Korinta iyo daryeelka caruurtu waa baahi wayn oo bulshada Soomaaliyeed ay qabto. Ma jiro wax barnaamij diyaarsan ah oo bulshada uga yaalla sida ubadka loo bar-baariyo. Waxa ay u muuqataa in Bulshada Soomaaliyeed iyo xayaawaanku ay iska matalaan daryeelka ubadka. Xayaawaanku dashiisa keliya waxa uu uga adag yahay cuntada oo neefka xoolaha ah inta dhashiisu ay yartahay wuu kusoo cararaa si uu caano u siiyo. Sidaas oo kale aabbaha iyo hooyada soomaaliyeed waxa ay isku qabsadaan Ilmaha caanihiisa u keen.
Waxa la odhan karaa Soomaalidii hore ayaa in badan kaga wananagsan koritaanka ilmaha Soomaalida maanta. Tusaale ahaan si ilmaha garaadkiisu u koro badanaa ilmuhu waxa uu wakhti badan la qaadan jiray haddii uu wiil yahay awowgii, aabbihii iyo walaliisa ka waawayn, sidoo kale inantu waxa ay wakhti la qaadan jirtay ayaydeed iy hooyadeed. Labada jinsi mid kasta waayo aragnimo, xogo iyo koritaan garaad oo aad u badan ayuu ka heli jiray waalidkiisa. Se ilmaha wakhtigan nooli nasiib uma yeelan inuu helo cid garaadkiisa korisa oo wax uga sheegta sida dunigu ahaan jirtay.
Haddaba Soomaalidu waxa qudha ee ubadka ugu dadaasho ayaa ah cuntada iyo huga walow ay jiraan qoysas aan intaas midna uga adkay oo aan siin cunto nafaqo leh iyo huโ hagaagsan oo dhaxamaha iyo kulaylaha ka celiya. Saas awgeed qormadan waxa aynu daaha kaga qaadi xanuun amma cillad aynu ku aragno caruuraha qaarkeed taas oo aanay Soomaalidu waxa fasiraad ah u hayn waxa uu yahay. Aniga Mukhtaar ahaan waan arkay ubad badan oo cilladdan leh se wakhtigaas wax fahan ah kamaan haysan.
ASD(Autism Spectrum Disorder) waa khal-khal ku dhacda koritaanka iyo horumakra qofka ee dhanka hab dhaqanka, xidhiidhka iyo la fal-galka dadka. Badanaa ilmaha markuu jiro muddo 3 bilood ah ayuu u bilaabmaa fal-galka deegaankan uu yimi, miyir qayba hurda (Subcouncious) ee qofka waxa uu duubayaa muuqaaladda, hadalka, midabyada iyo badi waxa ilmaha ilmaha ka ag dhaca ilaa uu gaadhayo hal sano. Saas awgeed ilmaha uu khal-khalkan ku yimaaddo waxa istaagaya habsami u socodka la falgalka deegaanka.
Waxa jira sifooyin iyo astaamo cad-cad oo aad ku arko ilme kasta oo khal-khal kani ku yimi, xanuunkan ilmaha wuu ku badan karaa wuuna ku yaraan karaa. Astaamahaa waxa ka mid ah:-
- Waxa uu diidaa in kor loo qaado
- Ildhiisu kuma foogana meel qudha( Focus or aye contact)
- Ma muujiyo wax qiiro ah marka waalidkiisu la hadlayaan
- Haddii loo yeedho kuma soo eegayo mana aqbalo yeedhmada
- Haddii aad qososho amma oydo ilamahas wax dareen ah ma juujinayo
- Ilaa uu gaadho sannad iyo 3 bilood kuma dhawaaqi karo 2 eray
- Badanaa waa ilme mashquulsan oo wixii uu faraha ku hayo ma daayo
- Dareen ahaa waxa uu ka didaa dhadhanka, iftiinka iyo urta.
- Ma laha fir-fircoonida lagu yaqaan caruurta ee ciyaarta badan, qosolka iyo farxadda ay ka helaan waxyaabaha lagu ciyaaro.
Astaamaha lagu arko ilmaha leh xanuunkan waa kuwo aad aad u badan oo haddii aad aragto ilmo leh astaamaha waxa suuro gal ah inaad ku aragto sifooyin kale oo badan. Ubadka ay cilladani haleesho badanaa kama simna astaamaha ay muujiyaan, caruurta qaarkood ma muujiyaan wax farxad ah sida dhoolla caddayn iyo qosol ilaa ay gaadhaan 6 bilood. Wax jawaab ah ma bixiyaan markii loogu yeedho magacooda. Ma aqoonsadaan walxaha ilaa ay gaadhaan 1 sano. Qaarkood hadal ma karaan ilaa ay gaadhaan sannad iyo badh amma sannad iyo 3 billod iyo astaamo kale oo badanba.
Haddaba waxa jira astaamo kale oo badanaa ay adag tahay in la fahmo inay yihiin xanuunka iyo inay yihiin wax iska caadi oo badanaa ilmuhu marka uu yar yahay waa uu dhaq-dhaqaaq badan yahay. Astaamaha waxa ka mid ah
- In ilmuhu labada gacmoodba farahooda dhaq-dhaqqaajiyo
- Inuu ku socdo faraha hoose ee cagaha
- Inuu madaxa ku garaaco gidaaradaha iyo meel kasta
- Isku buuq iyo cadho ka qaado meelaha dadku ku badan yihiin
- Dagaal badan iyo inuu mar kasta qaniino caruurta kale. Iyo weliba astaamo kale oo badan oo haddii loo fiirsado mooyaane aan si fudud lagu ogaan karin.
Waa hubaal in aynu aragno caruur badan oo xanuunkan la tacaalaysa se aynaan garanayn hubaal waxa uu yahay xanuunkani. Akhriste waxa suuro gal ah inaad aragtay ubad badan oo ay ku adag tahay inay wax fahmaan amma wax qaybaan. Waxa dhacda inay jiraan caruur aad maanta oo dhan aad wax ku dul akhriyayso se ay adag tahay in ay fahmaan amma qaybaan. Waxa kale oo aynu aragnay caruur ay ku adag tahay inay weelaayan wixii loo sheego, tusaale ahaan haddii u dirto laba shay ay dhacdo in ilmahaas uu shay qudha kuu keeno. Sabatuna waa xanuunkani uu saamayn ku leeyahay maskaxda.
Bahda caafimaadku waxa ay sheegeen in aan la garanayn dhab ahaan waxa sabab xanuunkan. Cilmi baadhisyo badan oo lagu sameey ayaa daaha ka qaaday in in loo badinayo in ay tahay cillad dhinaca hidda sidaha ah. Daraasad ayaa xustay in keliya 20% loo badinayo inuu yahay xanuun hidde side. Dhanka kale, waxa la xusay in haddii hooyadu iyadoo uur leh ay qaadato daawooyinka qaarkood ammaba waxyaabaha maanka dooriya ay sabab u noqon karto in cilladdani haleesho ilmaha.
Waxa jira saddex nooc amma xaaladood oo ay u kala baxaan caruurta uu xanuunkan haleelo, nooca koowaad waa in ilmaha ay dhibaato ka haysta dhex galka dadka, suuro galna uma ahaa in uu ilmahaas waxa dareen ah u muujiyo dadka ku ad xeeran, badanaana wa ilme gooni daaq ah oo aan caruurta dhex gelin. Nooca labaad in ilmahaas ay dhibaato ka haysto dhinaca xidhiidhka oo ilmahaas suuro gal uma ah inuu wax weeleeyo isla markaana qof la hadlo oo wax waydiist. Nooca saddexaad oo ah nooca ugu daran oo ay ilmaha ku wada ururaan dhammaan sifooyinka ay leeyihiin labada qolo ee kale. Dhanka xidhiidhka, hab dhaqanka iyo la falgalka dadkaba ilmahaas awood uma laha, waxa uuna ilmahas uu aad dareen ugu leeyay urta dhadhanka iyo maqalka.
Akhriste waxa aad ka fikiraysaa in xanuunkan la daawayn karo iyo in sidaas lagula koro. Dabcan waa la daaweeyaa xanuunkan. Walow badanaa sida cilmi baadhisyada laga xusay uu xanuunkani ku eegyahay muddo cayiman oo ah inta ilmahaas uu ka gaadhayo daโda 5 sano. Caruurta qaarkood ayuu kaga tagaa daโda saddex jirka halka qaarkood uu muddo sii hayo ilaa daโda 7 amma 6 sano. Daawayntu sida daarasadaha lagu sheegay waa laba nooc ah in ilmaha la siiyo daawooyin sida kiiniinno amma sharabooyin kuwaas oo u sahlayaa inay cariyaan hoormada neerfaha ee qaabilsan xidhidhka, hab dhaqanka iyo fir-fircoonida maskaxda.
Daawada nooca labaadna waa in ilamahaas loo geeyo dakhtar cilmi nafsiga yaqaan oo waxa loo samaynayaa daawaynta horumarinta hab dhaqanka ( Behavioral Therapy). Daawayntan waxa loo adeegsadaa alaado iyo barnaamijyo badan oo loo diyaariyay dadka xannuunkan lah. Waxa suuro gal in ilmaha maskaxda combiyuutar lagaga eego. Sidoo kale waxa suuro gal ah in loo qaado deegaanno kala geddisan iyo in lala kulansiiyo caruur badan oo kala duwan.
Geyiga Soomaalida ma jirto dakhtar amma goob u gaar ah in lagu daweeyo xanuunnada aan baayoolajiga ah sida hab dhaqanka ammaba guud ahaa cilmi nafsiga. Waana hubaal inay jiraan caruur badan oo xanuunkani hayo. Saas awgeed waxa jira talooyin badan oo la siinayo ciddaa aan awoodin in ilmahaooda kula tacaalaan goob amma dakhtar. Talooyinkaas waalidka loo jeediyo waxa ka mid ah:
- In ilmaha la siiyo waxyaabo uu ku ciyaaro sida caruusado
- In 7aadkii dhawr jeer lasoo wareejiyo oo la geeyo deegaan kale
- In laga ilaaliyo waxyaabaha dhibaya sida sanqadha iyo qaylada
- In mararka qaar laga saaro magaalada waa haddii uu joogo eโ
- U adeegsiga luuqadda jidhka halkii aad kala hadli lahayd.
Ugu dambayn, waalid kasta waxa la gudboon inay ubadka aad war hayaan inta ay yar yihiin. Caruurtu waa kuwa ugu nugul dadka, si fudud ayay caafimaadkooda, noloshooda iyo mustqabalkoodaba wax usooo gaadhi karaan. Inta ubadka la siiyo cunto iyo agab waxa ay uga baahi badan yihiin inay laga war hayo, caafimaadkooda, maskaxdooda iyo in loo diyaariyo nolosha ay ku noolaan lahaayeen. Caruurtu waxa ay u nugul xanuunnada kala duwan maadaama ay aad u hooseeyan unugyadooda difaacu saas awgeed waalidka waxa waajib ku ah inay aad ugu dadaalaan inay ubadka ka ilaaliyaan wax kasta oo caafimaad darro u keenaya oo ay ugu horrayso nadaafad xumadu.
Waalidiinta ay suuro galka tahay inay haystaan ubad la nool xanuunkan waxa la gudboon inay geeyaan dakhaaatiirta aqoonta u leh xanuunnada nafta iyo hidde sidayaasha si ay ugu yaraan u siiyaan talooyin ilmaha lagu tacaalo xanuunkiisa. Daryeel laโaantu ubadka waxa ay dhaxal siisaa dhibaato aanay weligood kasoo kaban karin.