Arrinka Maxamed Baashe Xaaji Xasan midhna waan ku diidanahay midhna waa lagaga gardaran yahay (Barkhad Jaamac Batuun)

Maxamed Baashe Xaaji Xasan Somaliland lagama sheegan karo ee waa in dood iyo difaac cilmi iyo caqli ku dhisan lagu wajaha Aragtidiisa.

beryahanba waxa baraha bulshada haysatay dood uu walaalkeen Maxamed Baashe soo dhigay oo uu u bixiyay Mar kale midnimo, aniguna maadaama aan safarro iyo hawlo adduun ku maqnaa hore ugama aan falcelin, waxana aan jecelahay in aan qoraalkan kooban idinla wadaago.

Arrinka Maxamed Baashe Xaaji Xasan Anigu midhna waan ku diidanahay midhna waa lagaga gardaran yahay.

Saluugga Maxamed Baashe ee Somalilandnimadu waa mid salka ku haysa in cid gaar ahi qarribeyso qaranimadeenna, dabcan aniga oo Barkhad Jamac Batun ahiba waan qirayaa in qofaf ay u gacan gashay wixi qarankeenna oo dhan ka dhaxeeyey taas micnaheeduna maaha in iyaga loo naco oo looga cararo dalka iyo dadka, balse waxaa waajib ah in iyaga laga qabto sida looga qabanayaana ay tahay iyadoo la leeyahay: wallaalayaal ka daaya” sidani imama anfacayso danna inooma ah. hadalkaas qabow waxa laga yaaba inu qalbigooda galo haddii ay dhag jalaq inoo siin waayanna waa i runta lagu addimo xaqana aan laga baydhin xadhig iyo xabadna loo muto.

Midna waa lagaga khaldan yahay oo waa in cay iyo ceebayn lala daba socdo, balse waxa mudnayd in dood iyo difaac lagaga hor tago waayo? Wis-wis wada lahaanshiyihii daleed ah ayaa jira taasna waxaa kuba filneyd in aan laga baqan doodihiisa difaac cilmi iyo caqli aqbal ah loola fadhiisto TVyada, hadda waxa cad in aynu nahay fulay aan runta wajihi karin cadho iyo caadifadna la nool gaar ahaan kuwa kuraasta dawladnimo ku fadhiya ee dalkan Masuuliyadiisa haya. Kaliya waxay ku eekayd walaal Maxamedow’ soo fadhiiso aynu is qancino wixi khaldanna aynu saxno, aragtidana maaha mid Maxamed oo kaliya ku kooban ee waa mid saameynaysa qof wal oo qiimo inagu leh oo loo dhagooleeyo talladiisa iyo toosintiisana la diido. Maxamed waxan ogahay inu yahay halyey dalkan halgan dheer u soo galay, in uu yahay aqoonti umaddan keydkeedi taariikheed tiirka u ahaa, in uu yahay qof tacab hadda galiyey dhallinyaradda inti u hargeysa joogay midhihiisina muuqdaan oo

Mohamed Haldoor kamid yahay Oo Farax Ayaanle Dayaxweerar kamid tahay iyo boqolaal kale oo aanan halkan ku wada xussi karin.

Arrinkani kuma eka Maxamed oo keli ah ee waa dareen xoogeysanaya muddooyinkii dambeba, 30 Sanno kadib sideen ku wajihi karnaa mawjahada mandaqada iyo miinooyinka faraha badan ee lagu dulsocdo? wali la isma waydiin waxa soo salag salag leh, waxays’e wali taagan tahay qofka yidhaahda waar ka daaya waa qaran dumis!

Fiiro gaar ah: Sawirkan aanu kuwada jirno Maxamed xaggiisa sarre eeg oo waxa ku qoran iyo madaxiisa sidu Alle isugu beegay eeg! cidna kama sheegan karto Somaliland isaagana leh laakin waa la qancin kari la’ayahay waaba intaas. Maxamed maaha kii dooddisa lagu soo afmeeri laha hora loo soconaya oo cidna looma baahna, dadkeena qiimaha leh aynu mudnaan gaar ah siinno oo cid walba yaynaan u dhagooleyn dad wada dhashay oo danguud ka dhaxeyso oo ay mihiim tahay wada jirkooda iyo wallaalnimadooda iney ilaashadaan baynu dhammaanteen wada nahay.