeedka duruufihii siyaasadeed ee jirray xiligaas awgeed.

 

 

Waa fikrad ee maaha sharciyad.

Gobonimadii iyo isku biirkii labada gobol ee waqooyiga iyo koonfurta eey ka dhalatay jamhuuriyadii soomaalidu “ Somali republic”,  waxay isku dayday in la baadi goobo soomaalidii kale si shantii soomaaliyeed ay ugu midoobi lahaayeen hal dawlad. Laakiin arrintaasi waa lagu hungoobay sobobo jirray awgeed. Soomaalidu ma ahayn qowmiyaddii kaliya ee arrntani ku hungoowday waxay sidoo kale ku dhacday wadddamada carabta oo uu hor kacaayay Jamaal cabdi naasir.

Saldhiga ugu wayn ee ay ka duulaysay fikradda qawmiga ahi waxay ahayd in la helo dawlad ay ku midaysanyihiin dadka soomaalida ah oo kaliya, sharciyadda ay ku salaysnayd fikradda nuucan ahi ma ahayn mid ku qotontay sharci heer caalami ah oo soomaaliddu qayb ka mid ah ay ahayd, balse waxay ahayd mid ku salaysan rabitaankii soomaalidda oo kaliya.

Guul daraddi dagaalkii 1977 kii ka dib, iska daa in ay sii socoto fikraddi qawmiga ahayde, waxa dhimatay sharciyaddii ay ku lahayd bulshada soomaalida dhaxdeeda, taana  badalkeedii waxaa meesha galay sharciyaddii qabiilka.

Ku dhawaad 30 sanno oo ay Somaliland jirto hadda waxa abuurmay jiil cusub oo aan waligood arag dawlad somaali wadda leedahay, sidoo kale waxaa la mid ah jiilkii ku dhashay koonfurta soomaaliya mudadaas. Saamaynta arrintani ay leedahay ma ah oo kaliya in jiilka nuucan ahi aysan la wadaagin aragtiyaha qaar ay  aabayaashood qabeen, balse waxay tahay in kala tagga siyaasadeed ee soomaalidii ku noolayd soomaaliya ay noqotay xaqiiq ma guuraan ah “ biological fact “.

Soomaalinimadda iyo dawladda soomaaliya waa laba arrimood oo aad u kala fog isku midna ahayn, aanan noqon Karina, soomaalinimadu waa ahaansho bulsho, ay wadaagaan shanta soomaaliyeed, halka soomaaliya ay tahay magac wadan oo leh xuduud uunan ka gudbi karrin, kuna noolyihiin qayb ka mid ah shanta soomaaliyeed.

Ahaanshaha soomaalinimaddu malaha calan u gaar ah, mana jirro qof soomaali ah oo ka baxsan karra, sidoo kale ma jirro qof soomaali ah oo calan siyaasadeed u gaar ah wata oo ka dhigan karra dabin uu ku dabbo cidda uu la rabbo, ama xayndaab siyaasadeed uu cidduu la heshiiyo soo galin karro, cidda kalena ka saari karra.

Ahaanshaha soomaalinimaddu waa waxa kaliya ee mideeya bulshada soomaalidda oo dhan, ka sokow kala duwanaanshahooda iyo rabitaankooda siyaasadeed.

Fikraduhu way dhashaan wayna dhintaan, sida ay u dhalatay una dhimatay fikradii qawmiyadda soomaaliyeed  “ Somali nationalism “ laakiin ahaanshiyuhu ma dhinto, sida awna u dhiman una dhiman karrin ahaanshiyaha soomaalidu                “ Somali identity”.

 

Mukhtaar  Cali Maxamed – Qoraa

mukhtaarmxd@gmail.com