Amb. Baashe Cawil hindisaha hooddadu kaga daray (Abdirahmaan Rooble Abdilaahi”Tiriike”)

Safiir Somaliland u fadhiyas imaaradka carabta wuxuu gadhwadeen ka noqday aqoonsi raadiska ay gucle orodka ugu jirta somaliland,wuxuu furay albaabo tiro badan oo ka awdna qaranka somaliland wuxuu ibo furay saaxiibo somaliland la yeelanayso wadamada carbeed,kuwaas oo somaliland kusoo jeediyey indhah beesha caalamka,halkay saaxiibtinimada somaliland ku koobnayd ku hudhsiiya la hudhsiiya waa itoobiya oo danayste ah,go,aamo adag oo geesi qaadan karo wuxuu ku hantay inay berberi qarniyada soo socda hogaamiso ganacsiga geeska africa.

Wuxuu baqdin geliyey cadwga somaliland oo ahaa abeeso dhulka jiifta kuwaas oo talaabadu hore u qaadaba ay baqdin gelisay ,wadamo ku wiirsan jiray waxa inaga qaloocda,waa jabouti iyo somaliya.

Wuxuu laf dhuun gashay ku noqday madaxda sare ee somaliya oo dagaal kula galay heshiiska dp-world,kuwaas oo carab iyo cajaba cabaadkooda cidi wax ka qaban weyday,waxaa tababaray siyaasi 60 sanadood budh-tuur u ahaa siyaasiyiinta somaaliyeed maanta inuu laanta xumeeyo xaasha.

Aan sifeeyo Amb Baashe Cawil.

Alle dadku abuuray , isku caqli kama dhigin ,qof kastaana meel ayuu ku haboon yahay oo alle hibo u siiyay ,hadii aan in yar idiinka ifiyo ninka dhaqaale abuurka badan ama lexe-jeclada badan waxaa lagu yaqaanaa inuu siduu u lexe-jeclo badan yahay u dhaqaale abuuri badan yahay ,laakiin ninka aan waxba dhaqaalaysan kulama tartami karo ninkaas hibadiisa dhaqaalaynta ,ninka hal abuurka badan ee somalidu abwaanka u taqaano,nin aan hal abuure ahayn kulama tartami karo hibadiisa abwaanimo ama mu,alifnimo.sidoo kale geesiga boqolka aan ka libiqsani lama tartami karo nin aan geesi ahayn hibadiisa geesinimo,sidaa darteed amp baashe cawil waa geesi hibadiisu hogaamiye tahay.

Waxaan aaminsahay saasay tahay inaanu masuulkani joogin boosku ku haboona oo ah wasaarada halawday ee arimaha debeda waxa hanan kara oo xilkeeda kasoo bixi kara,siyaasi hindise iyo hal abuur cusuble,sida dp world maal gelinteeda laysugu qabsaday,ayaa aqoonsigeenana layskugu qabsan laha waayo xilka wasaarada arimaha debeda waxaa haya mudane ku haboon,amp hoodaale lagama faa,iidaysan.

Gebo gebo,

Gabadh dhalinyaro ah ayaa kasoo ciyaar guday gurigooda,waa baadiye,maadama oo duleedka gurigooda ciyaal laga tumay,haf iyo balaw ayey soo tidhi,waxayna gundhada u gashay ciyaarti iyada oo xoojisay jiibta iyo jaanta,deedna waxa u yeedhay labadeedi waalid,dhawaaqi goluhu maqal lkn waxay ku jawaabtay heestan.

Habarba iska haw-halo

Odayba hadaaqaye

Heelada inoo tuma.

Sidaa darteed ninka hadlayaaba ha iska hadle waa masuul magac iyo maamuus sare leh.

WQ/Abdirahmaan Rooble Abdilaahi(Tiriike)

Burco, Somaliland

wariyetiriike@gmail.com

252,0634300826/65 252 9324073

http://bandhige.com/dhiganaha-dhaxalkii-madaxweyne-siilaanyo-q-2aad-abdirahmaan-rooble-abdilaahitiriike/

http://bandhige.com/dhiganaha-dhaxalkii-madaxweyne-siilaanyo-abdirahmaan-rooble-abdilaahitiriike/