Astaamaha Jidhka Aadamaha: 30 Tilmaamood Oo Saynisku Sheegay Q.2aad (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

1. Ilkuhu waa qaybta keliya ee aan dawaynnin nabarradooda

2. Aadamuhu waxa uu liqaa illaa siddeed baallay ah oo yaryar isaga oo aan is ogayn inta uu nool yahay

3. Culayska bakteeriyada ku nool jidhka aadamuhu waa 2kg

4. 99% kaalshiyamta laga helo jidhku waxa ay ku jirtaa lafaha

5. Dibnaha dadku waxa ay boqol jeer ka dareen badan yihiin faraha dadka

6. Dhunkashadu waxa ay garaaca wadnaha kordhisaa 100 jeer daqiiqaddiiba

7. Haddii la kala bixiyo muruqyada calaalinta ee labada daan ee qofka waxa ay gaadhayaan 195km, waa muruqyada ugu adag.

8. Qofka uu qofku dhunkado waxa uu u gudbiyaa illaa 278 nooc oo bakteeriya ah. Nasiib wanaag, waa kuwo aan dhib lahayn marka laga reebo 5%

9. Neef-qaadashada dadku waxa ay badan tahay gu’ga

10. Qof kastaba waxa si raaxo leh u deeqi kara haddii lagu rido afar-geesle 1000 mitir ah

11. Xadiidka (birta) ku jirta jidhkaagu waxa ay samayn kartaa illaa xaddi le’eg mirir-tirisada saacadda ama qayb saacadda ka mid ah.

12. Dumarku (dheddiga dadka ee qaangaadhka ahi) waa nooaha keliya dhasha joojiya marka ay gaboobaan, dheddiga nooleyaasha kale waxa ay kala fogeeyaan dhalmada

13. Dadku waxa ay leeyihiin timo ka badan kuwa noocyada daanyeerka (apes, waxa ka mid ah gorilla, chimpanzees, orangutan, and gibbons). Laakiin timaha dadka ayaa isugu jira kuwo gaaban iyo kuwo dheer. Marka laga reebo baabbacada iyo dibnaha.. Meel kasta waxa jidhka dadka ku yaalla timo.

14. Illaa 100 nooc oo fayras ah ayaa dhaliya hargabka/duriga. Waa sababta aanu dawada u lahayn.

15. Faran-gaaglayda laga helo midhicirka yar laga nuugo cuntadu waxa ay boqollaal jeer kordhisaa oogada laga nuugayo cuntada ee midhicirka yar.

16. Saacaddiiba waxa aad waayaysaa tamar u dhiganta 150 kaalari, haddii aad madaxaaga gidaarka la dhacda. Kaalari waa halbeegga tamarta cuntada

17. Dadku waa noolaha qudha ee sawiri kara xarriiqyo toosan

18. Maqaarka dadka waxa la dooriyaa/beddelaa illaa 1000 jeer inta la nool yahay

19. Qofka cabba baakidh sigaar ah maalintii waxa uu qaadanayaa in koob badhkii oo daammur ah sannadkii

20. In kasta oo aad laba kelyood leedahay, mid ayaa ku filan noloshaada

21. Wadnuhu waa xubinta ugu dambaysa ee dhimata ama shaqada joojisa ee jidhka qofka

22. Dumarku waxa ay il-jebiyaan (il-xidhaan) labanlaab inta ragga: libiqsiga indhaha.

23. Ragga hagaaska (dwarf) ahi waxa ay ka gaaban yihiin 1.3m, dumarka hagaaska ahina waxa ay ka gaaban yihiin 1.2m

24. Ciddiyaha faraha gacantu waxa ay koraan in ka badan afar jeer marka loo eego ciddiyaha faraha lugta

25. Dadka indhaha buluugga ah lihi waxa ay uga dareen iyo damqasho badan yihiin xanuunka dadka kale

26. 100,000 falgal kiimikaad ah ayaa ka dhaca maskaxda aadamaha il-bidhiqsigiiba (second)

27. Mataanaha isku-eg (identical twins) haddii mid aanu lahayn ilig cayiman, ka kalena ma yeesho

28. Baaxadda oogada ay hawada ka nuugaan sambabbada dadku waxa ay le’eg tahay garoonka kubbada laliska (tennis)

29. Muruqa ugu xoogga badan dadku waa carrabka

30. Unugyada dhiigga ee cadcadi waxa ay noolaadaan 4 cisho, kuwa cascasina waxa ay noolaadaan illaa 120 maalmood