Saxaafaddu maaha inay waxay doonto sheegto, wixii la soo bandhigayo waa in loo eego, ma habboon tahay in anshax ahaan la sheego mise maya. Bulsho kastaa waxa ay leedahay dhaqan iyo diin lama taabtaan ah, sharciyada saxaafaduna kuwaasi ayuu ahmiyada koowaad siinayaa. Suxufiyiintu waxay jecel yihiin in aan lagu soo farogelin hawshooda, oo dawladuhu ay ka daayaan farogelin ay had iyo jeer ku hayaan. Saxaafadda oo laga cawdaa waxay ka imin kartaa qof kasta oo ay ka mid yihiin dadweynuhu. Xeerarka loo dejiyey saxaafadda waa qaar loogu talogalay inuu qabto, suxufigii ama hayโadii meel kaga dhacda, qof, koox ama bulshada. Haddii la waayo wax qabta, waxa meesha ka dhacaya fowdo iyo jahawareer sababi kara khasaare aan la soo koobi karayn.
Ururada suxufiyiintu waa inay samaystaan xeer-anshax ah, oo qabta ciddii ku kacda asluub-xumo (unethical issues), waxaana xeerarkaasi maamuli kara guddi loo sameeyo.Guddigaasi waxay qaabilayaan dacwadaha lagaga soo horjeedo saxaafadda. Laakiin guddigaasi hawshoodu waa mid xaddidin waayo maaha maxkamad.
Suxufigii ama hayโada ku kacda fal anshax-xumo ah, guddigaasi ayaa marinaysa ciqaabta ay u qalmaan, iyadoo dadweynaha lala socdsiinayo, si loo arko in ciddii khalad samaysa lala xisaabtami doono. (Accountable and punishment).Saxaafaddu ma doonayso in loo arko dad ku shaqeeya wax aan xeer iyo ciqaab lahayn. Balse waxay doonaysaa in loo arko dad masuul ah oo ka fikira wixii dhib keenaya inta aanay baahin.
Magac-dilka iyo laybalka (Defamation and libel)ย
Waa maxay magac-dilku (Defamation)?
Waa erayo eedaymo ah oo sumcad dil wata, oo laga faafiyey afka, oo wata waxyeello culus, balse aan la qorin.
Waa maxay laybalku (libel)?
Waa hadal sumcad dil ah ama sharaf dil ah oo lagu qoray ama lagu baahiyey, wargeys, idaacad, T.V, filim iyo shabakadaha internet-ka. Saxaafaddu waxay u aragtaa inay sax tahay inay bannaanka soo dhigaan khaldaadka ka dhacay bulshada dhexdeeda. Tusaale ahaan arrimaha la xidhiidha laaluushka, musuqmaasuqa, tuugada, dilka iyo gefefka loo geysto xuquuqda binu aadamka iwm.
Tallaabooyinka la raacayo
Haddii arrimahaasi aan loo hayn cadaymo iyo markhaati xoog leh oo loo cuskado lama soo bandhigi karo. (Strong evidence). Haddii kale waxa lagagu heli dembi culus oo maxkamada lagula tiigsado.
waxa inta badan dhacda in dad aan waxba galabsan oo aan dembi lahayn, saxaafadda lagu weeraro ka dibna sharaf-dhac iyo gef loo geysto. Dadkaasi waxay xaq u leeyihiin inay maxkamad taagaan oo ay dacweeyeen ciddii sharaftooda ku geftay.
Sharciyada laybalka (libel) ama magac-dilka (defamation) meel kasta ha ka jiree waa sharci madani ah, kamana mid ah sharci u gaar ah saxaafadda oo qudha, balse waxa lagu qaadi karaa qof kasta oo madani ah.
Calaamadaha gefka iyo magac-dilka
Adduunku wuu ku kala dawan yahay dhinaca astaamaha, balse waxa jira arrimo laga siman yahay oo kala ah:
a) Ma yahay mid abuuraya cadaawad iyo quudhsi.
b) Ma yahay mid abuuraya takoor bulshada dhexdeeda. (Discrimination).
c)ย Ma yahay mid abuuraya in shaqada laga eryo qofka.
d) Ma yahay mid abuuraya in hoos u dhac dhaqaale dhaco
Waxa in badan dhacda in suxufiyiinta ama hayโad wareed ay soo xigato qoraallo ay ku jiraan hadallo gef iyo magac-dil ah oo loo geystay shakhsiyaad la magacaabay. Arrintani markay dhacdo ee maxkamad la geeyo waxa keliya ee aad ku dacwootaa waa adigoo yidhaa waan soo xigtay. Balse tani sabab ma noqon karto, waxa keliya ee kugu caddaadaa waa dembi culus iyo ganaax adag oo lagugu qaado.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@gmail.com