Bal u fiirso W/Q:(Dr-Abdikarim D Hassan)

Qofka Soomaaliga ah saddex ciladood oo aad u halis badan noloshiisana curyaamiya ayaa lagu ababiyaa oo uu la koraa; waanay adagtay in uu ka xoroobo:

Cunfiga iyo dulqaad yaraanta – yaanu kaa adkaan, kaga horee, sidaa iyo sidaa ku dheh, ma qayrkaa baad ka baqaysaa- erey yadaas oo joogto ah waxay qayb ka yihiin tarbiyada qofka Soomaaliga ah. Way adag tahay in ilmaha waalidkii ama qaraabadu ku tidhaa dulqaado, aynu baadhno sababta qofkaasi qaladkaas kuugu sameeyay, malaa qalad ugama jeedin ee adaa u fahmay, la hadal oo waydii waxa uu u jeeday, ma laga yaabaa in aad adigu qaladka ku horeysay iyo caqli celin badan oo ilamaha ku baraarujisa inuu fikiro ka hor inta aanu dagaalamin, inuu arinta laba dhinac la eego, iyo inuu xataa dulqaato oo saaxiibnimo raadiyo, haddiiba laga gar garan yahay. Qofka Soomaaliga ah Cunfiga waa lagu ababiyaa!!

Qabka beenta ah: ilmaha waxa lagu ababiyaa reerkeenu isagaa reeraha ugu fiican, ugu nasabsan- wax ay nasabnimadu tahayba, inagaa ugu geesisanayn oo waligeenba la inaga baqi jiray; inagaa ugu faxalsan oo wax bixinta la inaga bartay. Waa fikrada abtirsiintu ku salaysan tahay- buunbuuninta iyo awow caabudka. In odayaan beri hore dhinta oo wax magarato ahaa la bakhti afuufaa waxay dhashaa qab been ah iyo quudhsiga reeraha kale. Waxa ka dhalata gar qaadasho la’aan iyo qofka oo xaqiiqada wadcigiisa, mar walba, aan fahansanayn.

Damaca iyo tabcasho yaraanta: gaar ahaan wiilasha, waxa lagu koriyaa inuu dulsaar ahaado oo xataa guriga dhexdiisa aanu waxba qabsan (dependency). Sii wuu kaa yaryahaye; usii daaya yuu ooyine; u qabta waa inankiiniiye- waa weedhaha loo adeegsado si baalka loogu fidho, loona dareensiiyo sarayn iyo mutaysasho (entitlement) aan run ahayn. Waxa ku lamaanaatay dhaqanka xoolo raacatada oo ku dhisan howl yaraysi iyo isla waynaan. Waa sababta xoolaha loo kala dhici jiray, imikana dowladnimda iyo hantideeda loo kala dhaco ee hanti-wadareeddii loo xalaashaday. Hadda wax isasiintu ceeb maaha, balse Soomaalida waxay u noqotay xaq qofku leeyahay oo haddii aan loo gudin uu wax ku colaadiyo kana halgamo. Inta badan halganaddeena siyaasadeed waa damacyo aan daw lahayn.

Sadexdaa ciladoodba waxay ku xardhan yihiin garaad wadareedka bulshada Soomaalida. Dhinac kasta oo nolosheeda ahna way saameeyeen, ilaa ay noqdeen xeerka dowladnimadiina lagu dabaqo, isla markaana curyaamiyay. Ufiirso, muranka siyaasadeed ee maalin gelinkeed lagu xalin karo, balse sadex sano qaata ilaa la is fara-saaro. Waxa is haysta nafsiyado aan garowshiinyo la barin, dulqaad lagu ababin, isla markaana ay ka go’an tahay inay howl yaraan ku macaashaan.

 

Qore : Dr-Abdikarim D Hassan

Bandhige@gmail.com