Saamaynta Taban iyo Midda Togan Ee Kooxaha Iyo Bulshada (WQ: Mukhtaar Axmed Nuur))

Marar badan waxa aynnu maqalnnaa “ Wadar iyo waaxid ayamaa waalan” weliga ma is tidhi wadarta ayaa waalan ? se miyay suuro gal tahay in waaxidku mar kasta uu waalnaado ? akhriste maxaad samayn lahayd haddii koox dad ah aad kelidaa ka saxantahay inta kale oo dhamina ay khaldan yihiin ? ma khaladkooda ayaa ku raaci lahayd ? mise saxnaantada ayaad ku taagnaan lahayd ? sidoo kale waxa aynnu maqanaa” Shimbirba shinbirkiisa ayuu la duulaa” iyo waxyaabo kale oo la mid ah kuwan aynnu soo xusnay oo aanay badanaa cidna is waydiin waxa ay dhab ahaan ku salaysan yihiin iyo waxa ka dambeeya adeegsigooda.

Aqoonta cilmi nafsiga bulshada (Social Pschology) oo ah cilmi lagu darso hab dhaqanka shakhsiyaadka, kooxaha iyo bulshada ayaa waxa uu daaha ka qaadayaa arrin aanay badi dadku ku baraarugsanayn oo ah in loo hoggaamsamo wax aynnu si cad u arkaynno inuu khaldan yahay, iyo sidoo kale in aynu u hoggaansanno waxa aynaan waxba iska waydiin sababta loo samaynayo walow bulshooyinku ay ku kala duwan yihiin. Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa “ Kabtaa iyo tolkaa midna lagama dhex baxo” maah maahdan marka dhinac laga istaago waxa ay gudbinaysaa arrin aad u khatar oo saamaynteeda aynnu wakhtigan ka dhex arki karno hab dhaqankeenna.

Marar badan waxa dhacda in haddii waxa laysku mari waayo in dadku adeegsadaan in cod gacantaag ah lagu meel mariyo arrinka markaas laysku mari waayay, waxaana aad loo aaminsan yahay in wadartu mar kasta ay saxan tahay oo waaxa aynnu badanaa nidhaah Wadarta ayaa hoggaamisa inta yar ( Majority leads Minority” is marin waaga arrinta ayaa dib ugu noqonaya maah-maahdii ahayd “ Qof walba qumanihiisa ayaa qoorta ugu jira” deedna waxa khasab noqota in la adeegsado go’aanka ay gaadhaan wadartu.

Wadartu mar kasta kama turjumayso xaqiiiqada ah in waxa go’aanka laga gaadhaya uu yahay sida  saxda ah, Tusaale ahaa doorashadii Madaxwaynii hore ee Maraykanka ee Dhoonal Taraam ( Donald Trump) waxa ay ahayd mid ay faraha kaga gubteen reer maraykan, sababtuna waxa ay ahayd wadarta ayaa dooratay. Sidoo kale go’aanno badan oo ku salaysan midka wadarta ayaa iyaguna noqda mid lagu hoogo. Mar kale Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa “ Qofka dadka ugu ildheerbaa dadka ugu ayaan daran, waxa aan lala arkaynba isaga uun u muuqda” tani macnaheeda ayaa ah in uu jiro qiraal muujinaya in waaxidku uu mar saxan yahay oo ah inuu il dheer yahay.

Saas awgeed qormadan waxa aynnu u ku eegaynaa saamaynta taban iyo midda togan ee kooxaha iyo bulshadu ay isku leeyihiin, sidoo kale waxa aynnu eegayaa ­u hoggaansamidda xeerarka bulshada, kooxaha iyo saamayntooda taban iyo togan. U jeeddaduna waa in la iftiimiyo in dhibaato keenayso inaad ka aamusto waxa aad arkayso inuu khaldan yahay, sidoo kalena aanay suuro gal ahayn in markasta ay wadartu saxan tahay. Waxaana badanaa dhacda in aynnu indhaha ka laabanno wax khaldan sababtuna ay tahay in dadku badankiisa ay indhaha ka laabteen.

 

 

Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa “ Dhul lagu il la’yahay haddii aad tagto ilbaa layska ridaa” macnuhuna yahay in aad u eekaato oo aad aqbasho dhaqanka iyo xeerarka bulshadaas u yaalla, haddba aqoonta cilmiga nafsiga bulshadu waxa waxa uu innna barayaa aragtii loo yaqiin ( Conformity) oo ah u baddalidda hab dhaqankaaga sida uu yahay hab dhaqanka bulshadaadu amma kooxdaadu, iyo aaminidda in waxa aad arkaysaa in uu yahay khayaal amma aad iska dhigto inaad saxan tahay amma aad khaldantahay. Dhankale waxa iyana muhiim ah inaad u hoggaansanto waxyaabo uu maankaagu diiddan yahay adoo arkaya oo ogsoon in diidmadadu ay xaq tahay.

Waxa jira tijaabooyin badan oo lagu sameeyay saamaynta ay kooxdu amma bulshadu ku leedahay inay baddalaan hab dhaqankaaga iyo go’aan qaadashaadaada, tijaabooyinkaas la sameeyay waxa ugu caansan tijaabada la yidhaahdo ( Asch Conformity) oo ah in koox dad ah oo is lagu soo daro qof aan kooxda ka tirsanayn, kooxdaasi waxa ay kusoo heshiinayaan in ay sameeyay kacaa fadhiisi, qofkii kooxda kusoo biiray isma waydiinayo sababta ay kooxda marna u fadhiisanayaan marna u kacaan, qofkaas markuu arko falka la samaynayo ugu dambayn waxa uu go’aansanayaa inuu sameeyo falka ay kooxdaasi samaynayaan. Waxa iyana xiise leh in qofkaas ay dhammaan kooxdii ka tagayaan laakiin uu qofkaas hawshiisa iska sii wadanayo, weliba uu samayn ku yeelanayo dad kale oo qofkaas kuso biiraya, muuqaalkan hoose ayaad ka arki kartaa tijaabadan.

Inteeda badan waxyaabaha la aamisan yahay marka laga yimaaddo diimaha looma hayo caddaymo muujinaya sugnaanshaha waxa aad aamisan tahay, sidoo kale dadku badiba isma waydiiyaan waxa ka dambeeya waxyaabaha ay aamisan yihiin, iyadoo badi aaminaddu ay ku salaysan tahay waxyaabo laga dhexlay bulshada iyo dhaqanka ay leeyihiin. Aqoonta cilmiga bulshada waxa jira waxyaabo bulshooyinka mideeya amma kala sooca oo loo yaqaan ( Norms) oo af ahaan ku noqonaysa caadooyiin amma hidde.

Caadooyinku kuma salaysnaa waxyaabo la tijaabiyay oo lagu qanci karo, maxaa yeelay badi caadooyinku waa dhaxal soo jireen ah, dhaxalkuna wuxuu ku yimi xaalado iyo durufo kala geddisan oo lasoo maray. Akhriste maxaad samayn lahayd haddi aad kusoo biirto koox dad oo marka ay duhurkii la gaadho jilba joogsada, marka casarkii la gaadhana gacmaha kor u taaga ? waxa ay u badan ugu horrayn inaad falka samayso ka hor inta aadan waydiin sababta ay falalka sidaas u samaynayaan.

Waxa jirta sheeko aad u caan oo tusaale loogu soo qaato in aan wax layska waydiin falka la samaynayo, sheekadu waxa ay odhanaysaa ( Waxa jirtay gabar kalluunka xagga dambe ka jarta marka ay karinayso, waxa la waydiiyay sababta ay sidaa u samayso, wax ay sheegtay inay inay hooyadeed ka aragtay, hooyadeed ayaa loo tagay iyana wax ay sheegtay inay iyana hooyadeed ka aragtay, nasiib islaantii oo nool ayaa la waydiiyay arrinkaas iyana wax ay ku jawaabtay inay lahayd digsi yar oo aan kalluunka wada qaadi jirin deedna ay kala qaybin jirtay kalluunka” sheekadan ayaa tusaale u ah in waxba layska soo jireenka iyo caadooyinka la haysto, sababtuna waa in saamaynta kooxdu ku leedahay hab dhaqanka qofka.

 

Aqoon yahannada cilmiga naftu waxa ay sheegayaan in maskaxda bani aadamku ay u qaybsanto laba qaybood marka loo eego qaab fikirka, afsoomaali ahaan waxa ay labadaas qaybood ku noqonayaan miyir qabka iyo miyir qabka hoose amma hurda oo  afka qalaadna ku noqonaysa ( Concious and Sub-concious mind). Miyir qabku waa ogaalka iyo ku baraarugsanaanta waxa hareerahaaga ka dhacaya isla markaana ah la falgalka bulshada aad la nooshahay, miyir qabka hoosena waa qayb aan la dareemin wax ka dhex socda, tusaale ahaan ma garan kartid goorta aad baratay wanaagga iyo xumaanta, sidoo kale ma garan kartid goorta aad baratay cayda, samaanta, xumaanta, magacaaga, magacyada ehelkaaga iyo guud waxyaabaha maalin laha ah.

Deegaanku waa midka ugu saamaynta waxyaabaha nolosha iyo hab dhaqanka qofka saamaynta taban iyo midda toganba ku leh. Waxa jirta maah maah badi umaduhu adeegsadaan oo odhanaysaa ‘’ Shimbirka shirbirkiisa ayuu la duulaa’’ oo laga wado qof kasta waxa uu la ehel yahay ciddii ay isku waayo yihiin. Tusaale ahaan wiil yar oo miskiin iska ahaa ayaa kusoo biiraya koox ay isku fil yihiin waxa hubaal ah inuu muddo yar gudaheed kula qabsado waxa ay sameeyaan.

Bulshada Soomaaliyeed waxa ay leeyihiin caado dhaqameedyo taban iyo kuwo toganba, caadooyinkaas waxa ay isugu jiraan kuwo dhibaato ka dhalato, kuwo la arkayo inay xun yihiin, haddana suuro gal maaha in laga tago, maxaa yeelay caadadu ma go’o ilaa baddalkeeda la helo. Waxa aanay u samaysteen maah-maaha odhanaysa ‘’ Caado la baajaa, cadho Alle ayay leedahay’’ Asal raacnimadu waa mid ka mid waxyaabaha aan wakhtigan loo hayn daawo ku filan, ku taagtaanta caado aan la garanayn waxa ay ku salaysan hubaal waa dhibaato wayn.

Ugu dambayn waxa habboon in qofku fikiro, wax is waydiiyo meesha iyo cidda uu la fal galayana uu aad isaga hubsado. Waxa la yidhi ‘’ Col kaa badan iyo biyo kaa badanba way ku hafiyaan, wax kasta oo aynnu adeegsano, cidda aynnu xidhiidhka la leenahay iyo wax kasta oo innagu xeeran waxa ay innagu leeyihiin saamayn badan, saas aawgeed akhristo ogow oo ka war qab waxa saamaynta taban iyo midda toganba kugu leh. Kooxda aad ku jirtaa haddii aad aragto inay khaldan yihiin waxa habboon inaad u sheegto, sidoo kale maaha inaad ka aamusto waxa aad aaminsan tahay inuu khaldan yahay amma uu saxan yihiin si kasta oo kooxdaadu kuu dhahaan waxaas waa sax amma waa khalad.

 

 

W/Q: Mukhtaar Axmed Nuur.