Awood noocee ah buu hada leeyahay Madaxweyne hore ee Nayjeeriya Olusegun Obasanjo oo booqasho ku yimi Somaliland (WQ: Saleeban Sahal Xaaji)

Awood noocee ah buu hada leeyahay Madaxweyne hore ee Nayjeeriya Olusegun Obasanjo oo maanta booqasho ku yimi Somaliland.

Taariikh Kooban.

Olusegun Obasanjo oo ah Madaxweynihii hore ee Nayjeeriya Waa maalqabeen reer Nayjeeriya ah, waxaana lagu xasuustaa inuu si diqmuraadi ah ku wareejiyay xukunka kadib markii doorasho uu qabtay lagaga guulaystay.

Waxaa uu aad loogu qadarinayaa inuu ahaa Hoggaamiye diqmuraadi ah oo si weyn loogu amaano hirgalinta nidaamka Diqmuraadiya ee dalweynaha Nayjeeriya.

Sanadkii 2008 waxa uu noqday Ergeyga Qaramada midoobe u qaabilsan qaaradda Afrika, waxa uu si gaar ah ugu shaqeeyey hirgalinta nidaamka doorashooyinka ee Wadama ku midoobay Ururka ECOWAS ee qaarada afrika.

Olusegun Obasanjo waxa uu wakhtigan madax u yahay xarun ay ku midoobeen madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaaradayaal hore, Wasiiro hore , Safiiro hore iyo madax kale oo xilal kala duwan kasoo qabtay adduunka, taasi oo taageerta dhaqaalaha wadamada Afrika lana shaqeysa Hay’addaha Qaramada midoobi qaybteeda dhaqaalaha Afrika iyo Ururka Midowga Afrika.

Xaruntan waxa sidoo kale xubno xilal muhiim ah ka haya.

1. Ellen Johnson Sirleaf – Madaxweynihii hore Laybeeriya.
2. Kgalema Motlanthe- Madaxweynihii hore ee South-Afrika.
3.Hailemariam Desalegn- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya.
4.Luisa Dias Diogo- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Musambiig.
5.Donald Kaberuka– Madaxweynihii hore ee Baanka horumarinta Afrika.

Sidoo kale waxaa xaruntan oo lagu magacaabo Brenthurstfoundation xilal muhiim ah, ka haya dad badan oo ku guuleystay biladda Nabada ee Adduunka.

Olusegun Obasanjo sidoo kale waa qoraa, wax ka qora Qaarada Afrika iyo nidaamka doorashooyinka iyo diqmuraadiya iyo wakhti xaadirkan waxa loo aqoonsan yahay nin caalami ah. “an international statesman” waxaa lagu tixgaliyaa xalinta khilaafaadka iyo dhexdhexaadinta.