Akhriskaygii Buugga “The War Within” (WQ: Xamda Maxamed Xuseen)

Waxa aan akhriyay mar aan dheerayn, buug sheeko-faneed ah oo ay qortay gabadh Kanadiyaan ah oo la yidhaa Carol Matas. Waxay caan ku tahay oo abaalmarinnona ku heshay qoridda sheeko caruureedda. Waa buug mala-awaal ah, salkase ku haya taariikh iyo dhacdooyin waaqaca dalka Maraykanka ka jiray.

Buuggeedan The War Within waa sheekada dagaalkii sokeeye ee Maraykanka ka dhacay qarnigii 19aad, xilligii uu madaxweynaha ka ahaa Abraham Lincoln. Dagaalkani waxa uu ka dhashay amarkii lagu joojiyay addoonsiga dadka madaw.

Gobollada koonfurta oo ahaa beeraley, dadka u badan ee addoomaha ahna iyagu haystay si ay ugu fashaan beeraha, goโ€™aankaas madaxweynaha waxay u arkeen inuu lafjab ku yahay dhaqaalahooda, diidmo ayaanay kala hor yimaaddeen iyo iyagoo ku gooddiyay inay goosan doonaan.

Dagaal u dhexeeya waqooyiga iyo koonfurta ayaa halkaa ka bilawday, sheekadanina waxay salka ku haysaa dareenkii iyo aaminaadihii la kala qabay oo ahaa xaabada dagaalka hurinaysay.

Sheekada waxaa jilaha koowaad ka ah, gabadh Hannah Green la yidhaa oo Yuhuudiyad ah, Hannah waa reer Koonfureed aad ugu cadhaysan Waqooyiga, aaminsanna in ay faragelin ku hayaan arrimaha gudahooda. Aabbaheed iyo laba wiil oo walaaladeed ahi waxay ku maqanyihiin dagaalka lagula jiro waqooyiga, gurigana waxa ay ku haystaan Saddex addoomo madaw ah oo aabbahood usoo iibiyay!

Intii aanu dagaalku soo gaadhin magaalada ay degganaayeen ee Mississippi, waxa imanaya ciidan reer waqooyi ah, nin ka mid ah askartaas, ayay is baranayaan walaasheed oo is jeclaanayaan. Wax yar kaddibna, askarigaas oo fulinaya amarka taliyihiisa ayaa faraya in ay 24 saacadood gudahood kaga baxaan magaalada, maaddaama ay yihiin Yuhuud oo dhibka dhacayana ka yihiin masuul. Hannah iyo qoyskeedu, iyaga oo dareemaya in la yasay ayay ka baxayaan magaalada, gurigoodii ay ku waayayaan dagaalka, ganacsigoodii ay la wareegayaan ciidanku, Ugu danbaynna markii ay magaalada ka baxeen, gaadhigoodii lagala wareegayaa oo la amrayaa inay lugeeyaan.

Hannah waxay dareemaysaa in la quudhsaday ahaanshiyaheedii, waxa ay is weydiinaysaa oo maskaxdeeda ka dhex guuxaya sababta keentay nacaybka loo qabo, iyada oo aan garanayn wax ay kaga duwantahay saaxiibadaheed iyo deriskeeda. Waxa ay nacayb kii hore ka badan u qaadaysaa reer waqooyiga sida uu u dhanyahay, walaasheedna waxaa ka dhex bilaabmaya is collaysi.

Saddexdii addoon ee ay lahaayeen safarka ay ku hijroonayaan ee magaaladoodii lagaga saaray way ku weheliyaan, iyaga oo haysta fursad ay xor ku noqon karaan oo meesha ay rabaan ku tegi karaan, muddo iyaga oo safarkii kusii wada jira ayaa askari reer waqooyi ahi u sheegayaa, in markasta oo ay goโ€™aansadaan inay tagaan addoomuhu ay tegi karaan. Saddexdii addoomo laba ka mid ah ayaa mar danbe goosanaya inay ka hadhaan oo dagaalka ku biiraan, waxa xiisaha lehi waa sheekada dhex maraysa Mosses (Addoomada mid ka mid ah) iyo Hannah marka uu u sheego inuu tegayo. Hannah waxay rabtaa inay xasuusiso inaanay weligeed xumayn, aabbaheedii soo iibsadayna uu maqanyahay, sidoo kale ay ku jirto xaalad adag oo lagu nacay isirkeeda iyo diinteeda, markii u horraysay noloshiisa ayuu dood kala hortagayaa oo u sheegayaa, bal inay sawirato qofka noloshiisa oo dhan sidaa ku jiray, weliba aan la nicin uune la lahaa sida agabka guriga! Iyada oo is moog ayay u sheegaysaa inaanay abidkood nacayb u muujinin ee ay jeclaayeen, intuu dhaqaaqo ayuu ugu jawaabayaa, waxaad ii jeclaydeen sida faraska ama dameerka ma aha sida aadamaha! Waxay kala hor tegaysaa dood ah; in aanay dhibkoodu isku mid ahayn, waayo isagu waa nin madaw iyaduna waa gabadh cad, sida caadiga ahna labadaa midab ma sinnaan karaan marnaba.

Dooddaasi Hannah waxa ay ku furaysaa weydiimo aan tiro lahayn, oo ay jeclaan lahayd inay ka baxsato iyo in ay aamusiin karto codka gudeed ee mararka qaar damiirkeeda jeedalka la dhacaya, markii ay aragto sababo badan oo ay garawshiiyo ku bixin karto, waxaa isla judhiiba kusoo maaxaya xogta ay ka haysato dagaalka iyo jiritaankoodaba. Wacyigeeda ay sameeyeen sheekooyin badan oo waalidkeed uga sheegi jireen isirkooda iyo dhibka ay soo mareen iyo nacaybka ay lasoo kulmeen. Marar door ah oo ay xubnaha qoyskooda weydiimo ku bilawdo, waxaa loo sheegaa in ay diintoodu oggoshahay, ma aha uun diintooda, diimaha oo dhami oggolyihiin.

Dhacdooyinka kale ee saamaynta weyn ku yeeshay waa sidii seeeddigeed iyo askarta kale ee reer waqooyiga ahi ula dhaqmayaan; waxay ahayd wax malaheedii burinaya marwalba. Waxase la yaab ah in aanay malaha qof walba waaquhu burinin, waayo hooyadeed iyo wiilasha ay walaalaha yihiin weli way necebyihiin reer waqooyiga, addoomo in la haystana waxay u arkaan wax caadi ah- maya baahi aasaasi ahba uga dhigan, intaasna waxa ay ka cadhaysanyihiin sida hoosaysa ee aan dadnimadu ku jirin ee loola dhaqmo.

Sheekadan dhawr wax oo xiiso leh ayaa ku jira; In aad dhib ama xaalad adag oo aad ku jirto diiddo ama ay kula foolxumaataa waxay u baahantahay ogaal, in aad ku dhiirrato inaad ka baxdaana waaba awood kale iyadu. Qofku nolosha uu qabatimaa waxay noqotaa midda keli ah ee uu hubo, mararka qaarna waaba la arkaa isaga oo dhibta uu ku jiro ee uu yaqaan ka doorbidaya, badhaadhaha aanu aqoonnin, waana mid ka mid ah xanuunada nafsiga ah ee lagu arko dadka ku jira duruuftaas (Stockholm Syndrome ayaa la yidhaa).

Waxa kale oo aad is weydiinaysaa intaad sheekadan akhriyayso, maxay dhacdooyinka noloshu dadka qaar ugu kellifaan inay waxa hortooda ka dhacaya wax iska weydiiyaan, kuwana malaha ay ka qabeen dhacdada intii aanay la kulmin, ay weligoodba ugu dhegganaadaan.

 

Xamda Cigaal

hamdaigal@gmail.com