Baahida shacabka iyo balanqaadki madaxweyne Muuse Biixi Cabdi (WQ: Mukhtaar Cabdi Cilmi “Xoogsade”)

Madaxweynaha Somaliland ee dhawaan la dhaariyey isagoo gudanaya waajibadkiisa distooooriga ah ayuu waxaa uu magacabay taarikhhdu markay ahayd Dec 14, 2017 gole wasiiro ah oo ka kooban 23 wasiir iyo 9 wasiir ku xigeen taas oo uu ka dhabeyey inuu keeni doono dawladย  tiro yar oo tayo leh iyadoo kala badh ka yar dawladii uu hogaaminayey Madaxweyne Axmed siilaanyo ee hada xilka wareejisay.

Hadaba su,aasha lays waydinayaa waxa weyan wasiiradani ma yihiin kuwo wax ka qabanaya baahida shacabku u qaben inay helaan adeegyo hufan taas wasiiraduna gudanayan waajibadkoda shaqo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu magacabay bal aynu isku dayno inaan ka jawaabno suaashan inagoo ka eegayna dhinacyo badan oo bulshada somaliland aad ugu baahan yihiin

1 magacabista xilalka wasiirnimo oo markii ugu horaysay taariikhda Somaliland oo dhalinyar tiradoodu intaa leeg tahay laga qayb galiyey talada dalka taas oo ku timi balanqaadkiii uu Madaxweyne Biixi balan qaday guusha dabaded inuu talada dalka qayb libaax ka siin doono dhalinyarada aqoonyahanka ah ee uu u arko inay hanan karaan horumarka balaadhan ee uu qarankai higsanayo kana midha dhalin donaan hamigiisa ahaa bari dhaanta manta , wasiirada dhalinyarada ahna waxaa looga fadhiyaa inay ka faa.iidaystaan dhalinyarada aqoonyahanka ah ee jooga wasraddaha madaxda looga dhigay si ay uga caawiyaan gudashada waajibadka loo igmaday.

2 Balanqaadka uu Maaxweyne Biixi balan qaaday in la hello isla xisaabtan dhab taas oo lagula xisaabtami doono masul walba hawsha iyo hantida uu qaranka u hayo isla mar ahaantana la diwaan galiyo hantida uu uu masuuulka cusubi gaar u leyahay si looga hortago in ay isku milanto hantida gaarka ah iyo ta qaranku leyahay, iyadoo aan hore u dhici jirin in aan jirin cid daba gal ku samaysa masuuliyinta dawlada taas oo ka dhigtay in masuul waliba uu yeesho halka uu qaranka ugu magacaban yahay kana dhigto meel uu awoodisa dawladnimo uga faa,iidaysto dantiisa gaarahane

3 Shacbiga Somaliland ee waxay manta aad ugu baahan yihiin dawlad ku shaqaysa baahiyaha ay ka cabanayaan sida Caafimaadka , Waxbarashada. Cadaalada iyo sinanta dawladnimada taas oo looga fadhiyo in Golahan wasiiradda ee cusubiย  ay iyagu yihiin balalakii ay dawladu ku gaadhi lahayd xaqiijinta himiladaa ay shacabka somaliland aadka ugu helan yihiin taas oo uu madaxweyanah Somaliland mudane Biixi uu u balan qaday in uu ka dhabayn doono gaadhida baahiyaha aan kor ku soo xusanay.

4 Dalkeena Somaliland 70% waa dhalinyaro kuwaas oo ay bilaa shaqooyin yihiin taas oo ay awaliba sanad walba ka soo baxaan kumanaan arday jamacadaha dalka, hadaba dawladan cusub waxaa looga fadhiyaa siyaasad cad oo ay ku hagayso nidamka shaqalaysiinta shaqaalaha dawlada oo loo siman yahay iyadoo lagu xulan dono nidaam sharciya oo ah imtaxaan taas oo cadayn donta aqoontisa,

5 Shacbiga Somaliland waxay aad uga cabanayaan dhibaatada sixirbabarka oo ah aafada ugu way nee manta dalka ka jirta hadaba Madaxweyne Biixi sidii uu balan qaday waxaa looga fadhiya xalinta dhibatda ooย  hayada ay masuliyadeda leh ay tahayย  Bangiga dhexe ee Somalilande oo isla mar ahantana qaranka u qaabilsan wax ka qabashada dhibatada sarifka lacagaha kala duwan ee iyagu keena sixir bararka, waana in la keena masuuliyiin aqoon u leh cilmigaย  dhaqalaha iyadoo ay isticmalayaan awoodaha bangiga ย ee hoos ku qoran

1 Gacan ku haynta siyaasada lacagta qaranka (monitory policy)

Bangiga dhexe wuxuu masuul uga yahay qaranka ย soo daabicida noocyada kala duwan ee lacagta qaranka iyagoo masuliyinta bangiguย  ay cadaynayaan baahida loo qabo in lacag la soo dabaco isla markana ย hayada sharci dajinta oo ku meel marinaysa xeer baar lamaan kaas oo dhaqan galaya marka la ansixiyo

Dhibatada ay ledahay lacagta oo layska soo dabaco (printing money)

Hadii bangiga dhexe u soo dabacdo xadi lacag ah taas oo an loo egin baahida loo qabo lacag taasi waxay sababtaa qodobadan soo socda:

1 A) sixir barar :ย sixir bararku waa kor u kac ku yimada guud ahaan qiimaha shaykasta oo la iibsado ama lacag badan oo goysa alaab iyo adeeg yar

Sababta ka dambaysa inuu sixir barar yimadana waa xadiga lacagta oo ku bata suuqyada ย taas oo ay ugu wacan tahay lacagtii aanu suuqu u bahnayn ee la soo dabacay

B ) Qiimo dhac lacagta ku yimada:ย waa awooda ay lacagtu wax ku jarayso oo qimo beesha waxna goyn wayda iyadoo ay ugu wacan tahay xadiga badan ee lacagta ah ee suuqa tala

2 Maamulida isku badalka lacagta dalka iyo lacagaha qalaad (Currencyย Exchange Rate)ย 

Bangiga dhexe isagaa ka masuula dajinta xadiga isku badalka lacagaha dalka lagu isticmalo iyo sarifkoodabaย dollar, riyal, Birr pound etcย  Marka uu bangiga dhexe awoodi waayoIsku badalka lacagta dalka iyo lacagaha qalaad waxay samayn toosa ku yelataa dhaqalaaha dalka iyadoo keenta sixir barar iyo qiimaha lacagta dalka oo hoos u dhacda iyadoo keenta in wax lagu iibsado hadaba lacagta kale ee dadku dan moodaan

3) Baanka dhexe waa hayโ€™adda masuulka uga ah dalka kormeerka nidaamka bangiyad dalka (Rules and regulation of banking system)

Dalkena waxaa ka jira banan kala duwan kuwaas oo ay ka mid yihiin Dahab shiil bank, salaam bank, iyo kuwo hada la wado in la furo dhamantood shurucdooda iyo nidamka shaqo ee dalka waxaa uga masuul ah cenetral banka oo ah hayada u qabilsan dalka nidaamka bananka sidoo kale wuxuu maamula noocyada banigyada ee jira sidaย  bangiyada ganacsiga , bangiyada horumarinta iwm

 

 

 

WQ: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)

(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University

00252634241542

Mukhtarian.net@gmail.com