Baaqa-Shacabka Djibouti
Intii aduunku la qabsaday adeegsiga xoogan ee baraha bulshada wax wayn ayaa is bedelay. ย boqollaal milyan oo dad ah oo aan hadli kari jirin ayaa cod yeeshay oo hadlay, dantodana sheeganaya. Dadka waxa u muuqatay xaqiiqooyin badan oo dowladuhu ka qarin jireen, waxay arkeen duruufaha dhabta ah ee ay ku noolyihiin.
Waxay yaqiinsadeen in la dagay, in la dala’saday, in been lagu maaweeliyay, in lagu danaysto lagana danaysto; intaas oo dhan lagu falay, waliba loo raaciyay ciijin iyo cago-juglayn. Bulshooyin badan ayaa karka xejin waayay oo heeryada gun-nimada sidi kari waayay; waana kuwii gadooday ee dhiig miiratadii meel ku hubsaday. Kacdoonkii gugii carabta walina halgankaasi wuu socdaa.
Muuqaal sagaal daqiiqo qaatay oo ay duubtay gabadh yar oo 17 jir ah, Darnella Frazier, ayaa gondaha u riday dowladii aduunka ugu awooda waynayd. ย adeegayaasha cadaalada ilaahay uunbaa og, marka isbedelka shinkiisu buuxsamo ilaahay ayaa u fududeeya wasiilada. Waxa keli ah oo loo baahan yahay in dariiqa aad marayso aad gar ku leedahay waxa aad raadinaysaana uu xaq yahay.
Waxa lagama maarmaan ah in xaqa aad isleedahay wuu kaa maqan yahay iyo dariiqa aad ku raadsanaysaa ay isu dheeli tirnaadaan. Hadii hargaysa “BaaqShacab” laga soo saari karo oo si furan looga doodi karo, lagu kala aragti duwanaan karo, laakin lana garawsan karo, ย Djibouti heerkaas sanado badan horteed ayay dhaaftay. Mudo dheer ayay Baaqyada shacabku iska soo daba baxayeen laakiin aan dheg jalaq-loosiin. Hadii Hargaysa albaabka isbedelka aad raadinayso ay kaa xigto uun doorashada mudo koobani uun ka hadhay isla markaana aad ogtahay in aad ku guulaysan karto, Djibouti albaabkaasi waligeed si xor ah loomaba furin.
Xuriyada hadalka, ganacsiga xorta ah, xisbiyo madaxbanaan oo dareenka dadka meteli kara, xuriyada doorashada cidda dalkaaga hogaaminaysa, intaasiba waa riyooyin dadka reer Djibouti ay ku seexdaan laakin aanay wali si dhab ah u arag. Waxaan rajaynayaa in riyooyinkaasi dadka Djibouti u dhaboobaan dhawaan: yaynaan fogaysan, waxaaba laga yaabaa inay qadhabida kabtaaada kaba dhowdahaye.
Bal suuree Hargaysa oo Facebook iyo Twitter heli lahayd sideetamaadkii markii ay la legdamaysay aabihii guraca iyo gudcurka ee keeska afrika. Waxaba suuro gal ahaan lahayd in halgankii xoriyada iyo karaamadu ka gaaban lahaa kala khasaare laraan lahaa intii uu inagu kacay.
Maanta fursadaas waxa haysta shacabka Djibouti. Waxay awoodan inay inoosoo qaylo dirtaan, in ay duruuftooda si dhab ah inoogu soo wariyaan waxaanay xaq inoogu leeyihiin in aan u garawno una damqano. Maanta dadka reer Djibouti waxay ku jiraan duruuf adag, Somalida, gaar ahaan Soomaaliland waxay uga baahan yihiin duco, guubaabo iyo dhiiri gelin. Waxay inooga baahan yihiin in aan u tilmaano dariiqa isku duubnida iyo iskaashiga marhadii ay rabaan in ay nidaamka caa’ilada keli taliska ah sida ugu khasaaraha yar ku sagootiyaan.