Axkaamta Ramadaanta Qaybtii 2aad (WQ: Sh. Cabdirisaaq Rakuub)

Qeexid

Erayga โ€˜soonโ€™ waa ka joogsi laga joogsanayo wixi Alle SWT faray in aan la samayn. Waa in qofku xilli tirsan ka af xidhnaado cuntada, cabbitaanka iyo galmada. Culimada ku horraysa luuqadda Carabigu waxa ay ka soo dheegtaan aayadda suuradda Ala-Cimraan, ee ka warramaysa Maryan Bintu Cimraan kolkii ay ka aamustay hadalka in ay wax tilmaanto mooyee, tolkeedna suโ€™aashii ku soo celceliyeen, ee sida kooban ugu tidhi, โ€œWaxa aan Ilaahay nidar kula galay soon.โ€

Culimadaasi waxa ay yidhaahdeen; waxa ay ka joogsatay hadalkii ; sidaa darteed ayey u adeegsatay odhaahda ah soon iyada oo ula jeedda aamusni. Markaa haddii ay ka joogsigii hadalka u adeegsatay erayga soon innaguna waxa aynu u qaadanaynaa in eraygaasi yahay ka joogsi laga joogsanayo wixi Alle SWT faray in laga joogsado, gaar ahaan xilliyada Ramadaanta iyo xilliyada kale ee qofku Alle SWT u sooman yahay.

Shanta tiir ee dhidibbada u haya diinta Islaamka mid ka mid ah weeye soonku, haddii meesha laga saaro tiirkaa diintu laโ€™aantii noqon mayso mid dhammaystiran, waana tiirka afaraad ee Islaamka. Sannadka Islaamka waa bisha ugu qiimaha badan ee la tirsado Ramadaantu, waana bil sidata dheeraad ay ku kaliyeysatay, sidaa awgeed ayey ku mutaysatay in ay ahaato bil ka khayr badan bilaha kale oo dhan.

Soonku waxa uu bilaha kale ku dhaafay waa gudashada af-xidhnaanta soddonka cisho ah, lagana af xidhan yahay cabbitaanka, cunitaanka iyo dhammaan wixii kale ee aan marka hore ba bannaanayn, taas oo aanay jirin bil la wadaagta. Af-xidhashadaasi waa waa tiirka ugu muhiimsan ee ay leedahay bishani, waana ta keentay in Alle SWT ku doorto in uu si gaar ah u sheegto bishan sida ku sugan xadiis-qudsiga Abu Hurayra warinayo ee Bukhaari iyo Muslin soosaareen, โ€œWaxqabad kasta oo ina Aadan la yimaaddo isagaa leh soonka mooyee, soonka anigaa leh, anigaana ka abaal celinaya.โ€

Hadalkaa Alle SWT waxa laga dheegan karaa in ay la gaar noqotay bishani sirta ah in qofka af-xidhan iyo Alle SWT uun ay is og yihiin. Waayo qofka tukanaya waa la arkaa tukashadiisa, qofka wax sadaqaysanayana waa la arkaa haba arko ka uu siinayaaye, sida oo kale ka xaj gudanaya isna maaha mid qarsoomaya, se ka af-xidhan isaga iyo Allihii uun baa is og, waana ta keentay in Alle SWT sidaa u soo dhawaysto.

Bishani maaha bil ugub ku ahayd soosaaristii ergaygii ugu dambeyey ergooyinkii Alle SWT. hase ahaate, waa bil la yaqaannay oo ergooyinkii hore ummadahooda fari jireen, Sida Alle SWT ย yidhi, โ€œKuwa iimaanka laga helayoow waxa korkiina lagu waajibiyey soon, sidii kuwii idinka horreeyey loogu waajibiyey, si aad u baqataan.โ€ Halkaa waxa aad ka arkaysaa in arrinta ugu weyn ee loo amray samaynteedu tahay in Alle SWT laga baqo. Haddaba bishani waxa ay leedahay tiirar ka kooban waajibaadyo iyo sunnayaal guntin u ah gudashada cibaadadaa Alle SWT.