Sanadkii 1983 Wadankii la odhan jirey Midowga Soofiyeeti wuxuu soo riday diyaarad ay leedahay Kooriyadda koonfureed oo ka timi wadanka Maraykanka , waxaana shilkaa ku geeriyooday 269 , sababta diyaaradaas loo soo ridayna waxay ahayd basaas maraykana oo soofiyeetigu raadinayay oo diyaaradaas la socday.
Arrintaasi markay dhacday , Qaaradda Yurub waxaa ka bilowday dhaq-dhaqaaq milateri , Maraykanka iyo xulifadooda Naatana waxay bilaabeen dhoolutus iyo is diyaarin balaadhan.
Iyaddooo xaaladdu halkaaas marayso , aduunyadana dhegtu taagan tahay , ayaa habeenkii 26-Septambar 1983 , nin dadiisu ahayd 44 jir , magaciisana la odhan jirey Stanislav Petrov , oo ahaa labba xidigle ka tirsanaa ciidanka difaaca gantaalaha ee wadanka midowga soofiyeeti , habeenkaana fadhiyay xarunta raadaalka digniinta ee Mosko , waxaa soo gaadhay dignin odhanaysa , weerar labba gantaal oo Nucliyear ah oo maraykan soo ridey ayaa Rusia kusoo socota.
Daqiiqado ka dib , digniinahana oo ka imanayay raadaalku hadana waxay sheegeen in 5 gantaal soo beegan yihiin , arrintaas oo keentay cabsi wayn.
Stanislav Petrov oo arrintan ka hadlayay wuxuu yidhi ” waxay ahaayeen daqiiqaddo naxdin badan , qiyaastu waxay ahayd 50/50 , Systamkii aan ku hubib lahaana wuu dansanaa , haddii warkaa aan gudbiyo oo aan u gudbiyo , Aqalka Krimilinka , ma haystaan waqti dheeraada oo ay kagga baaraan dagaan , keli waxaa la gudboon in ay bixiyaan amar ridis Nukliyeer , lagaga hortagayo Nukliyeerk a soo beegan ”..
Sidaa markay tahay Stanislav Petrov , wuxuu qaatay in aanu warkaa gudbinin , daqaaqadana u kaadiyo si uu u hibiyo waxa run ahaan digniintani tahay ,arrintaas oo ahayd go’aan qaadasho adag . nasiib wanaag digniintii waxay noqotay daruuro badan oo hawada marayay , kuwaasoo raadaalku si qaldan u turjumay.
Ugu dambayn , Stanislav Petrov wuxuu heley abaal marino caalami ah , waxaana sheekadiisa lagga sameeyey filimo badan , waxaana loo aqoonsaday magaca uu caanka ku noqday ee ah Ninkii Aduunka babbaadiyey ( The Russian man saved the world).
Si kastaba ha ahaatee , Madaxwayne Muuse oo sidda Sarkaalkan Stanislav Petrov wax kusoo bartay Wadankii Midowga soofiyeeti , waxa la gudboon in uu qaato go’aan adag oo nabadeed.