Axkaamta Ramadaanta: Ictikaafka Q.19aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Rakuub)

Ictikaafka

Ictikaafku shareeco ahaan, waa qofka oo ku nagaada in muddo ah masaajidka, Alle SWT dartii. Waana arrin ka sugnaatay Rasuulka CSW in uu sameeyey, Alle SWT wuxu yidhi isaga oo iftiminaya Ictikaafka, “Hala kulmina xaasaskiinna idinka oo ku ictikaafsan masaajidka.”
Ictikaafku Rasuulkeenna CSW hortii wuxu ahaa cibaado lala iman jiray, sida Alle SWT sheegay, “Waxa aannu kula ballanay Ibraahim iyo Ismaaciil in ay u nadiifiyaan gurigayga ‘Kacbada’ kuwa dawaafaya, iyo kuwa ictikaafaya.”

Axkaamta ictikaafka

 Waa sunne
 Waa sunne la adkeeyey tobanka dambe ee ramadaan
 Waajib ayuu noqonaya haddii uu qofku ku nadro
Shurudaha ictikaafka
 Niyadda in aad galiso inaad ictikaafayso. Waa laga marmaan waayo niyaddaa wax kala saarta in aad maasajidka iska fadhido iyo inaad ku ictikaafayso.
 In aanad maasajidka ka bixin cudur daar la’aan, sida in aad wax soo cunayso, soo maydhanayso, iwm.

Adaabta ictikaafka

 In aad ku mashquusho Quraan akhris, digri iyo duco badan
 In aad iska ilaaliso hadalka badan
 Xanta iyo isku dirka iyo malayacniga in aad ka fogaato
 In aanad la soo dhex gelin maasajidka wax wakhtiga ka qaada sida game, ama lapton aad internet ku soo xidhato oo aad halka dadka kala sheekaysato wakhtigii cibadadana kaa lumiya.

Waxa buriya ictikaafka

 Galmada
 Dhiigga caadada
 Qofka oo ka baxa maasajidka cudur daar la’aan
 Qofka oo diinta ka baxa