Axmed Mirow, horta Waddani waa kuma aanu u codaynee? (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

 

Waxaan akhriyay qoraal la sheegay inuu bartiisa fays-buuga (face-book) soo dhigay, Mujaahid AXmed Mire, oo uu dhab ahaantii kaga hadlay waxyaabo badan oo run ah oo maanta dalkeenii yaala, sida, boobka iyo dhaca lagu hayo maalkii umadda, qabyaaladda daaha faydatay ee qaranimadii bedeshay, siyaasadda madhalayska ah ee bulshadii lagu kala qaybiyay, iyo sida wixii laga soo dagaalamay iyo waxa maanta rag ku dhaqmayaa aanay waxba ku kala gedisnayn, arrimahaas uu  ka hadlay ee maanta dalkii yaalaa waa kuwo aan si weyn ugu raacsanahay, lana rabo in la helo caqligii, kartidii iyo damiirkii bedeli lahaa ee ay dhabta ka ahayd, laakiinse, waxaan si weyn uga biya-diiday qayb ka mid ah qoraalkiisa, oo uu ku sheegayo in haddii dalka badbaado lala rabo ay tahay in WADDANI loo codeeyo, taasoo u muuqata mid hoos u dhigaysa tayada qoraalkiisa, loona macnaysan karo inaanu dal iyo dantiisa u hadlayne, uu u hadlayo maslaxadiisa qofeed, bal u fiirso, wuxuu ka hadlayaa in dalkii la boobay oo la baabiyay, haddana wuxuu leeyahay WADDANI u codeeya si uu dalka u badbaadiyo, WAA KUMA WADDANI?

Ma cid hadda soo baxday oo rabbi inoo soo diray, oo iminka inoo timi baa? MAYA, waa intii markii horeba dalkan jah-wareerka iyo dhakafaarka baday, waa intii kazoo yaacday xisbiga KULMIYE ee Ina Mirre durayo, waa Intii UDUB ka dhacday, waa Intii UCID kasoo yaacday ee 15-kii sanadood ee ina soo dhaafay werwerka iyo walaahowga ina baday, markaas, waxaan leeyahay, waanu kugu raacsanahay in dalkii aan loo mamulin sidii loo baahnaa’e, ee wa ayo, WADDANIGA aad leedahay u Codeeya, bal u fiirso, raga shookaanta WADDANI haya, waa Cabdiraxmaan Cirro oo ay ku adkaatay in uu maamulo 82 xubnood oo baarlamaanka ah, aakhirkii ay gaadhsiisay in uu ku dhex feedhtamo, waa Duur, Cabdirisaak Khalif, Xirsi, Xuseen Caydiid, Ina Sulub, Cabdiqaadir Jirde, Cabdilaahi Cirro, Ismail Yare, Ina Jaambiir, ma kuwaas ayaad ka dhaadhicinaysaa dadka Isbedel bay keenayaan? Waxaan u malaynayaa in aad u badheedhay inaad ummaddan kasoo qaado wax-ma-garato, oo aad caqligoodii si badheedh ah u caayayso.

Anigu, waan kula qabaa in nidaamkii dawladnimo la baabi’iyay, qaranimadii iyo dawladnimadiina ay kooxo gaar ahi ku danaystaan, laakiin, waxaan qabaa inaanu jirin wax farqi ah, aragti ah, qiyam ah, ama intijaah qaran ah oo ay ku kala gedisan yihiin kuwa maanta kursiga jooga ee KULMIYE, iyo kuwa aad WADDANI  leedahay ee aad rabto in loo codeeyo, waa isku mid, kuwii shalay KULMIYE ahaa ayaa maanta ku leh WADDANI baan ahay oo waxbaan badbaadinayaa, Kuwii shalay WADDANI ahaa baa ku leh KULMIYE ayaan ahayoo dalkan ayaanu hour-marinaynaa, markas, waxaan islahaa ninkii Ahmed Mirre mar hadduu dalkii dhowr iyo labaatan sanno ka maqnaa, oo uu shahaaddada PHD-ga soo qaatay wax badan baa usoo kordhay, oo uu umadda u kordhinayaaye, waxaan qoraalkaagaas iiga soo baxay inaan waxba kuu soo kordhin, oo aad marayso halkii la marayay 1991.

Gunaanadkii, waxaan ku leeyahay, KULMIYE  iyo WADDANI waa Dameer iyo Labadisii Daan, oo midna umadda dan uma hayo, ee kursiaga kala riixashadiisa ayuun bay isku hayaane, markaas, Mujaahid, adigoo aan ummaddan dagaal gelin, haddii hammi siyaasadeed ku hayo mid uun iska raac waa isma dhaanto iyo dhasheede, Xaalka labadan Xisbi-ku-sheegna kama foga Mansadii Haadraawi ee ahayd:

Waxa laysku dilayaa, Xil daryeelidiisiyo, dad u hiilin maahee,

Geenyadda dakaanka ah, anna aan Dul buuxshoo, dala’sado markaygoo,

Daadka aan ku dhaafee, iga soo deg weeyaan.

Wa Bilaahi Towfiiq,

Qalinkii, Hussein-lucky Mohamed Mohamoud,

Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com

Axmed Mirow, horta Waddani waa kuma aanu u codaynee? (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)