Axkaamka Ramadaanta: Q.25aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Rakuub)

Habeenka La Weyneeyey (Laylatul-Qadriga)

Alle SWT bilaha iyo maalmuhu u kala qiimaysan, maalin waxa ugu qiimo badan maalinta banka Carrafaad la taagan yahay. Waxa ay qiimahaa ku yeellatay waa waxqabadka maalintaa la samaynayo. Sida oo kale habeen Alle SWT abuuray waxa ugu weynnayn badan habeen aan si sax ah loo sheegin habeenka u dhaco oo habeen is gedgediya ah, si halxidhalaysanna loo baadho. Waa habeenka la barakeeyey ‘laylatul qadri’. Waa habeen ka fadli badan saddex iyo siddeetan sannadood iyo waliba bilo sida Alle SWT sheegay, “Habeenka la waynneeyey ‘qadrigu’ waa habeen ka khayr badan kun bilood.”

Habeenkan waynnidiisa waxa ka mid ah in uu yahay habeenkii la soo dejiyey Quraanka, “Waxa aannu soo dejinay ‘Quraanka’ habeen la wayneeyo.” Mar kale Alle SWT isaga oo si faahfaahsan uga hadlaya wuxu yidhi “Annaga ayaa soo dejinnay habeen la waynneeyey ‘Quraanka’, maxaad ka taqaan habeenka la waynneeyey? Waa habeen ka khayr badan kun bilood. Waxa soo daadaga malaa’igta iyo Malagga ruuxda ‘Jibriil’ oggolaanshaha Rabbigood. Waana habeen nabdoon illaa waagu ka baryayo.”

Rasuulku CSW wuxu doonayey habeenkanii habeenka uu yahay in uu Saxaabada u sheego, se waxa dhacday laba saxaabi oo murmay darteed Rasuulkii CSW la ilawsiiyey habeenku habeenka uu ahaa, “Waxa se laga yaaba inay sidaasi idin khayr badan tahay.”

Rasuulku CSW wuxuu hadalkaa u lahaa inaynu ka baadhbaadhno habeenada laynoo asteeyey midkood in uu yahay, “Ka daydaya habeennada kala dhiman, kow iyo labaatanka, saddex iyo labaatanka, shan iyo labaatanka, toddoba iyo labaatanka iyo sagaal iyo labaatanka.” Sidaa ajligeed habeen uun adigu astaysan maysid, se habeenku waa habeen guurguura ee habeennada kala dhiman iska xil saar in aad ka baadhbaadho.

Habeenkan waxa lagu wayneeyaa salaad badan, duco badan iyo xuska Alle SWT oo la badiyo, “Qofka kaca habeenka laylatul-qadriga, ee u kiciyo iimaan iyo Alle ka cabsi, waxa la dhaafa dambigiisii hore iyo kiisii dambe.”

Habeenka waxa lagu gartaa cirku in aannu daruur lahayn, jawiguna meel dhexaad yahay qabow iyo kulayl aan midna hayn, habeen ahaanna uu yahay mid nabdoon. Hase ahaate laguma garto ey baa ciyey, iyo dameer baa dinnaahiyey.

Caa’isha Rc ayaa Rasuulka CSW wayddiisay hadday la kulmo habeenkan waxay odhan lahayd, Rasuulku CSW wuxuu ugu jawaabay  in ay ku ducaysato, “Allow waad saamaxaad badan tahay, cidda wax samaaxdana waad jeceshahee na saamax.” Run ahaantii  waa duco wax walba koobsanaysa.

Waxa aynnu baraarujin lahayn in ay habeennadan oo kale ay dhacdo in dadku salaadaha sunnayaasha ah ku dedaalaan oogistooda halka kuwii la faray ee lagala xisaabtamayey ay dayacaan. Waxa aad arkaysaa qof Taraawiix ama Tahajud habeen walba u taagan oo haddana salaaddii subax ka hurda, taasi cibaado noqon maysee waa istusnimo. Sunnaha oogisteeda iyo oogis la’aanteeda mid qiyaamaha lagu wayddiinayo maaha, hase ahaate in aad salaadaha faralka oogtaa waa mid qiyaamaha ku dul saaran.

Ma diidayo in la tukado salaadaha sunnayaasha ah, se waxa aan leeyahay faralka aynnu ka soo dhalaalno horta, dabadeed sunnayaasha aynnu u soo tafaxaydanno, si cibaadadu inooga noqon mid wajiga laynagaga dhufto.