Tusmadii hore waxaynu ku faaqidnay ahmiyada xorriyadda aragti dhiibashada, is ahaanshaha ummadda, doorka waafiga ah ee dawladnimada 30 jirka iyo qodobo kale oo muhiim ah. Haddaba, qormada maanta/caawa aan diiradda ku saarro lafo-gurista hordhaca, Dulucda, iyo gunnaanadka warqadda Iyo sheegmada dhawaaqa BAAQ SHACAB, gaar ahaan goldaloolooyinka dhawaaqa Baaq shacab.
Hordhaca Baaq Shacab: Walaalayaal ujeedka iyo yoolka loo unkay madaxbanaanida qaranka Jamhuuriyadda Somaliland idinka ayaa hordhaca dhawaaqa Baaq Shacab ku xusay oo yidhi “Dawladnimo ummadda wada deeqda, la mahadiyo, kuna dhisan sinnaan iyo caddaalad,”. Haddaba, waxay is waydiintu tahay, ma laga leexday ujeedkii iyo yoolkii loo dhidbay Jamhuuriyadda Somaliland?. Jawaabtu waa maya oo lagama leexan, Waayo, waxa caddeyn u ah ku sugnaanta ujeedka iyo yoolka Aasaaska qarannimo:
1. La soo noqoshada dawladnimada,
2. Dib u heshiisiin iyo yagleel ciidamo qaran,
3. Adkeynta Nabadgelyada,
4. Dhismaha nidaam dawladnimo,
5. Qoriska Axdi qarameed iyo heshiisyo bulsho,
6. Sameynta Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
7. Hirgalinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo Xisbiyada badan,
8. Qabashada Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka, wakiilada iyo saddex kaltan madaxtooyo,
9. Hirgelinta Barnaamijyo Horumarineed oo waxtar bulsho leh.
10. Karaamo iyo sharaf qarannimo.
Dhinaca kale, isla hordhaca qoraalkiina waxaad ku xusteen in Dawladnimada ay wada dhisteen shacabka Somaliland aynna mabaadi’ida qarannimo tahay:
1. Shareecada Islaamka.
2. Go’aan Qaadasho ku timaadda talo-wadaag.
3. Isu-dheelitirnaanta awoodda dawladnimo oo u qaybsanta Sharci-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka.
4. Baahinta iyo hoos-u-daadejinta maamulka Xukuumadda “Decentralization”.
5. Damaanad-qaadista lahaanshaha gaar ahaaneed iyo xaq dhowridda suuqa xorta ah.
6. Qiimo-weynida nolosha qofka oo la imanaysa sugidda xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadaha qofka.
7. Nabad-gelyo iyo habsami kula dhaqanka dawladdaha gobolka iyo Adduun weynaha.
Iftiimin Kooban:
▪Run ahaantii, dhammaan qodobada sare ku sheegani waa muhiim, islamarkaana waa mabaadii dawladnimo ku dhisan. Haddaba, waxay dooddu tahay dawladdu ka baydhay mabaadiida qarannimo ee loo aasaasay. Jawaabtu waa maya, sababaha soo socda dartood:
1. Shareecada Islaamka: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxa si cad ugu xusan sarreyn diinta Islaamka, iyada oo waxkasta oo diinta Islaamka ka soo horjeedda lagu sheegay waxba Kama jiraan, waxaanan nahay bulsho Muslim ah oo dooddi Kama taagna.
2. Go’aan Qaadasho ku timaadda talo-wadaag: Talada waddanka JSL waxa lagu hagaa talo wadaag iyo go’aan qaadasho ku dhisan awooddo sharci.
3. Dalka JSL waa dal leh Qaybsanaan awooddo dawladnimo sida Sharci-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka.
4. Somaliland waxa 29 sanno u hirgalay Maamul-daadejinta heer gobol, degmo iyo heer tuulo ku siman “Decentralization”.
5. Somaliland wxay leedahay Jama ka jirta karaamo dawladnimo iyo la macaamilka waddamada dariska, saaxiibbada, daneeyeyaasha, iyo Adduunyada.
Sidoo kale, waxa xusid mudan in muddadii 30 sanno ahayd ee Jamhuuriyadda Somaliland ku sugneyd la soo noqoshada Qarannimada ay horseed ka ahayd dedaalka naf-hurista ah ee bulshada Somaliland ugu jirto ilaalinta Nabadda, Wadajirka shacabka iyo kobcinta nolosha dhaqan-dhaqaale.
Balse, marna meesha ma qabato in kartida shacabka iyo habboonaanta nidaamka dawladnimo ee 30 jirka ah layska waydiiyo waydiimo taban oo kusaabsan hannaanka hawl-fulinta iyo ku sugnaanta ujeeddooyinka dawladnimo, ku dhaqanka qawaaniinta iyo tusmooyinka jiritaanka Dalnimo tolmoon.
Xataa hadday jiraan tabashooyin ku saabsan dhinacyada wadaagga talada, hawl-fulinada siyaasiga ah, ku dhaqanka shuruucda iyo saami-qaybsiga, xaasha’e ma’aha kuwo jideynaya in la lldo ama la saluugo hirgalka qarannimo iyo heegga 30 jirka. Waana Ujeeddo gurracan oo ka baxsan yoolkii Aasaaska dawladnimada JSL, kana hooseeya aragtiyaha xorriyadda hadalka iyo aragti dhiibashada tolmoon.
Mar kale, waxa Gurracnaan Siyaasadeed ah in la yidhaa dib ha loogu noqdo Ammintii 18 May 1991 oo ahayd xiligii lagu dhawaaqay Qarannimada maanta jirta, iyada ujeedku yahay xalka iyo tabashooyinka taagan ha lagu xalliyo muuqaalkii 1991 iyo tiradii ergooyinka beelaha. Taasi oo dhadhankeedu noqonayo diidmo ku wajahan Dastuurka, dimuqraadiyadda, nidaamka Xisbiyada badan iyo dhaqanka qori isku dhiibka dawladnimo ee ka hanaqaaday geyiga Somaliland. Saymaha Soohan iyo Daarannaanta Dahsoon ayaa loo tirin karaa xiligga wax saareenka ah ee lagu beegay dhawaaqa Baaq Shacab, waxaana loo qaadan karaa tijaabo lagu ekeeyey heerka maanka Waddaniyadda dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Guntii Iyo Gunnaanadkii, waa muhiim in loo midoobo la tacaalista cudurada faafa, “Aafada COVID-19”, lana ilaaliyo Midnimada ummadda, maalmaha mudan iyo masiirka Dalnimo. Maxaa yeelay Somaliland waxa ku dhaqan muwaadiniin siman oo aan kala lahayn muwaadinka koowaadka, ka labaad iyo ku saddexaad toona, ma jirto sababo kugu riixaya ahaanshaha muwaadin labaad. Haddii aad dantaada gaarka ah ka dhex arki waydo hawlaha socda ee qaranka macnaheedu maaha in aad tahay muwaadin labaad, ogoow muwaadinimadaada waxa sugay Dastuurka JSL. Balse haddii aad adigu isku aragto in aad tahay muwaadinka labaad ee Somaliland, ma kula tahay in aad meel kale ka noqon karto muwaadinka koowaad?. Jawaabtu waa maya. Dhallinyaro, waxaannu ixtiraam sharci iyo dhaqan dawladnimo u haynaa heshiisyada bulshada, sarreynta Dastuurka, nidaamka Dimuqraadiyadda, Sinnaanta iyo Caddaaladda muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhammaad.
Allaa mahad Leh.
Jamal A. Muse.
DG, MoPCA Somaliland.