Berhyahan dambe waxa Kusimaha Madaxweyne Kuxigeenka DDS ka soo yeedhaya difaac uu difaacayo fakarka islaweynida Axmaarada (Amhara supermacy). Hadaba marka aynu ka hadlayno islaweynida Axmaarada waxa waa jib ah in aynu fahamno dhaqans-siyaasiga ka dambeeya islaweynida gumeysiga Axmaarada ee inagu raagay.
Islaweynida Axmarada ulama jeedno in aynu nacayb iyo colaad furan u qabno shacabka Axmaarada. Maya! Waxaan ka wadnaa in aynu diidanahay gumeysiga intuu dhulkeena inaoogi yimid cadaadis xad dhaaf ina dulsaaray mudo hada ku dhow 200 oo sano. Arintaasina waxay haysataa Soomaali, Oromo, Canfar, Welayta, iwl.
Gumeysiga Axmaaradu la mid ma aha shaqsi Jigjiga, Dhagaxbuur, ama Moyale ku nool oo shah af-Xabashi ku dalbada. Wax magaratadu ha ogaato xataa in aad af-xabashi shah ku dalbato adigoo SRS jooga waxa keenay lahaanshaha ay Axmaaro lahay ama gacanta ku haysay mudo 150 ah rugta cilmiga la gu barto (scholls and colleges), alladaha warfaafinta (media outlets), iyo rugta dhaqanka sida carwooyinka (cultural centers).
Horaantii 1990hii Ayaan hebeen meel casho lagu qabtay ku la kulmay afhayeenka Axmarada mayelka adag โ ama aabaha fakirka islaweynida Axmaarada; waa Professor Masfin Wolde Mariam. Waa ninkii qoray buugii aflagaadada ahaa ee loogu magicdaray โSoomaaliya waa kuraygii ashaxumada badnaa ee Afrika.โ
Mar sheeko yari nadhex martay ayuu Soomaalida ku tilmaamay qabaaโil rer-guuraa ah. Sax ayaan is idhii oo waxaan ku celiyey, Professor ma waxaad ka wadaa Qaranka ama Qowmiyada Soomaaliyeed (Somali nation). Iyada oo lawada maqlayo ayuu ku celceliyey, โmaya, qabaailka rer-guraaga, ee Soomaalida.โ ama zalan ya Sumale goozawooj.โ Waxa uu raaciyey in aanay qabaaโilka Soomaalidu weli gaadhin heer xadaarada biniโaadimka ee โqaranimo.โ
Dugsiyada Itoobiya waxaas iyo wax ka daran ayaa lagu dhigi jiray. Waxa uu Dr. Fiqru Tulus iyo kuwii Bahir-dar inagu qabjabiyey ay ku hadleen ayaa lagu dhigi jiray. Waxaan xasuusta ereyada sida โya boranna Kabti Arbiwooj, ama Xoola dhaqatada rer-bBoran. Wali maqlimaysi Borana Oromo. Waxa kale oon xasuustaa gabay Axmaari ah oo odhan jiray:
Minow Ba Bale Ba Harrge Gugut Baza
Ya Shiridam sumalew,
Timbako gurash,
Zzurow tokowsha Galaw..
Maxaa rabshadaha ka keenay Baale iyo Hararge
Ma Macawislihii Soomaaliga ahaa ayaa kacay
Ma Galaagi isaga oo buuri afka ku haya
Oo indhaha isku haya xabada ridi ayaa kacay.
In shaqsi Jigjiga joogaa uu af-xabashi shah ku dalbado waxay markhaati ka tahya sareynta Axmaarada iyo hoosaynta Soomaalida. Waa arin ka turjumaysa waxa looyaqaan โcritical assets,โ ama โraasamaal muxali ahโ oo cida wax guumaystaa leedahay. Waana rasamaal kuwa wax guumeystaa ay si gaar ah u ilaashadaa. Waa awood qoto dheer. Kan Soomaaliga ah ee isla wax noqona waa awood uu quudareeyo. Isaga oo isticmaalaya waxbarashadii Axmaaradu ku soo ababisay ayuu ku hamiyaa in bulshadan โraasamaalkaโ muxaliga ah iskaleh uu ku biro.
Waana takeentay in amaantooda iyo raali galintoodu badato.
Ugu dambeyn, waa sababta keenta in nin Axmaari jigjiga, Dirdhabe, ama Goday ku dhirbaaxi karo shaqsi Soomaali ah oy isqabteen. Mareykanka waxa ka jira wax layidhaa โraasamaalkaโ awooda ninka Cad (White Privilage). Sidoo kalena Konfour Afrika waa lamid. Itoobiya mudo dheer ilaa hadeer, gaar ahaan DDS, wax aka jira โraasamlakaโ awooda xabashinimadu keento (Amhara Privilage).
Wax soo socdana waan saadaalin karnaa. Hase ahaate, hawsha inoo taalaa waa in aan โraasamlkaโ awooda gacnta shisheeye ku jirta aan soo galino gacan Soomaaliyeed xuquuqdii Eebe ina siyey markii uu Ina uumayna waa in aan soo ceshanaa.