Soon aan salaad lahayn ma la aqbali karaa?
Erayga Salaad luuqaad ahaan waa duco, dhanka shareecadu adeegsatana waa cibaado khaas ah oo Alle SWT addoomihiisa amray in ay sameeyaan. Salaaddu waa tiirka labaad ee tiirarka Islaamku ku taagan yahay. Waana tiirka kali ah ee Alle SWT soo waajibiyey isaga oo ergaygiisu uu dunida sare la jooga.
Sida ka sugan ergaygii Alle, maalinka qiyaamaha waxa ugu horreeya ee la iska xisaabinayaa waa salaadda, haddii qofka salaaddiisu u hagaagto waxa u hagaagaya camalkiisii kale oo dhan, se haddii ay ka xumaato salaaddu qofkaasi khasaare ayuu ku sugan yahay. Sidaa awgeed salaaddu waa tiir ka culus soonka.
Salaaddu qofka ooga waxa ay u keenta xasiloonni iyo degenaan, taas oo haddii uu markiisii hore ahaa mid qalafsanaan u dhashay ka dhigaysa mid ka miirta dabeecaddiisii adkayd.
Salaaddu waxa ay qofka ka hurguftaa xumaha iyo joogtayna caasinnimada. Alle SWT wuxu yidhi, “Salaaddu qofka waxa ay ka reebta dambiga iyo macsida.” Qofkii intaa iska waaya waxa khaldan qaabka uu u oogo salaadda ee haysku noqdo. Muhiimku waa in qofku ogaado in salaaddu ka hor joogsanayso qofka xumaha oo dhan, taasna qofku waxa uu helayaa marka uu arkaanteedii la yimaaddo, sida oo kale Alle SWT ka cabsiga badiyo.
Kolka laga hadlayo salaadda: arrinka ugu mugga weyn ee lagu kala garto qofka iyo diintiisa, ergeygii Alle waxa uu yidhi, “Annaga iyo gaalada waxa noo dhaxaysa salaadda, qofkii ka tagaana waa gaaloobay.” Xadiiskaasi wuxuu si cad u qeexayaa dhanka lagu tirinayo qofka taariku-salaadka ah.
Saxaabadii Rasuulku CSW barbaariyey dhaqankoodii wuxuu ahaa in ay qofka ku qiimeeyaan salaadda, qofka ka tagana aanay xayn-daabka Islaamnimo ku soo dari jirin.