Akaademiyadda Daryeelka Afka Soomaaliga: Kaalintii Somaliland Meeday? (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

17kii Disember 2012ka waxa aanu Jamhuuriyadda Jabuuti kaga qayb galnay sannad-guuradii 40aad ee qoraalka farta Soomaaliga.
Waxa ka soo qayb galay
1. Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti
2. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliga
3. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland
4. Maxamed Guure Bisle Wasiirkii Warfaafinta DDSI oo wakiil ka ahaa Madaxweynihii DDS Cabdi Maxamuud Cumar

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee halkaas la iskula qaatay waxa ka mid ahaa samaynta Akaademiyadda Daryeelka Afka Soomaaliga. Taas oo xarunteeda guud laga dhigay magaalada Muqdisho, waxaana dhagax-dhigay Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Taas beddelkeeda, waxa uu dal kastaaba yeeshay Akadamiyad u gaar ah, waxaana lagu midoobayay dallad guud. Haddaba Somaliland ma ay dhisin mid u gaar ah, taa guud ee Soomaalida u dhexaysana waa ay ka gaabisay. Afku waa uu ka duwan yahay aragtida siyaasiga ah ee lagu kala tago, waxaana muhiim ah in la isku kaashado horumarkiisa, kobcintiisa, erey-bixintiisa iyo dhawriddiisa.

Dedaallo door ah oo aan u galay in Akaademiyaddan la dhiso Xilligii Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, waa ay dhicisoobeen. Markii dambena waan ka gaabsadayba oo siyaasaddaas la eryanayo ayaan dhankaygii ka koray. Maxaa afba igu xiijiyay? Saw siyaasadda kama shidnayn?

Weli, Somaliland kama dhisna Akaademiyadda Daryeelka Afka Soomaaliga oo noqon lahayd xafiis madax bannaan, haddii kalena noqon lahayd waax ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada ama Wasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanka.

Wefdiga Somaliland ka joogay shirkaasi waxa uu ahaa kii ugu cuslaa ee abwaanno, qoraayo iyo indheer-garad lahaa. Xitaa xukuumaddu markii hore waxa ay u dirtay Wasiirkii Warfaafinta iyo Dhaqanka Abiib Diiriye Nuur, markii la ogaaday in uu imanayo Xasan Sheeh Maxamuud ayay madaxweyne Siilaanyo iyo koox wasiirro ahi diyaarad degdeg u soo raaceen..

Somaliland waa ay ka maqan tahay Akadamiyad-Goboleedka Afka Soomaaliga!