Axkaamta Soonka: Casharka Labaad (WQ: Dr-Abdulqani Beder)

Inta aynaan ka hadal waxyaalaha u banneeya qofka mukallafka ahi inuu maalinta Ramadaan afuro, waxaynu ka horreysiinaynaa waxyaalaha soonka buriya, oo aynnu soo koobnay.

* Maxaa buriya soonka?
Soonku waa cibaado ku taagan laba tiir sideynu hore u xusnay, labadaas tiir haddii dhaawac gaadho soonkuna sidoo kale wuu dhaawacmayaa, waana kuwan waxyaalaha jebiya soonka:

1. Wax cunid ama cabbid amaba isticmaalid wax u dhigma cuntada iyo cabbidda, sida inuu sayloon isku xidho, amaba isku mudo irbad awood cunto ama cabbid siinaysa, arimahan waxa shardi ah inuu qofku sameeyo isagoo soonkiisa xasuusan cidina aanay qasbin, jaahilna aanu ka ahayn.

2. Inuu si ula kac ah- badheedh ah- isaga matajiyo.
3. In qofka soomani sameeyo galmo/lamaanaha isqabaa sameeyaan kulan furaash- arrintan hadduu qofka soommani si ula kac ah u sameeyo waxa ku waajibaya: B) Inuu Ilaahay u toobad keeno. T) Inuu maalintaas qalleeyo. J) Inuu soomo laba bilood oo xidhiidh ah, hadduu awoodi waayana quudiyo lixdan qof.

4. Inuu qofka soommani si toos ah isaga keeno biyaha taranka (Manida) amaba sameeyo fal ula kac ah/ kas ah oo sabab u noqda inay biyuhu ka yimaaddaan, haddiise ay biyuhu ka yimaaddaan isagoon sababta lahayn, sida inuu isagoo hurda riyoodo, amaba uu xanuunsanayo oo xanuun ka keeno biyaha, soonkiisu buri maayo.
5. Inay gabadhu hesho dhiiga caadada amaba ay umusho, haddii gabadha sooman ay labadan arimood ku yimaaddaan soonkeedu wuu burayaa.
6. Inuu qofka soomani niyad ahaan u jebiyo soonkiisa, sida inuu go’aansado inuu wax cuno ama cabbo, soonkiisu wuu burayaa xataa haddaanu waxba cunin ama cabbin.

7. Inuu qofku gaaloobo- ilaahay baannu ka magan galay- waxa la mid ah isagoo Ilaahay ama Nebigiisa – SCW- aflagaadeeya ama caaya, arrinkani waxa uu burinayaa qofka iimaankiisa, mar haddii iimaankiisu burana camalkiisuna wuu burayaa, oo soonkiisu wuu jabayaa.

Dhammaan qodobadan waxa ku soo arooray nusuus toos ah ama amaba tiigsi ah, waana axkaam ay culimadu isku waafaqsan yihiin.

واعلم أنّ الدّال على الخير كفاعله.
La soco casharka xiga——

Dr-Abdulqani Beder